Buugga Kaarool Dhiweek ee Mas- kaxda, nafsiga cusub ee guusha, qoraagu wuxuu diiradda saarayaa sida dabeecado kala duwan uu u beddelo sida dadka naftooda iyo la dhaqanka dadka ay u arkaan, sida cilmi baadhista, waxaa jira laba aasaas u ah Maskaxda:- mas- kaxda go’an iyo maskaxda korita- anka dhigay.
Dadka leh maskaxda go’an waxay aaminsan yihiin in awoodooda ama kartidooda la hagaajin karin si kastaba ha noqoto ee. waxay dareemaan inay ku dhasheen xaddi gaar ah oo tayo mana doonayaan inay kartidooda tijaabiyaan taas oo ay sabab u tahay ka cabsi ay ka cabsanayaan inay ku fashilmaan. shakhsi- yaadka leh maskaxda go’an marar badan waxay aad iskaga ilaaliyaan xaaladaha adag,iyago oo xaaladaha adag u arkayo wax xun halkii ay ooga arki lahayeen fursad ay kartidooda kor oogu qaadi karaan. dadka ku dhaqma koritaanka maskaxda, waxay aaminsan yihiin in awooda- ha(kartida) sida kubbada cagta iyo aqoonta xisaabeedka ay yihiin cilmi la kordhin karo haddi hee- gan la noqdo oo adkaysi layeesho.
Marka lala kulmo caqabadooyin kuwa barbarta maskaxda koritaanka ayaa u kaco ka hortaga caqa- badooyinkaas. inta badan, dadka leh maskaxda koritaanka kama cabsadaan fashilka laakiin waxay u arkaan inay fursad u heleen inay is wanaajiyaan oo ay aqoontooda saro u qaadaan.
Maskaxda waxay ka bilaabmata caruurnimada, weeyna u sii kortaa qaangaarnimo iyada oo ay nalasoconeeyso nolasheeno oo dhan, taas oo ka mid tahay waalidnimada iyo xiriirka, ilaa isboor- tiga iyo shaqooyinka. madaxda wax ku ool ku ah qaybaha kala duwan- ganacsiga,siyaasada, fanka,
sayniska iyo isboortiga- waxay adeegsadaan mas- kaxda koritaanka dhigay. Markaa fariinta ugu mihiimsan ee ka socoto buuggan waxaa weeyo in la ogaado in ay maskaxdu mid joogto ah ahayn. maskaxda koritaanka waxay ku salaysan tahay oo ay rumaysan tahay isbedelka, waxaa mihiim ah in la ogaado marxalad kasta oo aad nolasha kaga jirto inay kaa joojin karin is-bedelka. is-bedelkan waa mid adag, laakiin waa mid suurta gal ah oo u qalmo.