NELSON ROLIHLAHLA MANDELA

Nelson Rolihlahla Mandela Waxa uu dhashay 1918 18 July, Waxa uu ku dhashay Mandela, ,Xaafad yar oo la yiraado Mvezo, oo ku taal wabiga Mbashe River, oo ku yaal Degmada Umtata ee Transkei, Waxa uuna ka dhashay, qabiilka Xhosa Madiba ee ku hadla Luqad gaar ah kuwaa oo dega tuulo yar oo ku taal bariga Magaalada Cape ee Koonfur Afrika. Nelson Mandela waxaa inta badan loogu yeeri jiray magaca qabiilkiisa ee Madiba balse markii danbe ayaa Macalinkiisa, iskuulka u dhigi jiray, uu bixiyay magaciisa Ingiriiska ah ee Nelson hayeeshee halyaygaa caanka ahaa,Aabihii oo madax u ahaa boqortooyada qoyska Thembu, waxa u dhintay Nelson Mandela oo sagaal jir ah, wax- aana markaasi loo dhiibay inuu koriyo Caaqil Jongintaba Dalindyebo.

Mandela markii uu dhameystay iskuulka wuxuu wax ka bartay jaamacadda Witwaterstrand oo ku taalla Magaalada Johannesburg isagoo ka bartay sharciga ama qaanuunka Waxa uu ku biiray Afri- can National Congress (ANC) 1943, markii hore waxa uu ahaa qof u ololeeya, kadibna aasaasihii iyo Madaxweynihii Ururkii Dhalinyarada ANC ayuu noqday, waxa uuna kaalin weyn ka qaatay, la dagaa- lankii mideb kala sooca ee ku dhaqmaysay Xukuu- madii dadka cadaanka ahaa .

Nelson waxa uu guursaday xaaskiisi ugu horreysay Evelyn Mase, 1944. Hayeeshee waxa ay is fureen 1985 kadib markii afar caruur ah isku dhaleen Man- dela iyo Evelyn Mase Nelson waxaa lagu xasuustaa in uu ahaa mid ka mid ah hoggaamiyaasha caa- lamka ee aadka loo xushmeeyo, kaasi oo hogaami- yay halgankii lagu beddelay nidaamkii midab-kala sooca ee koonfur Afrika. Waxaa markii dambe xab- siga dhigay dawladdii midab-kala-sooca ahayd ee ay xukumayeen caddaanka tirade yar ee waddankaas gumeysanayay; iyagoo ku eedeeyay inuu waday abaabulay Mucaarad kasoo horjeeda dawladdooda xilligaa Dalka Xukumaysay. Haddaba aan hoos u dhaadhacnee Isagoo xirnaa 27 sano, waxa uu ku soo baxay in uu noqdo Madaxweynihii ugu hor- reeyay ee madow ah kaa oo ka cayaaray door hog-

gaameed oo si nabadda dhinacyo kala duwan oo is khilaafsan isku keenay, maadaama. Soo jiidashad- diisa,dareenkiisa uu ahaa in aanu awooddiisa muu- jin iyo in aanu ka xumaan sida adag ee loola dhaq- may.

Mandela oo Koonfur Afrika looga yaqaan Madiba, waxaa xabsiga laga sii daayay 1990-kii isagoo qud- badiisii ugu horreysay ka jeediyay fagaaraha loo yaqaanno Grand Parade oo ku yaalla badhtamaha magaalada Cape Town, hadalkiisii ugu horreyay oo ay dhageysanayeen dad aad u fara badan ayuu ku yidhi: “Waxaan doonayaa Dalka Koonfur Afrika oo xor ah isku wada mid ah, mana jirto wax aar-goosi ah ama cadaawad ah oo loo qaado dadkii dalka soo gumeysan jiray, maanta laga billaabo Koonfur Afrika waxaa leh dadka wada daggan waxayna u noolaanayaan si isku wada mid ah.” Nelson Man- dela ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee madow ah ee ka taliya dalka Koofur Afrika, wax- aana xilka madaxweynenimo loo dhaariyay san- nadkii 1994-kii wuxuuna talada dalka hayay illaa 1999-kii hayeeshee, kadib markii uu ka degay Madaxweynenimada 1999, Mr Mandela waxa uu noqday Danjirihii Koonfur Afrika ugu magaca dheeraa, isaga oo u ololeeyay la dagaallanka HIV/ AIDS iyo inuu xaqiijiyay in dalkiisa uu marti geliyo Koobkii cayaaraha Adduunka 2010.

Nelson Rolihlahla Mandela ayaa lagu xasuustaa khudbadii uu ka jeediyay Addis Ababa in uu ugu mahad celiyeey afar wadan oo ay ka mid tahay Soomaaliya iyo Itooobiya. Mandela waxa uu ka khudbaynayey shirkii Pan-African ee lagu qabtay Addis-Ababa, asagoo u mahad celiyey afar dal ee Afrika** xilligaas ka mid ah dalalka xorta ah, kuwaas oo kulankaas joogey, kuwaas oo ahaa Somalia, Ethiopia, Sudan iyo Talyaaaniga. Waxana uu Mandela dalalkaas uga mahad celiyey sida ay cunaqabataynta siyaadadeed iyo mid dhaqaale u saareen dawladii markaas midab takoorka ku hay- satey Koonfur Africa iyo sida ay dalalkaasi magan gelyo u siiyeen qaxootiga reer Koonfur Afrika.