SIDEE LOO GUULAYSAN KARAA: QORSHE-ISBEDEL-GARASHO

Tusaale: Calafka xoolaha

Dadka badankoodu waxay rabaan inay guulay- staan, laakiin dad badani doonimayaan inay qabtaan waxyaalaha lagama maarmaanka u ah guusha. Sidaa awgeed halkan waxaannu idhiinku soo gudbinaynaa saddex shay oo guusha horsed u ah waa: Qorshe-Isbedel-Garasho

1. Qorshe (inta aanay dhibaatadu iman ka hor)

Nolosha waxaa ku jira waxyaalo badan oo aanad saadaalin karin iyo waxyaalo badan oo aad saadaa- lin kartid. Tusaale aynu usoo qaadanno jilaalka: Si xaqiiqo ah uma ogaan kartid xilliguu dhici doono iyo inuu gaabnaan doono amaba dheeraan doono. Balse waxad garan kartaa inay dhici doonto abaari iyo inay mid gaaban ama dheer noqon doonto. Dadka qaar waxa kaliya oo ay sugaan xilli abaar ah, waxaanay rajeeyaan in aanay aad udheeraan doo- nin. Qaar kale ayaa iyagu waxay bilaabaan inay u diyaar garoobaan xilliga abaarta ah marka lagu guda jiro roobka. Kuwan danbe waxay diyaariyaan oo ay kaydsadaan calafkay xilligay abaarta ku jiraan cuni lahaayeen. Gu’ga aad bay uga mashquul badan yihiin kuwa kale ee aan iyagu waxba kaydsan. Laakiin xilliga abaarta ayaad arkaysaa kala duwana- anshaha u dhaxeeya labadaas qolo.

Mid ka mid ah Sababta ugu wayn ee ah; Maxay dadka qaar uga guul badan yihiin kuwa kale? Jawaabtu waa: waxay sameeyaan qorshayaal wacan.

2. Isbedel (si kala duwan wax u qabo)

Dadbadani waxay doonyaan inay guulaystaan balse ma doonayaan inay wax u qabtaan si ka duwan siday wax u qabtaan jaarkooda iyo aabayaashood. Laaliin, haddii aad wax uqabato sida uu qof kale oo kastaa wax u qabto, ha rajayn inaad ka wanaagsa- naato dadka kale.

Baahsanaanta dhirta aan anfaca u lahayn aadamaha laakiin u leh xayawaanka oo kaliya way ku cusub- tahay dhulka badankiisa. Sidaa awgeed dadka badankiisu waxay diidaan inay u isticmalaan dhulkooda deegaanta xoolaha.

Si kastaba ha ahaatee; beeralayda xilli roobaadka

18 DHUGASHO Daabacadda 1aad

beeraha xoolaha sameysataa waxay aad uga caafimaad badanyihiin xoolahoodu kuwaaan iyagu samaysan, waanay ka caano badanyihiin xilliga abaarta kuwa kale. Kala duwanaanshahu waa cad yahay marka jilaalku ka dheeraado sida caadiga ah ama gu’ga ku xigaa bilaa roob noqdo.

3. Garasho (u baro sida ugu habboon)

Kuma filla in la ogaado dhibta iman karta oo kaliya iyo in ashyaada siyaabo kala duwan loo qabto. Waxaa kaloo muhiim ah in si wacan wax loo qabto. Aad ayey muhiim u tahay in si wanaagsan wax loo qabtaa,waxaad u baahantahay inaad ogaato intee ayaa ugu macquulsan ee aad awooddaa inaad wax u qabato. Dad badan ayaa kaa hor guulaystay ee wax ka baro iyaga.

Waxaad u baahantahay inaad garato wax yaalaha caafimaadka iyo nafaqada uleh xoolahaaga, waxy- aalaha si wacan uga soo bixi kara deegaankaaga IWM.

Xannaanada xoolaha baadhitaan lagu sameeyay ayaa ina tusaya in daaqyada kala nooca ahi sida: Hadhuudhka, daaqa maroodiga, daaqa lo’da iyo daaqa roodhaska oo lagu dhex beeray digir lo’aadda, alfalfaha, lablabka IWM in ay yihiin kuwa ugu wacan xoolahiinna.

Beeralayda aqoonta lehi waa beeralayda ugu wana- agsan.

Qof kastaaba wuu guleysan karaa haddii uu la yimaaddo: Qorshe-isbedel-garasho.

Haddaba haddii aad doonayso inaad ka ogaato wax badan soo saarka daaqa, warbixinta u raadso xafi- iska beeraha ee deegaankaaga amaba xafiiska kuugu dhow ee ay leedahay Mercy Corps.

Turjumaaddii: Kayse Maxamed Xuseen (Kayse Galaydh)