Waxaannu is barannay muddo malaha haatan laga joogo qiyaastii lix sano. Is barashada noo bilaabantay ka sokow aad islama aannu
falgeli jirin oo saamayn la sheego isku maannu yee- lan waagaas. Si aan mar qudha ahayn oo aayar aayar ah ayaanu isugu soo dhadhawaanaynay, maxaa yeelay, in aannu sidan iskugu sidkanno laf- tigeeda ayaa waqti nooga baahnayd. Sannadba san- nadka ka danbeeya ayaanu aad isu sii fahmaynay, isku si’na aannu wax u dareemaynay oo xataa aannu siraha isku aamminaynay.
Beryahan danbe waannu isku cayn iyo bayd go’nay oo waxaannu iskugu milannay sidii laba dareere , ama sida caanaha iyo biyaha oo kale. Barasho hort- eed hay nicin! Waa bartaa halka is barashadu ku kala miir-dillaacdo ee si fiican looga dheregsanya- hay samaan iyo xumaan wixii la wadaagay ama la is waydaarsaday. Waa marka labada dhinac ee isku dhaca (is khilaafa) uu mid waliba si wacan u taxi karayo tilmaamaha togan iyo kuwa taban ee ka kale, isaga oo mid waliba dooddiisa ku xoojiya in uu ka kale xataa lafihiisa oo cadcad kasoo dhex sooci karo hadday ku darsamaan kuwo kale oo badan.
Wanaagga aan ka dheefay ciiddaas ka badan! Maba kaga geyoonayo tirin iyo taataabasho midna. Wax- aaba badan inta haldoor iyo asxaab qiimo badan uu iskaaya baray ee aannu imika xataa isaga iskaga dhawnahay. Aqoonta iyo iyo waayo’aragnimada aan isaga ka korodhsaday ma malayn kartid. Intaa in la’eg amaba ka badan oo dhibaato iyo hagardaamo ah buu i baray, qaarna i baday oo aan ku qabaa.
Dadka xun xun ee uu damco in uu iskaaya baro waan ka diidaa, in badan oo codsi iisoo marisaynay waan ku gacan saydhaaa. Ha la yaabin hadduu saaxiibkay ila jeclaado barashada asxaab aan wana- agsanayn, waayo isagu cid walba wuu yaqaannaa oo inta san iyo inta xun isagu ma soo kala dhaway- sto ee si dhexdhexaada ayuu midba gacan ugu wataa. Isagu ma kala jecla, mana ku kala xusho asxaabta tayo, ee wuxuu ku koobanyay keliya barashadooda. Isagu wuu ka bulshaawisanyay, oo ka asxaab badanyay saaxiib kasta oo ay is bartaan, had iyo jeerna asxaabtiisa badankooda iyaga ayuu isa sii baraa, waxay se sii jiritaanka saaxiibtinimadoodu ku xidhantahay iniba sida ay isu fahanto ama isu fahmi waydo. Waxayna isu raac-raacaan is waa- faqidda tayada qofeed iyo sida loo kala dadnimo wanaagsanyahay ama loo kala dadnimo xunyahay, sida la iskugu feker dhawyahay, waxa la wada aaminsanyahay ama la kala aaminsanyahay sida diinta, dhaqanka, siyaasada, IWM.
Wax badan oo aan abaal ugu hayo iyo kuwo aanan ugu hayninba waa buux. Godobta ugu wayn ee uu iga galaa waa in uu waqtiga igu cidhiidhyo amaba iga lumiyo. Haddii aad maqli jirteen cid ka caban- aysa dhaqaale-burbur, aniga wuxuu igu hayaa oon kaga cabanayaa waqti-burbur.
Beryahan danbe wuxuuba bartay in uu igu dirqiyo, cadaadisna igu saaro in aannu isu raacno si aan- naan awel isu raaci jirin, waqti ka badan kii aannu wada qaadan jirnayna wuu iga codsadaa in aan la qaato. Haddii xataa ay hawlo kale noo yaallaan wuu dhabqiyaa oo wuu naga khalkhaliyaa jadwal-maal- meedkii noo degsanaa oo dhan.
Muddooyinkii hore kulankayagu muu badnayn oo suuqa ayuun baannu marmar isku arki jirnay, mararna guriga. Intii danbe se ma hagaagsana oo malaa waa la maraye, wuxuu bilaabay in uu kulanka ugu badan guriga igula yeesho, haddana wuu igu soo taray oo wuxuu marayaaba heer uu ilaba seexdo, mana seexanayee waagaaba isugu kaaya berya mararka qaar sidaannu u sheekaysan- ayno, u wada qoslayno, u murmayno, u doodayno ama iskugu marannay.
Ilayn ibtilo waa tane, intaa igagama uu hadhine xad kale ayuu kasoo gudbay oo wuxuu igu soo kordhiyay in aniga oo ku sugan goobaha waxbara- shada ama shaqada inta uu isoo Waco, dabeed iigu yimaaddo oo igula kulmo isla goobahaas, xataa haddaan hawl ku jiro ama sugayo! Wuxuuse ilaa
hadaa gooraha aan firaaqada yar leeyahay ee aan hawl kasoo baxay, mid kalena isu diyaarinayo. Wax- aan is idhaahdaa waxani jacayl iyo saaxiibtinnimo uu kuu qabo ka badane, malaha jacaylka ayaa mararka qaar nacayb isu beddela, dabeedna nacaybka ayaa sidan u mashquul badan! Bal adba!
Kolkuu sidan noqday saaxiibkay wuxu dareemay in aan ka soo taaganay oo aan si u soo nacayo, aadna u hiifayo, mararka qaarna aan kuba xanaaqo.
Si aannaan u kala xidhiidh furmin, una kala hadhin, imika wuxuu la yimid tabo iyo xeelado uu aad uga soo shaqeeyay oo aan haddana ku yara jeclaaday, in aan nacana ii diidaya, aniga oo go’aan geesinnimo leh ka qaata maahaane.
Wuxuu i baray wixii uu ogaa in aan danaynayo, ee uu igu dabran karayo. Wuxuu i geeyay maktabado iyo madalo ay dhex ceegaagaan wixii aqoon la odhan jiray oo cilmi adduun iyo mid aakhiroba leh. Waa degello iyo duni aanu marnaba qof caadiyi ka xiisa goynayn.
Markaan intaa usoo joogsaday ayuu haddana iskaaya baray Shankarroon haween oo aan helisteeda hore ugu daalay, haddii aanan isaga baran lahaynna malaha aanan iyadana barteen.
Inta aannu is caashaqnay ayaa halkii aannu isaga isla maraynay waa salleelee iyada hawada sare iyo meel haadkuba ka caagay ayaannu laydh caashaq ku wadaagnaa oo ku wada cabnaa. Iyadu se waxay kaga duwantahay: waqti aan i dheerayn igama qaa- dato, anna mid aanay awoodahayn kama dalbado ee isku jadwal baannu nahay oo midkaayaba ka kale wuu ixtiraamaa hawl-maalmaadkiisa. Saaxiib- kay se mid maaha, walow aan isagana kollay jece- lay maadaamoo uu ii kordhiyay wax badan oon baahi u qabay, isla markaana iskaaya baray dad aan jecelahay.
Facebook sidee baan ka yeelaa, oo aynnu ka wada yeelnaa asxaabeey.
W/Q: Cabdiraxmaan Mowliid Cali
(Shandaqiiqo)
E-mail: Cabdiun@hotmail.com