Rakaada Geella 

Camel foot prints in Wadi Rum desert, Jordan

haydul-joogine tii 

durduurtiyo tii 

daftaay durug

sool inaad mari 

sodon aad qadi 

oo sidii noqon 

saa biyaha ku cab 

jidkii dheeraa waynu jeexiye waynu 

jiidane jiijada xidh xidho   

  caraabada geella

 sow caraabadu 

 caafimaad iyo

 caano kuu ma leh   

Shalluu dhaar maray 

dhawr inuu dillo 

dhawrna dhaawaco 

dhawrna dhabar tiro   

hadhaagaagoo 

hebla godaliyo 

hadhuub lagu tabay 

waa habaar weyn   

Caana waydsane

waa gartiiyoo 

gu,gaan la xer geyn  

qaalintaa godan ee 

golxada dheer soo 

godlaydiyo guurahaa idilay  

nina dhaqashuu kuugu 

dhabar jabay nina dhuunuu 

kuu dhex joogaa 

shalluu maajeen hoosta madaw 

ku leh maraan marayoo 

meelo ka hafsaday   

Heesta wiilkiyo hoodayada 

maqal oo ku soo hiro oo 

haw kala hadhin  

 Marka yalasluhu yeedhi

 waayaa adna yoomaay

 laguu yaabaa   

 Seerma waydiyo sagaalaha 

dirir waanu kugu simi hadaad 

seegtana waanu kaa socon   

 Sadex boqoliyo sagaashan

 hameen oo sadkaa yahay  

Hameenkaan gudo Aan 

guryaha maro Aan garayskiyo 

guntiga U furo garaad badanuhu 

Waaygu garan jiray   

 Meel bur cawsa leh 

Oo biyo u dhaw Baadi doonyoo 

Baar-qabkaagiyo Biciidkuba waa   

Ma tukade iyo taarig wadatooy 

toobad xumadaan kaaga tegeyoo 

tiirey kugu nacay  

 Waa hor weyn tii markuu 

hawd maro waraabe 

hurdiyo haada kicin jirey  

Shalay huguntoo hugun 

baadhoo hadhuub-gaalkiyo 

huggii ka anbaday  

Qoraa: Casayr Aadan Salleebaan