Haddii ay Canab na aragto annaga oo ammaanayna gafuurka ayay taagi jirtay oo may jeclayn in lagu ag ammaano. Waan garan waayey sababta ay u diidayso ammaanta ruuxa ay tuulada oo idili buunbuuninayso. Wax se aan ku tala galay maalin in aan arrintaa si ku talagal ah uga warayso.
Iyada oo galab biyo ka soo dhaamisay baarkaddooda oo inta ay biyihii dhaamisay oo sugaysa cid la qaadda ama Cumar-Aflaawe oo ka daba yimaadda ayaan dhanka galbeed kaga imid, waan ka naxsaday oo inta ay boodday ayay jirikaannadii ka dul dacday. Kolkii ay i soo jalleecday ee ay i garatay ayay igu soo boodday oo tidhi
_Waar waad iga nixisay bisinkee.
_ Alla’ walaal i tuf.
_tuffuu..!! ayay tidhi iyada oo sii tufaysa candhuuf cad iyo biyo ay afka ku haysatay.
_xaggeed ka timid Nuurow..?
_Waxaro ayaan dooxada la joogay
_ yaa dooxada joogay..?
_Cidna ma aanan arag, waxa aan se arkay raad aan mooday kii Qadan.
_Oo Qadan raadkeedu muxuu dadka kaga duwan yahay..?
_Dee tallaabadeeda culus ayaa dhulka diista oo hoos u celisa. Nagaadhka iyo kaboqooyaha way u daran tahay.
_Oo tolow dadka miyay ka culus tahay
_Naa naga tag war ma haysidee. Waxaa la yidhi dumarka quruxda badani dadka way ka culus yihiin si kasta oo ay caato u yihiin.
Markaasay bilowday in ay boodbooddo oo halkii ay cagaha ku dhufatay eegto, bal in uu raadku dhulka galo iyo in kale. Markii ay aragtayna wax ay tidhi ‘Alla Nuuroow, day amba waan qurux badanahaye’. Markaa waxa ay ahayd gabadh yar oo tobanka wax u dheer yihiin. Maalintaa wixii ka dambeeyey waxaan ku qancin jiray in ay qurux badan tahay, iyana sidoo kale way is qurxin jirtay. Waayihii dambe ee ay dumarnimadu soo salaantay, laabteeduna soo buuxsantay oo ay iska dareentay xishood waxa ay ka dhex baxday wiilashii ay la qasan jirtay. Waxay isku dayi jirtay in ay laabteeda qariso, hooyadeed way canaanan jirtay haddii ay aragto iyada oo wiilal ka ag dhaw. Balse aniga aad ii gama fogaan jirin. Qudhaydu mar dambe ayaan ogaaday in la is jeclaado ee horay waan u jeclaa. Waayo, waan ogolaa, sheekadeeda waan ku nafisi jiray, wehelna way ii ahayd, waannu wada shaqayn jirnay oo xaabada kolka ay doonayso waannu is raaci jirnay, biyahana waan la soo dhaamin jiray. Markii ay keentay dabeecadaha ka duwan kuwii hore aniguna waxaan bilaabay dhaqammo ka duwan kuwii hore.
Galabnimdii inta aan imaaddo makhaayaddooda ayaan shaah ka cabbi jiray, dabadeedna ragga qayilaya sheekooyinkooda dhagaysan jiray. Sheekooyinkooda waxaan ka jeclaa heesaha ay dhagaysanayaan. Fannaaniinta iyo codadkooda halkaas baan ku bartay. Khadra Daahir iyo Sahro Axmed baan ugu jeclaa wax dhawaaqa. Heesahaas ayaa i baray in aan jeclahay Canab. Muddo ka dib Canab waxay i illowsiisay quruxdii lagu sheegi jiray Qadan, gaar ahaan maalinkii aan dhagaystay heestii Xasan Xaaji Cabdullaahi (Ganey) ee uu ku luuqeeyo Xasan Aadan Samatar.
“Haadba haad kici
Haybaddaadu noqotee
Hodan baad ka tahay qurux”
Iyada ayaa shaaha ii keeni jirtay, waxayna igu eegi jirtay indho ka qurux badan kolka aannu kalida nahay. Kolkolka qaar marka ay ii timaaddo ayay si qarsoon iigu sheegi jirtay in ay xaabo doonayso, kolka ay tagto ayaan anna ka daba kici jiray. kolka ay Canab xaabo doonto hooyadeed ayaa kor ka sii qooraaansan jirtay, anna waan dareensanaa oo kama daba tagi jirin ee waddo kale inta aan soo maro ayaannu isugu immaan jirnay meel aannu isla naqaannay. Waxay ahayd geed wayn oo Maraa ah hoostiisa, geedkaas barkaddooda ayuu u muuqdaa. kolka hore hawsha ayaannu is dhaafin jirnay oo xaabada ayaa aan la soo guri jiray. Kolka ay soo xidhanto ayaannu wada sheekaysan jirnay.
Waayihii dambe ayay hooyaday aniga iyo Mukhtaar Burco ayay noo kaxaysay. Waxaa nala geeyey guri uu abtigay ku lahaa Burco. Waxaa igu adkaatay in aan fahmo dhaqammada magaalada, waxaa la i geeyey goob wax barasho oo ka duwan tii hore. Waa Iskuul baa la yidhi oo lagu ma barto Quraan, waxaa lagu bartaa Af-Soomaaliga , Xisaabta iyo waxyaalo kale oo aan fahmi waayey. Waan yaabay kolkii ay i yidhaahdeen waxaad baranaysaa af-Soomaali..!! ha yeeshee waan iska aammusay. Ma lahayn barkado oo waxaa laga cabbi jiray qasabado iyo ceelal. Waddooyinku way ka duwanaayeen kuwii Dayrfadal, baabuur badan baa susumaysa, dadku way ka badan yihiin kuwii aan aqaannay, way ciyaar iyo kaftan badan yihiin wayna khiyaamo badan yihiin. Sideedaba Burco madaxayga way ka waynaatay. Hase ahaatee muddo ka dib waan la qabsaday. Iskuulkii aad baan ugu firfircoonaa, carruurtuna way i jeclaayeen. Waxaan uga sheekayn jiray sheekooyinkii tuulada, baadiya iyo waxyaabo kale oo iyaga ka dahsoon. Kolkolna way iga maadaysan jareen, iyaga oo ku hadlaya hadallo aan garan waayey.
Muddadii aan fasalka lixaad soo gaadhay waxaan u wareegay Hargaysa oo aan ku dhammaystay illaa dugsigii dhexe. Hargaysadaa kolkii aan imid waxaan ahaa nin wayn oo muddo igu ma qaadan fahankeeda iyo barashada dadkeeda. Dugsiga Maxmuud Haybe ayaan galay oo aan ka sii watay waxbarashadaydii. Burco kolkii aan joogay wax barashada daacad baan u ahaa. Haddaba daacad baan u ahayee balse sidii ay waagaa xiisaha iigu haysay imminka iiguma hayso. Waayo, waxay noqotay qayb noloshayda ka mid ah. Barigaa aan iskuulka Maxmuud Haybe galay baan bartay haasaawaha, hablo badan baan shirin jiray oo waligayba dumarka oo dhan waan wada jeclaa. Caways ba tii bilan baan raaci jiray, midi ba ta ay ka labbis wacan tahay baan u hanqal taagi jiray. Sidaydaba abuurkeeda ilaahay iyagaan ugu jeclaa.
Habluhu sidoo kale waxay igu jeclaayeen hadal badnaanta, wax ay iga dalban jireen in aan ka caawiyo maaddada Suugaanta. Gabayo aan yaraantaydii qabtay baa ardayda loo dhigaa, anna waxaan iyaga u dhigaa gabayo kale oo maad iyo qabyaalad u badnaa. Gabaydii Guba oo deegaankii aan ka imid caan ka ahaa kolka aan u mariyo way la yaabi jireen. Alla dumarku ninka hadalka deggan jecelaa, anigu na jeclaayaa hablaha hadalka yar. Gabadh kasta oo aan wada sheekaysanno waxa aan nacaa kolka aan hadalkeeda nuxur ka waayo…