Maxay ka billaabatay silsiladdii guba?

Cambaro-sagal Bulxan Cali ayaa u doonnanayd Aadan Xuseen Axmed.  Aadan wuxuu xurmo iyo yarad ahaan u bixiyey boqol neef oo ishkin ah oo iskugu jira (60 geela iyo 40 lo’ ah.)  Kolkii maalkii yaradka ahaa la isdhaafsaday ayuu Bulxan oo gabadha aabaheed ahaa wuxuu Aadan u soo jeediyey odhaahdan.  Wuxuu yidhi:  “xarago nin weyn ayaad bixisay, xilkiina aniga ayuu igu wareegay laakiin waxaan codsanayaa lix faras inaad soo raaciso maalka aad dhiibtay.”  Aadan kama labalabayn maxaa yeelay xoolo uu xididkii ku qurxiyo iyo kuwa uu ku xaajogutaba Illaah waa u dhiibay.  Cadceedu intaysan baalka dhiginba wuxuu keenay lix faras oo uu Bulxan guddoonsiiyey.  Fardihii markuu guddoomay ayuu Bulxan wuxuu mar labaad yidhi “xoolo dambe oo aan kaa sugayaa ma jiraan.  Reerku bari ayuu u dabjeedaa sebankan, markii aan degno meherkii gabadha iyo aqalkii oo dhisan u imow.”  Hawraarsan ayuu Aadana ku jawaabay.    Aadan habeenkaa ayuu u hoyday raaskii Bulxan, subixii dambena wuu kalaha-guuray.

Reerkii Bulxan waa kii bari u dabjeedee wuxuu ku furay meel u dhexaysa Xodoyo iyo Baraar Koriye. Awrtii markii rarkii laga dejiyey ayaa Cambaro-sagal orodoo fardaha aroori la yidhi.  Cambaro fardihii ayey isu keentay wejigana saartay Xodoyo oo aan jabada reerku degay saa uga fogayn.  Iyadoo gadhwadda faras Nugaaleed fardaha ka mid ahaa inta kalena ay daba taxaashayso ayey Xodoyo Weyne kusoo baxday.  Rag Dhawr ah oo hooska qudhaca weyn ee Xodoyo fadhiyey ayey Cambaro soo hormartay.

Waxaa dhulkaa caado ka ah in faras iyo gabadh quruxsanba raggu jalleeco ishana cabbaar la raaco.  Hal mar ayuu raggii dhinaca Cambaro wada dhawray.  Ragga geedka fadhiya badankiisu, ileen dadku meel fog ma kala jiree, garay gabadhu tay tahay waxaase jiray nin aan aqoonsanin Cambaro.  Ninkaasi wuxuu ahaa Cali-dhuux.  Cali-dhuux wuxuu si la wada maqlay u weydiiyey: “waar gabadhu wa’ayo?”  Waxaa loo sheegay inay tahay Ina Bulxan Cali.  Waxaa kale oo uu weydiiyey gabadhu ninkay u dhaxday, waxaana loogu jawaabay Aadan Xuseen ayaa ka yarad bixiyey oo ay u doonan tahay.

Cali-dhuux wuxuu markiiba gartay qoyska gabadhu kasoo jeedo ileen nin reerka ka mid ah ayuu ahaaye.  Gabadha bilicdeeda markuu indhihiisa ku arkay, qoyska ay kasoo jeedana loo sheegay ayuu damac galay.  Laba siyoodba waa la wariyey.  Mar waxaa la sheegay inuu isagu gabadha isu rabay oo uu guur-meer qudhiisu ahaa.  Mar kalena waxaa la sheegay inuu wiil uu adeer u ahaa oo madi xoolo badanna indha-indhayn indhawaalaba ugu jiray, Cambarana uu ninkaa la damcay.  Sida dambe ayaa xoog badan oo aan qisada ku wadaynaa.

X/doollo.com