Waxaan wax yar ka xusaynaa jacaylki ismacil sheekh ahmed oo ku magac dheera ismacil cagaf.
Ismaciil shekh ahmed waxa uu jeclaa muddo dhalinyaranimadiisi ah gabadh uu dhalay abtigiis run ah.
Ismaciil waxa uu ku bar baaray magalada hargaysa , waxa uu ka mid ahaa dhalin yaradi ardayda ahayd ee waqtigaa wax baranaysay. Ismaciil waxa u dheera wax barashadi schoolka oo waqtigaa u dhigmaysay heer jaamacadeed, wuxuuna ahaa darawal kaxeeya gaadiidka, darawalnimada oo lafteedu ahayd mid ka mida xirfaddii ugu qaalisanaa xilligaa ee la higsan jiray, waddo dheerna loo soo mari jiray. Barashada darawalnimada oo lahayd jaran jarooyin kala hooseeya, isagu nasiib ayuu u helay isaga oo dhalin yaro ah ayuuna noqday darawal, dhanka kalena soo dhamaystay waxbarashadiisi dugsiga sare.
Ismaciil waxa uu dhanka kale bartay luqadda turkiga, wuxuuna muddo ka ahaa magalada berbera turjumaan luuqada cusmaniyiinta ka turjuma.
ismaciil oon odhan karro, waxaa soo maray jacayl kii ugu dhibka badnaa ee ka dhaca gayiga somalida, bal haddaba maanta aynu isku dayno inaan wax ka xusno jacaylka Alle haw naxaristee. ismacil sheekh ahmed.
Ismaciil xirfaddiisi darawalnimada ayuu ku shaqo tegay, waxaanu la shaqayn jiray ingiriiskii, wuxuuna darawal ka ahaa cagaf-cagaf waana halka magaca naanaysta ahi uga baxay. Ismaciil maaddaama uu ahaa nin wax soo bartay dhalinyarana ah xirfad qaaliya oo darawal cagaf ah uu yahay, waxa uu naftiisa u sheegay in uu reer alkunto. Ina abtidii oo hargaysa joogtay, magacana ay wadaagaan inanti cilmi boodhari jecladay, oo lafteedana la yidhah (Hodan) ayuu qoondaystay inaanay sinaba u dhaafin.
Abtigii oo warma qabe ah, nin ka yimi gayiga carbeed waxoogaana haysta, ayaa waydiistay. Halki buu abtigii gabadhi ku bixiyay, ismaciil abtigi is arke abti waan ku salamay buu yidhi maxa kugu dhacay markay is arkeen ismaciil waxuu ugu jawabay
(Abtow adiga weerarka waday, haddii waalidku wanaagga falo walcantu waysu soo wareegtaa).
Ismaciil sidii laguma dhaafine, muddo ka dib war kaloo aanu ku farxin baa u yimi, waxana loo sheegay hodan in la kaxaysanayo barito 7;00 subaxnimana ay hargaysa ka dhoofayso.
Ismaaciil cagafti uu ku shaqayn jiray, buu kaxaystay, wuxuuna rabaa inuu ka gaadho madaarka hargaysa. goobta uu ka shaqeeyo waa jiidda xaaxi iyo beerato oo u dhaxaysa hargaysa iyo oodweyne.
Ismaciil cagafti ayuu la sii dardaarmayaa wuxuuna ku lee yahay;
Abidkeey Cagafeey
Caawadaan ku bartee
Cagtaadan ballaadhan
Codkaadu maxay daweeyaan
Billaahi Cagafeey
Mar ila cararoo…
Ismaciil markuu in doora maqnaa, nin ingiriis ahaa ooy kolkaa wada shaqayn jireen, baa yidhi ismaciil xagguu cagafta ula sii socdaa? maanta hargaysa oo gabadhu jeclaa baa dhoofaysaa lagu yidhi. Fadduurad Laanroobal ah ayuu ka soo daba diray, ismaciil waxaa lagu soo gaadhay jiidda banka qoryaale la yidhaahdo, kan kaxaysaa lagu yidhi, ismaaciil diyaaraddi markay kacday buu madaarkii yimi.
Markaasaa waxay dheheen, inta niyad-jabay oo soo dagtay meel istaagay, xagga samada eegay, ayuu erayadan uu ugu ducaynayo, isna naftiisa ku samrinayo ku geeraarayaa. Oo wuxuu leeyahay;
Seed iyo calaf baa
Sidaa wax yidhiye
I seegtaye
samo ku noolaw…
Ismaciil sidaa kuma adkaysan, balse waxa uu yidhi, hadal kale oo lagu qabsaday. Wuxuuna yidhi
Adoo gabadhiyo
Adoo gabooba
Guurkaagu waa
Ii gudboonyahay…
Ismaciil tolkiis baa la hadlay, oo kula taliyay “ismaciiloow inantii la guursaye, is xaji”. Haddana ismaciil ma ay ahayn xaaladdiisu miduu dhakhso u samri karo isagoo talada tolkii ka hadlaya waxa uu leeyahay:
Waxaan taakiyaa tillaabada
oo
Waxaan tiriyaa turaabta dhulkoo
Tolkey talo iigu taagwaayoo
Cidlaan tuman oon ka taliyaayey…
Maalin maalmaha ka mida, ayaay gabadhi hodan ahayd, soo degtay, ismaciil oo cagaftii ka soo rawaxay, oo boodh badan, baa loo sheegay hodan inay timi. Ismaciil wuu is duuduubay, isagoon wali boodhkii ka qubaysan. Isagoo hurda ayaa la toosiyay, wuxuuna yidhi;
Leel-leelkayga laygu soo noqoyoo
Labadii galabtaa ladh igu kacayoo
Laydhii cishqigaa i lalinaysee
Liibaane go’ayga ugu laab…
Ismaaciil Alle ha u naxariistee, gabadh baa la yidhi guurso, gabadhi buu mehersaday, isaga oo raba sidii uu naftiisa uga reebi lahaa gabadhi hore, ayaa lagu yidhi; “ismaciilaw waa bil safare, ha ina dhaafto, markasaa laguu soo wareejinayaa inantee”. Ismaaciil isagoo ka xumaaday, waxa uu yidhi;
Waxaad hibanaysay
Haddana waydaye
Naf yahay hadimada
Hadmaad dayn…
Ka dib bil safarti waay dhamaatay, ismaciila gabadhi waa loo soo wareejiyay, isagoo raba inuu naftiisa uga dhigo gabadhuu jeclaa inuu helay, waxa uu yidhi leeyahay;
Waydinkii gacmahayow gariiri jiraye
Guddoonta yartaad u gu’iseen
Waydinkii indhahayow u ooyi jiraye
Maantaba aragte’e imaansada
Afyahow aammus kaala ay waayaye
Ahaataye dib haw ilaaqtamin,,
Xigasho/ Shabakadda Shimbiraley