Abwaan Hadraawi

Dhamacdiyo dabkaad quudateen maaha dhalanteede

Nin xaqiina meel hoose dhigay tiisu waa dhedo’e

Xumaantana wanaag baa dhaxlee wayda haw dhimane

Naftu dhaaba dhaabaha hiyiga way ku dhacantaaye

Kkol haddii dhabbada loo qorqoro way ku dhilantaaye

Mar haddii qalbiga ciil dhufasado dhaaftay taladiiye 

Sida Dhooddi-meerkii taleex haw dhaqaaqina e

Dhirbaaxooyinkii quudhsigaa dhuunta yuurura e

Haddii dhagar inaad gaysataan laabtu dhigi waydo 

Dhanka eebbahay xiga adduun wayska dhalanteede

Abwaan: Hadraawi  Allah Ha Unaxaristo