Bulshadiisa ayuu wax ka badalaa Waxaa lagu yaqaanaa qofka hanka sare leh inuu yahay mid isku daya inuu nolosha bulshadiisa wax ka badalo, hormarna u horseedo. Laakiin qofku goorma ayuu wadankiisa wax ka badali karaa oo uu hormar u horseedi karaa Sheekadan ila dhuux iyadaa jawaab u noqonaysaa su’aashaas.Waxaa jiray wiil dhallin yaro ah markuu gaaray 20 sano ayuu wuxuu ku talagalay inuu hadafkiisu noqdo sidii uu adduunka dhan wax uga badalilahaa 10 sano kadib wuxuu arkay inuusan adduunka waxba ka badali karin wax lataaban karona ku soo kor dhin karin, wuxuu go’aansaday inuu wadankiisa wax ka badalo oo uu hormar u horseedo, 10 sano kadib wuxuu arkay inuusan dalkiisa waxba u qaban karin hormarna u horseedi karin kadib wuxuu go’aansaday inuu magaaladuu degan yahay inuu wax ka badalo, 10 sano kadib wuxuu arkay inuusan waxba ka badali karin xaafadiisa, kadib wuxuu go’aansaday inuu xaafada uu degan yahay wax ka badalo laakiin 10 sanokadib waxaa u soo baxday inuusan waxba ka badali karin, kadib wuxuu go’aansaday inuu qoyskiisa iyo caruurtiisaba wax ka badalo laakiin 10 sano kadib waxaa usoo baxday inuusan waxba ka badali karin caruurtiisuna aysan diyaar u ahayn inay qaataan fikradihiisa, markii uu gogosha geerida jiifsaday ayuu go’aaday inuu wax ka bilaabay meel uusan wax ka bilaabin qof raba inuu dalkiisa wax kabadalo, waxaa usoo baxday inay ku haboonayd inuu naftiisa ka bilaabo, reerkiisa ku xejiyo, xaafadiisa ku xejiyo magaaladiisa, dalkiisa adduunka.
Buuga: Astaamaha qofka hanka sare leh
Qoraa: Cabdifataax Maxamuud Ducaale ” Cajab