Axadkii Jaceylka | Q-3aad Adegto

Tolow sidee ayuu ku helay halkeesa ayuu ka helay warbixinta gabadha? Goor galab ah sacaduna tahay 4:pm galabnimo ayuu Cumar wacay saxibkiis oo uu ku yiri saxiib waxaa kugu sugayaa geydka xaafada ku yaalo ay soo dhaqso ciyaarta waa ay bilaban rabtaayee. Saxibkiis ayaa ku yiri wan soo baxaa ay xogaa I sug aqbaarna fiicana waan kuu hayaayee Cumar “Ma waxaa heshay aqbaar ku sabsan Gabadhii Saaxibkiis “Haa waliba meel cajiib ah ayaa ka helay.

Cumar “Anaa kuu imaanayo waayo adiga waa soo dahee mana ku sugi kari ay sug ilbiriqsi.” Saxiibkiis “War waan soo baxay waana kugu soo dhawahay.” Maxa dhacay markii uu saxiibkiis u imaaday Cumar? Sidee ayuu ahaa dareenka Cumar? Halkeesa aqbaarka gabadha laga helay? Halkee ayee Gabadha ku nooshahay maxeysa qabataa? Ka dib markii uu Cumar iyo Saxibkiis wada kul meyn waxa dhaxmartay sheegadaan: Cumar “Isheeg saxiib aqbaarta gabadha halkeesa ku aragtay

Saxiibkiis “Meel aan fogeyn balse waxaa kaa rabaa in aad mid ii balan qaado? Cumar “Xitaa nafsadeeda waan ku siinaa ay mar un ii sheeg halka aan gabadha ka helayo.” Saxibkiis “Hadii aad is guursataan Wiilka ugu horeyo ani ma igu saminee? Cumar “Dhamaan wiilasha ay dhasho magacaaga ayaa u bixinaa.” Saxiibkiis “Ha gaag, Gabadha waxey saaxiibo yahiin Walashee waayo isku meel ayee ka shaqeyaan, waayo manta ayee soo boqdeyn iyada iyo Asxaab kale oo ay walashee isku meel ka wada shaqeyaan oo way iska xanuun saneed sidaas ayee ugu imadeyn.” 

Cumar “Xanuun lagu faaiday waaye kaas ay na keyn aan Walashaa aan talefankeeda iyo warbixinadeda kale ka soo qaadee, mida kale markaa aragtay maxaa ii soo wici weysay waad ogtahay inaa raadinaye.” Saxiibkiis “Wan mashqulay xogaa saxiib xogaa, mida kale kubbada ma adeynee?” Cumar “Kubbad waxa iga daran jaceylka I haayo.” Saxiibkiis “Nin jaceyl waa lay ina keyn.” Intaas ka dib waxa ay soo wada adeyn gurikii. 

Buuga: Axaadkii jaceylka 

Qoraa: Feysal Mohamed Abdirahma