Dhow jeer ayuu isku dayey in u odayaal urursho si ay uga wardoonaan aabbaheed, looguna ganciyo in u inanta bixiyo intii u ku taloxumoobi lahaa. Mar kasta 0o loo tago, hungo un baa lagala soo noqdaa.
Kaaladdiisa oo geeri iyo nolol u dhexaysa ayaa kellifaysa in kolba guuto la diro waxba se kama soo naaso cadda.
Dadaal kasta oo la huray yo tacab kasta oo la geliyey waxa ay noqdeen hal bacaad lagu lisay. Odayga inanta dhalay ayaa laf dhuun gashay ku nogday dadaal kasta 0o lagu samatobixin lahaa lammaanahan is calmaday. Kaaga si darane, gooddi iyo hanjabaad aan kalago’ lahayn ayaa un ku hayaa inantisa.
Odayga waxa isu weheliya dhow waxyaabood 0o gaarna u garsanayey kuwona u bannaanka soo dhigay.
In uu ka gungaadh agooneed la rabo gabadhiisa waxa u dheer nacayb uu u gabo wilka inanta ka soo doonay.
Waxa uu saluugay in wiil yar oo food-dheere ah, camalna aan hayni u inantiisa soo hawaysto. Marka se la soo hor fadhiisto waxa uu hadal ku soo gaabiyaa: “Inantaydu gedihii guur loogu xilan lahaa ma gaadhin”.
Deegi, maadaama aabbaheed arrinti jig kaga dhigay, ma garanayso jid u furan 0o aan ahayn in ay agalka hoosta ka soo xidhato iskana oydo. Cid ay duruufta ku veeran hoos ula wadaagto ma haysato. Carruurta iyada ayaa ugu wayn, gabdhona inan 10 jir ah ayey walaalo yihin. Hooyadeed, 0o gaashaan u nogon lahayd, waa hore ayaa la oofsaday. Waxa ay wehel ka dhigataa akhrinta
farriimo uu Axmed wargad ugu soo gudbiyey o ubaxyo guduudan yo wadnayaal lagu sharraxay.
Hees ay isla dhegaysan jireen ayaa had iyo goor u daaran. Xaaladda ay ku sugan tahay yo waydiimo heestu soo hor dhigayso ayaa si isula jaanqaadaya-
“Umaleey
jacay!”
* iyo curintii Cabdi-Qays:
“Umaleey jacayl,
Marna jaar ma nogoteen
Tid ma wada lugayseen
Ma la cuntay jidin weli lihaad ma isku aragteen; liddaad ka dhalativo
Ma kaa jaray dadkii 0o Goonijoog ma kaa dhigay;
Umaleey jacayl
Weli jüif ma kugu helay;
Hurdo maysku jidheen
Jirjirrada ma kaa galay
Hadba jiho ma kuu dhigay
Jiidh durugsanaa iyo
Qalbi meel fog kaa jira
Riyadii ma jaarteen!”
Afarta jihaba dhawaageedu waa u gaadhay. Ehelkeeda kale ma tahli karayaan in ay soo farigeliyaan urugada haysata maadaama aabaheed kaga gudban yahay.
Way isku buugday oo hoos isula hadashay. Xishoodka ayaa dabraya oo, sida. Axmed, dhawaaqeeda sate looma magli jirin. Dhimbilaha uu jacaylku firdhinayo ayaa nugleeyay oogada jidhkeeda, markaas bay midabdoorsoontay 00 muugeedii is beddelay.
Aabbaheed- in uu u garaabo iska daaye waxa uu u arkayey gabadh la soo weeraray 00 duullaan lagu yahay.
Erayada catowga iyo calaacalka xambaarsan ee ka soo fulayaa ma ahayn kuwo jixinjixin ka helaya dadkii ugu dhawaa ee guriga kula noolaa, ta beddelkeeda waa laga maadsan jiray. Hablihii soo boogan jiray ee dabdemiska u ahaa ayaa laga mamnuucay. Cunagabatayn igo bandow hadh iyo habeen ah ayaa la saaray.
Markii warkii Deegi ka kala go’ay, Axmed waxa un sameeyay wax kasta 0o u is leeyahay waad ku heli kartaa.
Gaadhi ayuu codbaahiye saaray, gurga gacalisadiisa 0o o door ah u firay ayuu hadba dhinac kaga yimi. Hees ay isla yagaanneen ayuu codbaahiyuhu lalinayaa, dhegaha Deega ayaa loo dan leeyahay in ay toos ugu dhacdo. Waxa uu gudbinayaa farriin u dhigan ‘in aanu wali quusan ee u ku raadjoogo sidi uu hanan lahaa’.
Heestu, sidi ay u socotay, golkii ay joogtay ayey daf soo tidhi. Erayada heesta iyo luugda hobolki codka tolmoonaa ee Tubeec markii ay maqashay ayey hangalka la soo kacday.
Qoraa: Cabdisamad Sumcadda