Wehel Jacayl| Q-38aad Adegto

Waxa aad moodaysaa in looga sheekeeyay 0o dhabeelnimada iyo quruxda Eebbe ku mannaystay buug
loogu dhigay. Sida muugata, galbigisa ayaa inta uu curtay
u gartay suuro ta ugu fiican ee gabadh lagu sifeeyo.
Sida la soo weriyayna, waxa ay ahayd gashaanti dherer iyo dhumuca isu dheellitiran.. Isagu se taswirtii uu
galbigiisa ku haystay ayaa uu toos uga faallooday. Markan oo kale waxa aad rumaysanaysaa in jacaylku qalbiga ka
bilaabmo kuna dhammaado, erayada quruxa ku salaysan
ee hablaha ammaanta looga dhigana ay iska tahay uun qurxin balse aanay jacaylka go’an ka gaadhin. Waxa uu
maansada ku bilaabay siddan:
“Sambabka iyo middii igaga til seedda dhabarkayga
Saableyda oofaha middi sax ugu meeraysay
Allaylehe Sitin waxa ay rabtaa Yurub salkeedüye
Anna sacabku waa i madhan yahoo saabir baan ahaye
Si aan yeelo ma aqaan cishqina waygu saayidaye
Sidda sadder quraan bay galbiga saaran tahay Luule
Allahayow adaa satiree inanta hay seejin;
Sannadkii yimaaddaba hablaha sayniskaa mara Suugaanta
iyo buugta waa lagu sifeeyaaye
Anna saaka taan caashaqaan sax u faallayne
Samsam weeye sawdkeedu iyo midhihu saytuune
Sinta timaha dhaafiyo wajiga sida tan loo uumay
Sangaroorka dheer iyo gacmaha sayladh baxay la moodo

Sarajoogga laafyaah markay socodka haaneeddo Markay gacmaha saydho eey sax u dhagaagayso Sinnaanshaha laahay u goray waa mid saa’ ida;
Midabkana siraad weeye iyo sagal daruureede
Nimaan soof adduunyaad lahayn Luul ma saayido e
Allahayow adaa saatiree inanta hay seejin”.
Gabaygaa markii uu tiriyey ayaa uu subaxdii
magashiiyey, si qushuuc leh ayey u dhegaysatay, weliba
iyada oo baraad la’ 0o gabaygu inta uu taabtay isla magan ayaa uu ku dul dhammeeyay.
Waxa ay u sheegtay in uu iska samro, maadaama labada Alle isu qoray aanay is waayi doonin. Hadallo kalsooni iyo laabqaboojin isugu jira ayey niyadda ugu
dhistay. In kasta oo uu galbijabsanaa haddana waxa uu muujiyay adkaysi iyo in uu shucuurtisa kacsan dejyo,
una duurxulo oo uu ku yidhaahdo: “Gacaliso, kama xumi
in aad dhoofto balse waxa igu kediyay bixitaankaaga, dareenka dhedeenna yaalla ee aynu dhabar’ adaygga iyo
dhibirsanaanta ku soo wadnay ayaan u baqay. Waxa aan se mar walba ku niyadsamahay kalsoonida iyo jacaylka
aan salguurayn ee galbigaaga igu kaydsan, waayihii iyo
wakhtigi wacnaa ee aynu soo wada qaadannay ayaa ii ah
xusuus. Qaadaadhiggeennii, isla gosolkeenii iyo wajigaagii
furnaa ee wanaagga i fari jiray ayaa ila joogi doona”

Wakhtigi baa isa soo guray, waagii dhashaba waxa uu
soo dhaweeyaa amintii ay dalka macasalaamayn lahayd.
Hawshii loo waday way soo idlaatay. Dalkugalkiina waa ay heshay, nooligi diyaaradda in ay bixiso sidaana ku duusho ayuun baa u dhiman. Sida caadada u ahayd, hadalka hawada la isu mariyo iyo kulanka foolkafool ka ahi ma ahayn kwo baaqsada; waa laba qof oo sii kala soda e, wakhtiga intiisa badan weedho galbiga toos u taabanaya ayey qummaati isugu ganaan. Layla waxa ku loollamaya laba dareen; baradii ay ku soo barbaartay in ay ku huleesho iyo Maxamed oo ay garabkiisa bannaynayso.
Halka isaguna uu la ildaran yahay tegitaankeeda, hawlihil
isugu toosnaa iyo xidhiidhkii isugu dubbadhacay ayaa uu
is tusay isaga 0o cidla jaaqla ah ka jooga. Waxa uu ka baqay marka ay dhoofto in ay dibba ugu soo nogon waydo, sidaana uu ku waayo, haddana waa uu isu caqliceliyaa oo
nafta u sheeggaa in aanay quusan, wakhtigu in uu u hilin doono oo, mar ay noqotaba, uu is tusi doono ayaa uu niyadda gashadaa.
Maalmihii murugada sidi ay ugu jireen ayey ku
wargelisay in ay tigidhkii diyaaradda soo goosatay. Markii ay intaa u sheegtay ayaa xummaddi haysay ay ku si korodhay; qofka socdaalaysa ee magaalada ku cidlaynaysa
waxa uu sisan lahaa naftiisa. Taarikhdu waa 1990kii,
aaladaha lagu wada xidhidhaa waa suququl. iyaga 00
dalka wada jooga ayaa uu si uu ula hadlo reer kale u martiyi jiray, haddi ay dal shisheeye aaddayna arrimuhu waa ay si murgayaan. Waxa kale oo iyana ku waynayd,

Qoraa: Cabdisamad Sumcadda