Barnaamijka Barashada Caafimaadka Iyo Cudurada Guud Ee Ku Baxa Afka Soomaaliga. Wax Ka Barro Cudurka Duumada (Malaria).
HORDHAC KU SAABSAN CUDURKA
DUUMADA (INTRODUCTION)
Duumadu waa cudurka afka qalaad lagu yidhaahdo (malaria). Waana mid ka mid ah xanuunnada faa- fa(infectious diseases), sidoo kale waa mid ka mid ah xanuunnada ugu da’da wayn dunida, ee aad- amaha ku dhaca. Duumadu waxay leedahay asta- amo ay ka mid yihiin baxaadeg, xummad kulul, dhiig yaraan, qandho, waxaaney keeni kartaa dhi- masho.
Hooyada uurka leh hadday ku dhacdo duumadu misana aan laga daawayn waxay ku keeni kartaa dhimasho iyo inay dhasho ilmo aan misaan lahayn, ama ilmo ka qoonma( ka soo dhaca), iyo inay hooyada lafteeduba ku naf baxdo.
TAARIIKHDA CUDURKA DUUMADA:
Magaca Malaria; waa laba eray oo laga soo min- guuriyey kalmad Talyaani ah, taasoo haddaynu kala qaadno noqonaysa Mal iyo Air.Mal kaligeed waxay u taagan tahay Xun, Aria iyana waxay u taa- gan tahay Hawo,markaa labadan eray oo macne ahaan la isku xidhay waxay noqonayaan Hawo Xun(Bad Air).
Magacan waxaa bixiyey dhakhtar Talyaani ahaa oo la odhan jiray Francisco Tort, qarnigii 18aad, isagoo arkay dadka oo xilligaas aminsanaa in cudurkan ay keento hawada xun ee ka timaadda meelaha biyo fadhiisinka ah, Sidaas ayuuna dhakhtarku ugu magacaabey cudurkan malaria.
Barashada Asalka iyo Faafidda duumada (epidemi- ology).
Cudurku wuxuu ku badan yahay waddamada ku yaalla kulaalayaasha (tropical),kulaalayaal xigeenka (subtropical) iyo waddamada ku hareeraysan bad- haha: tusaale ahaan sida waddamada saxare xigeenka afrika (sub-Sahara African countries), Asia iyo America. Dadyowga u banyaalla cudurkani
boqolkiiba afartan 40% waa dad yowga ku nool waddamada ku yaalla kulaalalayaasha iyo kulaa- layaal xigeenada.
Duumadu waxay caan ku tahay dhulalka jooggoodu hooseeyo iyo kuwa jooggoodu sarreeyo, laakin waxay aad ugu sii baahsantahay dhulalka joogoodu hooseeyo; sida joogagga u dhaxeeya 1600_2150 Metres. wakhtiyada duumadu ugu sii badantahay waa xilliyada bilaha september ila december oo ah xilli roobaad, sida guga iyo dayrta.
SIYAABAHA UU CUDURKANI KU GUDBO
–Qofka xanuunka qaba oo ay kaneecadu soo qani- into kana soo qaado derisku-noolaha ugxantiisa ka dibna ku mudda qofka kale oo isagu duumada ka fayow.
–Qofka qaba duumada oo dhiigga laga shubo, laguna shubo mid ka fayow cudurka.
– Sidoo kale waxa lagu kala qaadaa xubnaha oo la is kugu deeqo, sida beerka iyo iwm.
– Irbadaha oo lala wadaago qofka qaba cudurka. –Hooyada uurka lihi haday qabto way u gudbin kartaa ilmaha uur jiifka ah(fetus) xilliga dhal- mada. (congenital transmission) dhalmada.(con
genital transmission)
Habka ugu gudbinta badan ee cuddurkani ku faaf- faa waa marka kaneecadu ka soo qaado dhiig qof qaba cuddurka iyadoo qaniinyo kale ku ganta qof kale oo ka fayow cudurka. waxay siiba kaso qaada dhiigga qofka qaba xanuunka duumada iyada oo dhiiggan wasakhaysan ee darisk-ku noolaha ugxan- tiisu jiifto ku mudaysa qofkii an qabin xanuunka.
KOOXAHA U NUGUL DUUMADA (SUSCEPTIBLE HOSTS)
- – Carruurta da’doodu ka yartahay 5 sano,
- – Haweenka uurka leh, gaar ahaan hadduu yahayurkooda u horeeya.
- – Socotada dhul aan kaneeco lahayn ka timi (oo aanlahayn difaac uga sameysmay cudurka).ASTAAMAHA IYO TILMAAMAHA DUUMADA(- SIGNS AND SYMPTOMS)
Muuqashada Calaamadaha cudurrkani waxay ku xidhan yihiin:– Noocu yahay deris-ku nooluhu, – Heerka difaaca jidhka.
– Shaqada beeryarada.Marka uu cuddurku bilaabmo wuxuu u eeg yahay Hargab xumaaday, oo ay ayaamo laliso xumad goo- go’ani bukaha, madax xanuun dheeriya uu yeesho, laabatooyinka iyo melaha lafahu iska galaan oo damqata iyo tabar darri bukaan oo qofka jilcisa. Waxaa guud ahaan lagu yaqaannaa qabow ku dhammaada, qadh qadhyo qofku la gariiro iyo dhi- did, oo ah astaamo aan laysku halayn Karin aragtidooda, gaar ahaan marka u horeysa, siiba marka deris-kunoolaha p. falcipram weeraradiisa ugu horeeya soo qaado.
Calamadaha ugu horeeya ee ka muuqan kara qofka duumada hayso– Xumad aad u sareysa – Qadh qadhyo.
– Madax xanuun.
– Dhidid.– Daal.
– Yelaalugo.
– Hunqaaco/matag.
– Dhabar xanuun.
– Muruqyo xanuun.
– Beeryarada oo bararta. – Dhiig yaraan.ASTAAMAHA LAGU ARKO MARKU CUDDURKA DUUMADU XUMAADO WAXAA KA MID AH:
– Maskaxda oo hawl gabta.
– Xangulaha oo hawl gaba.– Dawakh.
– Miyir beelid.SADDEX HAB OO GUUD OO LAGAGA HORTAGO XANUUNKA DUUMADA
– Farsamo caqabadeedyo (Machanical barriers).
– Maro- kaneeco ku dawaysan sunta kaneecadalaysa oo la isticmaalo.
– Meelaha biyo fadhisanka ah oo la qalajiyo ama labuufiyo.
– Iyadoo lagu wareejiyo daaqadaha shabag daloola-diisu yar yar yihiin.
– Habeenkii oo aan la bixin.
– Iyadoo la xidho shaadhadh gacmo dhaadheer iyosaraawiil lugaha jooga.
– Sunta cayayaanka oo la isticmaalo (Insecticides orchemicals)
–Iyadoo la isticmaalo sunta buufiska ah ee kiimi-kadu ku jirto, sida (pemethrine iyo chlorinated
hyrdrocarbons).
– Iyadoo la isticmaalo looshin ay ku jirto maaddadakaneecada disha oo lagu dhoobo jidhka.
– Iyadoo la istcimaalo maaddada DDT oo ah ta ugufiican maaddoyinka dila kaneecada.
– Daawo ka hor tag ah oo la qaato (Drug prophy-laxis)
–Iyadoo oo la qaato daawo ka hor tag ah meelahaay kaneecadu joogtada ku tahay.
–Carruurta da’doodu u dhaxayso 3 bilood ilaa 4sano ee ku nool meelaha ay dumada joogtada ku tahay oo la sayiiyo ka hortag.
TIXRAACA (REFERENCE)
Internal medicine book for health officer of Ethio- pian guideline, Laboratory parasitolgy book for Ethiopian guideline; Somali medical version book; Google: for medical advanced books; Ikhtiraacidii iyo Diyaarintii: Mustafe Ibraahim Faarax (Dhiico).
BSc of Medical Laboratory Technology; Dib u eegis- tii, Tafatirkii iyo Eray toosintii; Cabdisamad Jaamac Xaashi (Geel-jire), BSc of Puplic Health; Kayse Max- amed Xuseen(Abwaan Galaydh), BSc of Puplic Health; Eng Abdi Nasir Ahmed Hiis(boodhle), BSc of architect and urban planning.
W/Q: Mustafe Ibrahim Faarax (Dhiico);
BSc of Medical Laboratory Technology:
Africa Medical College in Addis Ababa, Ethiopia