Garo Ujeeddada Noloshaada

Labada maalmood ee ugu mudan noloshaadu waa maalinta aad dhalatay iyo maalinta aad garatid sababta aad u dhalatay” (The two most important days of your life: the day you are born and the day you figure why.) -Mark Twain, qoraa Maraykan ahaa.
Horta maxaad u nooshahay? Waa maxay ujeeddada jiritaankaagu? Ma ogtahay in aad leedahay hibo iyo tayo ayan jirin qof kale oo leh? Ma ogtahay in aad tahay jaadgooni (unique) ah? Ma ku baraarugsan tahay in jaadgooninimadaadu tahay tayo iyo hibo dunidu u baahan tahay ayna tahay in aad dunida u soo bandhigto oo uga faa’iidayso? Balse, si hibadaada iyo tayadaada dunida wax uga taranso waxa aad u baahan tahay in aad marka hore aqoonsato ujeeddadada noloshaada iyo sababta aad u jirtid oo dunida u joogtid, markaas ayaad noqon kartaa qof jiritaankiisa iyo ujeeddadiisa nololeed dunida wax ku soo biirin karaan.
Dr. Leo Buscaglia oo ahaa qoraa iyo Barafasoor Maraykan ah ayaa laga hayaa “it’s not enough to have lived. We should be determined to live for something).
Xusuuso in Eebbe wayne kor ahaaye uu bini’aadamka ku milgeeyey kuna muuneeyey in ay noqdaan ergada ifka, taas oo ah xil weyn oo Eebbe dadka u dhiibay. Eebbe wayne kor ahaaye qur’aanka kariimka innoogu sheegay in uu naga dhigay ergadiisa dhulka ama arladan wakiillada uga ah. Halkaas waxaa inooga cad in uusan jirin qof ujeeddo la’aan adduunka loo keenay. Sidaas

Qoraa Bashiir Maxamed Xirsi