Gabaygan waxaa tiriyey abwaan ismaaciil mire waxaa uu xubinfirfircoon ka ahaa ciidamadii daraawiishta waxaana uu amaanduule ka ahaa ciidamadii ka dagaal galay goobtii caanka ahayd ee dul-madoobe : Kulligoo adoomaha rabaa qaybshey kimistooda bad kalluun ku jira kolay tahay ama fujaan kooban nin waliba wixii loo katibay waa la kulan siine inkastuu kabtiyo ama kalaho ama kur dheer fuullo ninna inaanu soo korodhsanayn kaa ha la ogaado Afxakame karkabadii u ay, iyo kulaylkiiye ka dambee calluu yidhi intuu kaaha guursadaye ka kalena kaal weyn u tumay karina waabaye ragaw kibirka waa lagu kufaa kaa ha la, ogaado keysaha adduun ina amaan koos dhan buu helaye Kolna kii arsaa,ilay ma hadin kamana yaabayne ragaw kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado cartan dhuurta kooraha markuu kor ugu laalaayey garaad faarax dhay iyo karuur kala macaanaaye misna kala xadhaadhaa kulankii goobeede ragaw kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado Anaa dunida keligey leh buu koofi eersadaye ka shiisaba ma gelin wiil yarbaa keebka kuu qabane ragaw kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado ninkii koob nimco ah fuuqsadaa ee kadin irmaan yeesha
In karuurka uu qubo horey kaafka ugu tiile kulligiis waxaa rogey anaa kiin ah reer hagare ragaw kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado kama sugulle waagii sidii kurey carruureede kas xumaa wadaye ee naagta way kala fogaayeene ragaw kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado Kallaankuu lahaa ina gallaydh ku hay gadaalkiiye kaar kuba ma joogeen hadduu keeno tuludiiye baalcad kelyaha kuma jareen kii uu quudhsadaye ragaw kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado lixda koose ee reer cali geri ee kaw iskaga siiyey kasi waaye wuxuu waa qabaal waana kabanaaye Ragaw kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado kaakici wadaadkii dagaal laguna kaal meeye kuman leg iyo wada duubcaduu keenay beer dhiga e, waxse kabaalkii jabay maalintuu kaday raggiisiiye ragaw kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado Nin kuwaa ka dhigan baan arkaa kadab u laabnayne inta uu kashbacay oo dhergey oo Kaman wan weyn yeeshay ayuu niman karaamo iyo colba leh kiish ka buuxsadaye ka shib dhaha islaamoow naftii kii ladnaa gadaye .
Qoraa: Casayr Aadan Salleebaan