Markaan arkay qormooyinka wxbarashada ah ee aad soo galisaan ayaan jeclaadaya inaad asxaabt ku xidhan Page DHUGASHO aad lawadaagtaan qormadan.
_____________________
Soo dhawaanshaha xilli imtixaanaadkii jaamacadaha iyo dugsiyada waddanka awgii; waxan jeclaystay inaan idinla wadaago qormadan. Muddo cayiman oo aad soo qadanaysay casharo iyo lakjaro, waxad u diyaargaroobaysaa inaad gasho imtixaan, kaas oo hadaad baasto oo ku guulaysato aad hubto inaad hore u qaadi doonto tallaabo ku aaddan xagga bartilmaameedkaaga iyo yoolka guushaada nololeed. Waxad ogtahay in imtixaanku u baahanyahay diyaargarow iyo waxqaybis, haddaba; waxan halkan kuugu soo gudbin doona sideed talaabo oo aad si wax-ku ool ah wax ugu qaybi karto.
1- Diyaari qolka aad wax ku qaybaysid:
Ardayda qaar waxay waxkuqaybaan meel buuq ah oo aan nidaamsanayn, taas oo tashuush ku ah macluumadkii ay maskaxdu uruurin lahayd. waxa lagama maar-maan ah inaad si fiican u diyaarisid qolka aad wax ku qaybaysid, hadday habeentahay iska ilaali inaad wax ku qaybto qol aan iftiin badanlahayn, u roonow caafimaadka indhahaaga.
2- Ha sugnaato meesha aad wax ku qaybaysaa:
Sugnaanta iyo degenaanta meesha aad wax ku qaybaysaa waxay qaybwayn ka qaadataa in maskaxdu si fiican u kaydiso waxa aad qaybaysid, iska ilaali inaad wax ku dul qaybto sariirta, waayo taasi waxay kugu sababi kartaa inaad lulo dareento oo uu hakad galo barnaamijkaagi wax qaybistu, sidoo kale; kafogow inaad fadhiisato meel kala dhaadheer oo aan kuu saamaxayn inaad u fadhiisato si caafimaad qabta. Isku day inaad isla hesho miis iyo kursi. U faadhiiso si quman, hore ha uwada foorarsan, gadaalna ha u jiifsan sidii qof istareexaya, si kale hadaan u nidhaahno; toosi madaxaaga oo buugga aad wax ka qaybayso indhaha haiska soo galin han iska fogayn.
3- Dejiso jadwal aad wax ku qaybto:
Hadii aad dejisato jadwal aad wax ku qaybto oo aad maado walb waqti gaara siiso, waxa fududaan doonta inaad si kalsooni leh wax u qaybto, kaana yaraado wer-werka imtixaanku kugu hayo.
4- U ogolow nafta waqti nasasho oo u dhexeeya wax qaybista:
Kaddib laba saacadood oo kasta xilliga wax qaybista; u ogolow nafta iyo jidhkaba waqti ay nastaan, Si aad u hesho raaxo maskaxeed oo kaa caawin doonta inaanad ilaawin wixii aad soo qaybtay.
5- Wax u cun sibad qabta:
Cuntooyinka aad qaadanaysid iyo sida aad u qaadanaysaaba waxay saamayn lataaban karo ku leeyihiin maskaxdaada, maskaxduna waa weelka aad doonayso inaad wax ku kaydiso, sidaa awgeed; wax u cun si qaabaysan oo nidaamsan, sidaa waxan u leenahay: hadaad 3 dii saacadoodba wax iska cunto oo cabto adigoo isticmaalayaa waxyaabo kala duwan, waxa kugu dhaboobaya hadalkii ahaa: “إدخال الطعام على الطعام، داء ليس له دواء ” cunto cunto laga daba geeyay waa xanuun aan dawo lahayn. Waxad qaadataa oo cuntaa; cuntooyinka maskaxda u wanaagsan ee xasuusta kordhiya.
6- Habeenkii seexo waqti kugu filan:
Diinteena suuban ee islaamku waxay inoo sheegtay in uu caafimaadku ku jiro goor hore oo laseexdo, goor horena lasoo tooso, goorhore seexashadu waxay maskaxda ka fududaynaysaa culayso badan oo ay dareemaysay, waxayna awood u yeelanaysaa inay si fiican u shaqayso waqtiyada soo socda.
7- Is-horkeen markasta hadafka aad leedahay:
Xasuusnow markasta inaad lahayd hadaf, ha ahaado mid ku meel-gaadh ah, sida inaad doonayso inaad kaalin muuqata kagasho natiijada guud ee imtixaanaadka, ama hadafkaaga fog oo ah ka aad ku rajawayntahay inaad gaadho nolosha, xaqiijintiisiina aad hadda wadadiisii hayso. Hadii aad sidaa samayso; waxad heli doontaa dhiiraanaan aad kusii waddo waxqaybista.
8- Ka takhalus cabsida:
Ka war-waridda iyo kacabsashada imtixaanku waxay dhaawacaysaa habsami usocdka waxqaybkaaga, waxay kaa hor istaagaysaa inaad si buuxda wax u qaybto, hadaadba qaybtona waxay kaa kala daadinaysaa wixii aad soo qaybtay, waayo waxa kaaluntay kalsoonidii. Ogow oo usheeg naftaada in imtixaanka lagu soo hordhigi doonaa uu yahay kaliya wixii laguu soo dhigay oo aanay jirin wax meel kale laga keenayaa, sidaa awgeed; majirto sabab aad uga sii cabsatid imtixaanka, qayb oo akhri duruustii aad soo qaadatay.
Dhamaanteenba Guul & Gobonimo.
Turjumadi & Naax-naaxintii: Khaalid Cabdur-razaq Caskar
Khaalid Cabdur-razaq Caskar
Khaalid Cabdur-razaq