Haa maxaa dhacay manan saxiibkaa ahayn maxaad sidaa u leedahay ii sheeg
Saxiib waxan manta arkay inaanta gasha guriga kaa soo horjeeda markaa
waxan doonayaa inaad ii soo gacan galiso saxiib ama aad ii qabato waxii
karaankaaga ah.
Kadib markii uu intaas yidhi ayuuu Deeq gartay inanta uu ka hadlaayo Siciid
waxaanu ku yidhi;
Saxiib Siciidow inantaa soo xero galintedu way adagtay maxaa yeelay saxiib
waxay wada socdaan wiil Mustafe layidhaa oo dadka oo dhan ayaa isku og
markaa saxiib inan telephonekeda ku siiyo mooye wax kale kuuma qaban
kaaraayo.
Markii uu intaas yidhi ayuu siciid oo ka xun in ay wiil la socoto Maryan yidhi;
Saxiib waad mahadsan tahay sida wanaagsan ee aad wax iigu sheegtay markaa
saxiib waxan ku sheegayaa anigu arin aan guur ahayn Kama lihi ee kaliya
waxan doonayaa inaan guursado gabadhaasi saxiiib
Deeq oo ku dhirigalinaya arinka guurka ayaa isagoo og in anay Maryan
yeelayn ayuu ku yidhi;
Saxiib u malayn mayo hadaad iyada ula tagto arinkaas inay kaa yeelayso
lakiiin saxiib xaga walidkeed ka wareeg waayo adigu waxaad tahay nin dibada
ka yimid dad ka dibada kayimadana halkan aad ayaa looga qadariyaa.
Siicid isla markiiba yididiilo ayaa gashay waxaanu yidhi
Wayahaya saxiib ee hawshaas ayaan gudo galayaa wanad mahadsan tahay
aynu iska war haynona
Kadib markii uu siciid warbixin dhamaystiran ka helay Maryan ayuu isku
dayay inuu kala hadlo mobile keeda lakiin waxay ahayd mid ku jarta ama aan
ka dhagaysan waxa uu leyahay dhibaato ayaanu kala kulmay oo xataa
fariimaha uu ugu diro SMSka kama ay so jawaabi jirin waayo waxay ogayd
balankii iyo dardarankii adkaa ee Mustafe marwalbana waxay ahayd mid la il
daran jacaylka Mustafe oo aan qaadi karayn qofkale iyo jacaylkale toona
samraana sadkii wuu helaa Maryan habeena kumay seexan in loo aqal gayn
doono nin aan ahayn mustafe lakiin Siciid markii uu Maryan dhinacna uu qadi
wayay waxa uu ka wareegay xagii uu saxiibkii u sheegay ee ahayd inuuu xaga
walidkeed ka wareego waxaanu durbadiiba u sheegay abihii in uu doonayo in
uu guursado inanta Xaaji Ibraahim ee Maryan layidhaa, markibana aabihiii uu
soo dhaweyaya kuna faraxay arinkaas waayo Siciid muu ahayn nin laga
filayay guur iyo wax u dhow toona maxaa yelay dhawr xagaayoo hor ayaa
lagala quustay,abihiii Maxamuud cali waxa uuu markiiba bilaabay in uu la
xidhidho cida ugu dhow ee arinkan ka cawin karaysa iskuna wanaagasan
yihiin Xaaji ibrahim waxaanu helay oday cali oo ay asxaab dhaw yihiin
Maryan abaheed una sheeg arinkii waxaanu ka codsaday in uu arinka dadajiyo
oo caawaba uu xaajiga u ban dhigo balan uga soo qabto in malinta khamiista
ah ay inanta soo donayaan hadii ay raali ku yihiin,isla habeenkaasba waxa uu
Oday Ismaciil u tagay Maryan abaheed kadib ayuuu Xaaji ibraahim yidhi;
Waar xiligan maad socon jirine caawa maxaa jiray
Waxba ee arin yar ayaa soo kordhay oon kula imid
Bal ii sheeg
Yaanay dhibaato noqon ayuu ku ducaystay
Manta waxaa halkii shaqada iigu imid Maxamuud Cali oo iga codsaday in aan
arinka uu kaa lahaa u galo markaa horta sidaasan kugu yimid arinkuna waxa
weeyan inankiisii dibada ka yimid ayuu u doonayaa inantada Maryan markaa
malinata khamiista ah ayay doonayaan in arinku dhacoo.
Xaaji ibraahim mayaba kama uu soo celin ee waxa uu yidhi Waa
sax waana arin wanaagsan ee sidaa hayno ahaato .
Maryan wali waxay la ildaran tahay jacayl uu ka maqan yahay aktarkii la
jilayay waxayna wakhtigeeda badankiisa ku qadataa qolkeeda iyo fikirka iyo
aramida jacayl ee soo ridatay ayay la kici kari laadahay ilaahayow qof aan
waxab ogayn ha cadaabin ,halkan guurigooda dhexdiidsana waxaa lagu
bixinayaa iyada,iyadoon waxba laga waydiin ayuu abaheed iyo hoyadeed isku
raceen in la siiyo wiil aanay is garanayn xaataa anay isku dabeecad wada
Qore: Mukhtaar Cabdi Sheekh (Bulshaawi)
Buuga: (Hadimo Jacayl)
