Gabaygii Qalbi Karbaash ee Dhoodaan

Qalbi Karbaash wuxuu ahaa:    

·         Abwaankii buxuur ihi markuu, gabayga baandheeyo

·         Bidili[1] weeye bayduu ka tagay, ood bedeletaaye

·         Rag horaa bisleeyeye intuu, gun iyo baar sheegay

·         Markhaatiga bakhayl yaanan noqon, uga ba’aayaaye

·         Barkhad Casba sidduu Feberweri, bacawnimow saaray

·         Sannadda isku buuxda intay, kaa dul bilanayso

·         Mid bay bilidu kaa foorartaa, oo balaayo ahe

·         Midna badhaadhihiyo khayrba, waa lagugu beegaaye

·         Bishan ay tilmaameen iyadoon, dhawr kal barakownay

·         Mar ay laba tobnaad buuxsantayoo, barina sii dhaaftay[2]

·         Birmadkiyo kacaankii dhashayee, baylah tiray ciida

·         Ee booli quutaha eryiyo kii, shacbiga boobay

·         Ee gacal isbiirsada ka dhigay, beeshii kala guurtay

·         Ee bannaanka maatadii qubnayd, beer cunto leh geeyay

·         Ee inay sirteenu baxdiyo, baadi ka ilaashay

·         Ee baankii noo soo dhacshiyo, waliba batroolka[3]

·         Ee yidhi bilaash nama dhaqdee, aan runta u baydhno

·         Ee yidhi xaqiyo baadhilkii, aynu kala baadhno

·         Ee yidhi ninkii boobayow, joogso bi’i waaye

·         Ee webi butaacsada na yidhi, oo baryada diida

·         Ee yidhi dhaqaalaha badh bay, naga bulaayaane

·         Innaba beero aan yeelanee, badar inoo shiida

·         Ee yidhi jahligu waa balee, aan tacliin barano

·         Ee boqol kun baadiye u diray, oo buraashado leh

·         Ragga bigilka dheer noo tumiyo, madaxda noo baaqday

·         Barwaaqo iyo guul baan Illaah, uga baryeynaaye

·         Iyagiyo bishay noo kaceen waa, wax loo bogo e

·         Haddaan nahay bar iyo hawlwadaag, bacad kasoo guuray

·         Amaan nahay walaalihii la baxay, tawrad barakaysan

·         Durba si aan baqoolaha filkeen, baac u wada dhaafno

·         Waa inaynu boogtoo dhan iyo, bararkii doonaaye

·         Dabeedna ay bogsootaa halkii, cudur la buurrayde[4]

·         Balan adag sidii loo dhigtayeen, daacad ugu baaqnay

·         Ama hawsha laysugu barteen, barantankaw yaacnay[5]

·         Bilcan iyo duq booshiyo dhallaan, ama barbaar wiil ah

·         Nin beerliyo nin baadiya jiriyo, balad wixii joogay

·         Burhaantii Siyaad noo marshiyo, baaqii golaheenna  

·         Bayaan amarkii way noo fareen, badhaxna ma ahayne

·         Laakiin bishimo gaabnihii dib, u biqlaynaayey[6]

·         Ee bariba nooca u ekaa, haatan soo badaye

·         Burjuwaasigii ciil qabay baa, buul madoow galaye

·         Hadba wuxuu mid soo buufiyaa, amuu bilkeydaaba[7]

·         Badhar jaad ah madax loo gadoo, biir cabtuu helaye  

·         Markaasuu barkimadow dhigtoo, been ku duufsadaye

·         Basarkaa inay suubiyeen, waxaa buruufkii ah

·         Ha bariidsan beecqaali iyo, badaw cabaadkeeda

·         Barbar kale markaan fiiriniyo, suu dadku u buuqay

·         Billaahi baan ku dhaartiyo Allihii, baaqiga ahaaye

·         Gardarro loo badheedhaa jirtoo, laga baroortaaye

·         Shaqaaliyo reer balad qofkii, bayr la galansiiyo

·         Madaxduna u baantaa xafiis, wuu ka baygagiye

·         Xaq bidhaamay oo jira qofkii, laga bacaad saaro

·         Wax baan kuu bannaanayn haddii, lagula soo boodo

·         Waa si ay niyada baariga ah, uga baduugaane[8]

·         Berri maxaan sameeyaa unbuu, baaqi ku ahaane

·         Inkastuu bad qabay ruuxu sow, dan u bukoon maayo[9]

·         Oo qalbigii budh weyn lala dhacaa, soo burburi maayo?

·         Boqno-gooye saasaa jiroo meel, u baarqab ahe

·         Dhawr[10] badatay iyo reer haddaad, bahal ka oodayso

·         Bilcil iyo haddaad geed quwaax, buuran ku adkayso

·         Dugaagii baruur cunni jiraa, bawd ka soo dhiciye  

·         Buntukhaagii fiicnaa adigoo, boodhka ka afuufay

·         Bariisada haddaad raadsatiyo, waaga barigiisa

·         Cagta bagafsan meeshuu dhigiyo, buruqdii kuusnaydba

·         Buur iyo dhul baadlaba intaad, bixiso raadkiisa

·         Barbarkii dabayshiyo urtana, aad isaga buusto

·         Isagoo bogga cadaynayoo, geed barqadii jiifa

·         Intaad bidix kasoo toogataad, balaq ka siisaaye

·         Sidaasaad libaaxii ba’naa, kaga badbaadaaye

·         Kuwii baday dadweynaha sidaa, amaan ka booyayno

·         Raggiina aan baqayninoow inaad, baafisaa jidahe

·         Oonu booca saad ugu dhegtaan, baga nidhaahnaaye

·         Haddii kale baq dhay lagu daraybaa, barradii noo yaale

·         Buqbuqood hadduu subag burcada, dhali baxnaaneeya


[1] Biddili waa wax yar oo dhif ah. Wuu ku xaalufin oo hadalkuu kaa dhammaysan sidaa awgeed ma helaysid meel aad kasoo gasho oo goldaloolo ah.

[2] Oktoober 21keedii ayuu dhufays ka dhigtay.

[3] Waa markii ay Tawraddu qaramaysay bangiyadii iyo shidaalkii dalka soo geli jiray.  Talyaani ayaa hore u haystay labadaba.

[4] Wuxuu u arkaa in Kacaanku milil korkii dhayayo.

[5] Waa bacaad-celintii iyo wixii faa’iido la’aanta ahaa ee dadka lagu mashquuliyey.  

[6] Ma doonayo inuu yidhaahdo laakiin bishimo weynihii oo waa la fahmi haddii uu sidaa yidhaahdo.

[7] Amuu yoolbaadhaba.

[8] Dadkii waxay yidhaahdeen raacay ayey qalbi-karbaashayaan.

[9] Qofkii isagoon Kacaan-diidba u qasdin sow kaa dan u bukooday ma aha.

[10] Dhawr iyo dugaag waa isku mid.  Waa so’ ku noosha dawaco u yar tahay libaaxna u weyn yahay.  Oodaay dhawrtiyo dhaxantaba celi ayey reer miyiga xoolaha oodayaa ku heesaan.