November 12, 2007 at 1:22 am | Posted in True Love | 85 Comments
Sheeko jacel oo dhab ah
Sheeko run ah oo ku dhacday wiil iyo gabar Soomaliyeed oo Kunoolaa Wadanka Somali Gaar Ahaan Magaalada Muqdisho Taariikhudu Markey Aheed 23/7/97
Axmed Wali Mohamed Cise Iyo Seyruuq Jaamac Idiris Waxeyna Wadada Dhigan Jireen School Al Cimra oo Kuyaaley Xaafada Xamar Jadiid Seyruuq Waxey Aheed
Gabar Ad iyo aad isku Kala Weyn Badnaa aanan lahadli Jirin Ardayda Dhigtaa Schoolka Runtii Gabdhaasi Waxeyna Aheed Gabar ku Wanaagsan Xagaga Waxbarshada Lakiin Islaweyn Waxaana Galaaska Caadu u Ahaa Markey soo Gasho Aydoon Cid Aysan Lahadlin in Ay Fariisato Kursigeeda Gabadhaasi Waxaa aad Ujeclaa lakiin aan Usheegan Axmed Wali oo Asna Ahaa Wiilsha Galaaska Ugu Wanaagsan Dhanka Edaabta Iyo Waxbarshada intaba Maalin Maalmaha Kamid ah
Ayuu Waxuu Go aan Buuxada Ku gaarey Axmed In uu Waraaq ama Fariin udero Seyruun Waxuuna soo Diyaarsadey Waraaqdii iyo Qalinkii Waxaana uu Bilaabey Waxuuna Kubilaabey Sidatan ************
To Seyruuq Jaamac Idiris From Naf kujecel
Waxaan Marka Hore Hawada kusoo Marinayaa Salaan qiimo Qaayo badan Salaan taasoo Kagaaga Soo Gudey Xubnaha uugu Muhiim san Jirkeyga Salaan taasoo Kamcaan badan Malabka Shinda Kana Udgoon badan Saxan Saxada Roobka Macaaneey Hadaan kaagaga Waramo Xaaladey Waxaan Ahay Naf kujecl Waxaan kaa Codsanyaa in aad Wax igaaga la qabto Jaceylka aan kuu qabo Waxaana Filayaa Markaad Aragto Fariinteyda in aad Jawaab Dag Dag ah Isoo Deri Doonto ama Ad isoo Gaarsiin Doonto Macaaneey *************
Daruuraha hilaaciyo
Dayax Nuurayaay tahey
Soomalida dirkeediyo
Dun Xariira baad tahey
Dawadii jacaylkiyo
Dookhiisiibaad tahey
****************
Deegaan bislaatiyo
Doog baxaya baad tahey
Qalbigu ku dararoo
Indhaha kugu doogsada
*****************
Waraaqdii Dhanbaalka Ahayd ee Axmed Wali Waxuu Gu aan ku gaarey in uu Farha kasaaro Seyruuq Asagoo Maalinkaasi Cabsi Farabadan Kamuuqatey Iyo Naxdin Asgoo Maalinkaasi Islahaa Armey kuugu Xanaaqdaa oo ay Maanta ku Ceebeysaa Seyruuq oo Maalinkaasi aad Moodo Quruxda Iyo Dhalaalka oo aad moodo in ay soo Adey Aroos Ama Xalfad Ayaa Soogashey Galaaska Waxeyna Maalinkaasi
Salaantey Ardeydoo Dhan Waa Markii ay uugu Horeysay ay Salaanto Ardeyda….
Waxeyna Agfariisatey Kursigii Axmed Wali Waxuu Bilaabey in uu Yiraahdo Abaayo macaan Waan kusalaamey Seyruuq aydiina Waxey Tire Waan kaa Gudoomey Walaale Waxuuna Gudoon Siiyey Waraaqdii Quruxda Badneed ayduna Waa ay Gudoontey *
Aqristoow Qeybaha Kaloo ee Qisadaani Waxeyna Idiin Bilaaban Doontaa Weegaani Haduu ilaahey Yiraahdo Waxii Fariin ahna Waxaad iigugu Soo Hagaajin Kartaa Ciwaanadeyda Ama Waxii Talo Iyo Tusaalo ah Waxaad iigu soo Hagaajin Kartaa Hadii aad Qaladaada Aragtaana Ka Raali Ahaada Aqristayaasha Qiimaha Iyo Qaayaha Lahoow …….
Waxa Qoray:Ciise Maxamuud Khaliif Ciise Yare
Email ciisecalas@hotmail.com
ciise_200@yahoo.co.uk
Tell 254722610528
Xuquuqda Qisdaani Waxay ku Kedsan Tahay Qoraaga Sheekdaani Asaga uunbaa Lagala soo Xiriiri Karaa Amar Laan lama Daabacan Karo lama Copy Laguma Sameyn Karo Ilaa Ogulaansho Laga Helo Qoraagaga Sheekdaani Maxamuud Khaliif Ciiseyare
Lasoco Qeybta 2 Baad Haduu Ilaahey Yiraahdo….