Hadalka iyo Qoraalka 

 Akhriska iyo qoraalka waxaa u dhaxeeya farqi aad u weyn, sababtoo ah, marka la hadlaayo way iska fudadyahay, balse marka wax la qoraayo waa in la adeegsadaa dhowr shey waxaana kamid ah. 

1: Hadal koobid. 

2: Xulasho erayo xul ah dumuc weyn leh.

 3: Quruxda hadalka waa in aad ka dhigtaa mid soo jiidasho leh, sidoo kale, uu ku raaxaysanaayo akhristaha.

 4: Isku day in aad qoraalkaada uu san noqon hadal suuqeyd, laakiin, waa in uu ahaadaa hadalo ku dheehan murti cajiib ah.

 Akhriste: qoraalku wuxuu leeyahay hab-qoraal loo qoro, kaas oo dagsan, sidoo kale, waa xarfo la isku xiray oo isku beddalay (eray).  

  W/Q: SAYID AXMED XAAJI MAXAMUUD ADAN LOOXOW