XUS-JACAYL

Gabaygan oo ah gabay jacayl ah waxaa curiyey abwaan: Kayse Maxamed Xuseen “Galaydh” tirsigu markuu ahaa 30/07/2014kii.
Abwaanku gabaygan waxa uu ka tiriyey dareen ka yimi wiil ay saaxiibbo yihiin oo la yidhaahdo Cabdirisaaq Maxamed Cabdi oo rabay inuu fariin jacayl u gudbiyo gabadh uu ka dhaxeeyey xidhiidh jacayl isla markaana ku noolayd waddan ka durugsan kan uu daganyahay wiilku.Waxaanu yidhi:

Qalbi xalan xasuus aan gudhayn laab xubbigu seexdo
Xammil caashaq wadne kuu xafidan xididdo kuu oomay
Xubno jamasho xaglo kuu darsaday maan xasili waayey
Xus ku haybsha hammi kuu xawilan xiise kugu naaxa
Iyo dookhad xaradhaamisaan kugu xannaanshaaye
Sidii baan xasuus ugu gam’aa tan iyo xaataaye
Kama furin xakamahaad ogayd dhiig xammaalada,e
Xidigyahay ifaysaa adaan kugu xubeeraaye
Adigaan haween kugu xasilay xulashadaydiiye
Xuuralcayn la moodyeey adaa xulay hankaygiiye
Xarragadiyo laafyaha kolkaad xarakadaynayso
Suunniyaha la soo xooday iyo xaadda dhabankaaga
Xirribaha madow ee indhaha lagu xayaysiiyey
Xubno jalaqsanleeyeey timaha sinaha xaabaaya
Kolkaan soo xasuustuu qalbigu kuu xardhanayaaye
Galin kama xagline waan sidaa xeerkan kuu galaye
Ku xisaabtan adigaan haween xaas ku bidayaaye
Oo xeelladdiinnii ha falin xaawa lagu sheegay
Xigmaddaas haddaan kuu furfuro xidid abbaarkeeda
Ragga xeerku galaybaa qabtiyo xaakim wacadkiiye
Haweenkuna waxay xaasilyiin goortay xilo yiine
Xilkas yari k dheerow jacayl taa xammili waaye
Kun xodxodo rag wada xiijiyoo kow la xulufayso
Iyo xiise aan sii ridnayn oo xasarad keena
Xannaaneey ka dheerow jacayl taa xammili waaye
Xidhiidhkiyo shukaansiga raggaa xarakadeeyoo leh
Iyo maanigaa sida xilkaa xeerka dhaqankeenna
Xannaaneey ka dheerow jacayl taa xammili waaye
Xurmo yari xajiin aan dhibsado xeelad iyo baano
Ereyada xishoodkiyo ka madhan maan xasilintiisa
Xannaaneey ka dheerow jacayl taa xammili waaye
Xilligaan ku guursado hadduu calafku ii xeebto
Xalay baad dhaxdoo naag kalaad soo xodxodanaysay
Iyo waar xaggaad aadaysaa xuguf hinaaseedka
Xannaaneey ka dheerow jacayl taa xammili waaye