Waa maxay masuuliyaddu?
Mas’uuliyaddu waa hannaanka ugu wanaagsan oo ey nafi dastuur ka yeelato. In aad mas’uuliyad muujiso
ayaad ku gaari kartaa dhammaan waddooyinka guusha. Taas caksigeeda waa qeyrul-mas-uulnimada, oo
ah dayacaad iyo beylah ka dhalato fiirsasho la’aanta.
Qofka masuulka ah, waa mid ka dhax muuqdo bulshadiisa, magacna ku leh. Waa mid iyo had jeer
feejigan kana digtoon waxyaabaha aan natiijadooda la mahdineynin. In yarba Alle ha ka dhigee,
mas’uuliyad marka ey kugu jirto, waxaad tahay qof sabar leh, waxaana kuu fududaata waxyaabo badan,
oo dadku culeys u arkaan.
Ninka Oromada ah ayaa markuu qaangaaro, waxaa loo kala dooraa laba arrimood, oo kala ah;
A. Inuu shan sano gaajo ku noolaado, waxii daqli ah ee soo galana u aruuriyo mustaqbalkiisa.
B. Iyo inuu waligiis gaaja ku noolaado, oo noloshiisa, uu cariiri ku dhammeysto.
Tan danbe ayuu ku tawakalaa,w aa haddii ey mas’uulnimo ku jirto.
Mas’uulnimaddu waa garaadka iyo caqliga oo la raaco. Waa kala saarasho xaqiiqada iyo qayaaliga, oo si
hufan loo kala ogaado. Waxaa ka mid ah; go,aanqaadashada, qofku hadduu go,aan qaadan karin, mas’uul
ma noqon karo!
Diinta islaamku in badan, ayey ka hadashay mas’uuliyadda. Waxaa jiro xadiisyo iyo Aayada badan oo ku
soo arooray. Sida xadiithkii ahaa; “Nin walbo raciyadiisa ayuu ka mas’uul yahay, kan arijirka ariga ayuu
ka mas’uul yahay” oo waa inuu ka ilaaliyaa dugaagga, darayada Iwm
Xilligii Nabi Daa’uud uu arlada ka talinayay, ayaa waxaa u soo dacwootay, beeralleey manfacoodii ari ka
daaqay. Nabi Daa’uud waxuu xukmiyay, in dadka beerta laga daaqay, badalkeedi ariga u qaataan.
Wiilkiisii Suleman oo goobjoog ahaa, ayaa isaguna markiisii ku hadlay wax uu Eebbe ku ilhaamiyay,
maadaama uu laftiisu Nabi noqon doono Waxuu uu weydiiyay su’aal mas’uuliyad ka muuqato, oo aheyd;
“Ariga hadduu beerta daaqay maalin cad, waxaa qaladka iska leh ninka beerta leh, oo dayacay maalkiisii,
haddii uuse habeen daaqay, waxaa qaladka iska leh ninka ariga leh, oo dayacay mas’uuliyaddii ka
saarneyd xoolihiisa” haddaba, waxaa la ogaaday in arigu habeen uu beerta daaqay, markaasuu Nabi
Suleyman xukunkan riday.
dhaqanayaan, kuwa ariga lahaana beerti ayey tacbayaan, marki ey beerti sidii ey aheyd ka dhigaan, ayaa
arigoodii loo soo celinayaa, beertana lagu wareejinayaa dadkii lahaa.
Haddaba, mas’uuliyaddu ma aha wax la dhayalsan karo, haddey naftaada noqon laheyd ama dadka iyo
dalka aad mas’uulka ka tahay. Sidaasoo kale ayey diintuna mas’uuliyad kaa saran tahay, Xadiith baa
ahaa; “Ilaahey waxuu ugu jecel yahay, qof howl qabtay, oo howshiisii si hufan u gutay”.
QOREE: Xasan adan xasan
