Haddaba, heerarka himiladu waxay ukala joogta dadka sidan :-

 1) Qof hankiisu aad u hooseeyo oo ka caajisay inuu xattaa qabsado wax yaalaha noloshiisa daruuriga u ah, had iyo jeer wuxuu ku tiirsan yahay cid kale, himmad uu wax ku qabsado malahan, marxaladaan waa mida ugu liidata han yarida, qofku haduu heerkan gaaro ogaada qofkaasi waa dhintay, isaga iyo kuwa qabriga ku jiraa farqi uma dhaxeeyo, waana noocaan ka dagaalamayno in ay noqdaan dhallin yaradeenu, noocaan waxaa tusaale u noqon karaa, wiil 20 jir ah oo aan shaqaysan , shaxaad ku nool, waxbaran, noloshu u tahay, cunoo cab, markii jeebku kaa marnaadana dadka u shaxaad tag. 

2) Qof hankiisu meel dhaxaad yahay, hankiisu gaarsiisan yahay inuu waajibaadka saaran kasoo baxo, reerkiisa u shaqeeysto, hankiisuna inuu intaas dhaafo diyaar uma aha, ma’aaminsana inuu shay intaas ka weyn uu samayn karo, heerkan dhallin yaro badan ayaad arkaysaa oo ku tilmaaman , taasna maahan mid aad ku farxayso markaad ku aragto wiil dhallin yaro ah oo hankiisu intaas le’egyahay, waxaynu rabnaa inuu kor uga kaco . 3) Qof han sare leh laakiin aan aq 

 4) Qof hankiisu gaaray heer aad u sareeya, hal ku dhigna ka dhigtay ” dhawr sano ku noolaw nolol dadka badan kood kugu jees jeesaan, si aad noloshaada inta ka hartay ugu noolaado nolol aysan gaari karin, dadka badankood”. Qofka hankiisu halkaas gaaro waxaa lagu yaqaanaa inuu yahay, qof yoolalkiisa ka salgaara, sameeyana wax yaalo dadku u riyaaqaan oo ay la dhacaan, waa qof hankiisu kasareeyo dadka intooda badan, waa qof farta lagu fiiqo , dadku tusaale ka dhigtaan , dadkiisa, dalkiisa, diintiisa, u horseeda hormar. Fiiro gaar ah :- oon wadooyinkii u umarilahaa hir gelinta yoolkaas uu hiigsanaayo, waxaad ku arkaysaa    noloshiisa inuu marmarna wax aad u fiican qabanayo marna wuu caajisaayo oo hankiisu hoos u dhacaayo, qofka noocaas oo kale ah meel weyn magaaro haduusan helin qof gadaal kariixa oo hankiisa kor uqaada .

 dhallin yarada soomaaliyeed, heerka aan ka rabno inay gaaraan, waa inay noqdaan dhallin yaro himmadoodu xidigaha lasiman tahay, lugahooduna dhulka yaaliin.   

Buuga:  Astaamaha qofka hanka sare leh

Qoraa: Cabdifataax Maxamuud Ducaale ” Cajab