“Daa’imow maxaa xigi”

Barnaamijkeenii suugaanta ee Jimcaha ka baxayay golsho dhaqameedka Dhugasho, waxaan maanta ku soo qaadanaynaa gabaygii caanka ahaa ee Allaha u raxmee ismaaciil mire “Daa’imow maxaa xigi”. Waa gabay ka turjumaya wacyiga iyo waayahan cusub.

• Dadka wada dhashay een lahayn diirnax iyo xeebad
• Labada uurka soo dabataye daacad kala wayday
• Daayimow maxaa xigi adduun dabadii weeyaane?

• Daaraha kiraysane gabdhaha lagu dembaysiiyo
• Oo biilka laga doonayaa waa darxumo wayne
• Daayimow maxaa xigi adduun dabadii weeyaane?

• Darmaanaha waraabaha digliyo daalacay haadka
• Dameeraha la bari siinayiyo diiftan Xamar qaayib
• Daayimow maxaa xigi adduun dabadi weeyaane?

• Naagahan dafiray kii qabee diiday gurigooda
• Oo wada dareerayee nin kale doontay lacagtiisa
• Daayimow maxaa xigi adduun dabadii weeyaane?

• Qarshigaan dirsaday saaka ee dooc i tari waayey
• Ee duubka neef ariya iyo daasad bixi waayey
• Daayimow maxaa xigi adduun dabadi weeyaane?

• Hadday dunidu kheyr leedahay oo la isu daynaayo
• Dadkii Xaawo laga uumay iyo duudkii Nebi Aadan
• Derajada kuwii loo dhalaan laga dereersheene
• Seben-aakhir inuu daahir yahay suurna daba joogo
• Doqon iyo ninkii nacasa iyo daaldhaan garane
• Cadaabaha dabkoodiyo Allow naar ha nagu daadin

X/g: Doollo.com