Garo awoodahaaga oo ku kaalsoonow naftaada

Allahii na abuuray waxa uu na siiyay awoodo isugu jira kuwa muuqda iyo kuwa qarsoon intaba, waxa uuna eegayaa qof walbo sidii uu uga faa’iideysto waxa la siiyay, sidaas oo ay tahay ayaa dad badan oo naga mid ah waxa aysan dareensaneen awoodaha uu alle ku manaystay kamana faa’ideystaan.

 Wixii lagu siiyaa hadii aadan ka faa’ideysan waa lagaala noqonayaa, hadaba sida saxda ah waa in uu qof walbo ka faa’ideystaa awoodaha uu rabbi siiyay, umaddana uga faa’ideyaa. Aqriste ma ogtahay in aad leedahay awoodo badan oo dadka kale ka mid ah aysan lahayn, ma ogtahay in aad hadii aad garatid awoodahaaga oo aad u dhaqaaqdid ka mira dhalintooda aad isbadal aad u weyn oo horumar iyo guulo ah xaqiijin kartid, ma og tahay in hadii aad awoodahaaga isticmaashid aad is badal aad u balaaran samayn kartid mise ogtahay in isku kalsoonaan la’aanta ay sababto in aad garan waysid awoodahaaga.

 Kalsoonida nafta waa shay qaali ah, waana mida kaliya ee qofka u horseedi karta in uu tijaabiyo nolosha qeybaheeda kala duduwan, waqti  koobana ku gaarsiisa qofka garashada naftiisa halka ay ku fiican tahay iyo halka ay ku liidato. Hadii aad kalsooni buuxda oo nafsadeed heshid waxaad noqonaysaa geesi ku dhiirada caqabadaha nolosha isla markaana si kalsooni iyo geesinimo leh dhex mushaaxa oo caqabadihii u badala fursado. Aqriste ku kalsoonow naftaada oo u istaag sidii aad ku wajihi lahayd nolosha, oo ka faa’ideyso awoodaha uu ilaahay kugu manaystay 

Qoraa: Mahamed Ali Yalahow

Buuga: Isku filaansho