Maahmaahdu waa hadal murtiyeed, inta badan ka dhasha waayo aragnimo ama dhacdo qof soo martay dabadeedna uu ka reebo erayo xikmadaysan oo cabiraya dhacdadiisa, saamayna ku leh nolol maalmeedka bulsho waynta uu af ahaan iyo dhaqan ahaanba la hal maalo. Soomaalidu waxay ku jirtaa dadka aad loogu tilmaamo inay leeyihiin luqad hodan ah oo u suurto galisay inay reebi karaan odhaah nuxur leh oo xambaarsan macna xeel dheer,jirina karta inta ay jiraan dad isticmaala luqadaa. Maahmaahuhu waxay si aad ah uga muuqan jireen nolol maalmeedka bulshada ,oo had iyo jeer qurxin jiray haasaawaha, gogol fadhiga , iyo hadal maalmeedka joogtada ah eey umaddu is waydaarsanayso. Si loo daweeyo dhibaatadan waxaanu halkan ku soo bandhigaynaa maahmaahihii inta aanu ka ururin karnay ilaa iminka, wixii kalee aanu ka ururinana waanu ku daraynaa.
Sadex sadex lama heshiiso:
Nin qabwayn iyo nimaan u qabin
Nin qosol badan iyo nin qoosimaad badan
Nin quud jecel iyo nimaan u quudhin.
Saddex way ku hoddaa:-
hadh aarooryo
hilaac basari
iyo hogol xagaa.
Saddex sadex laga waayay waa yaab:
Tuulo eedaan laga waayey waa yaab
Geel habeed laga waaayey waa yaab
Dameer kadlo laga waayey waa yaab
Saddex alle kaama aqbalo:-
Salaad ku dayasho
Soon soor waa
Samir tag waa
Saddex alle wuu karaa kaamase yeelo:-
Guursan maayee ha igoblansiin
Xoogsan maayee xoolo isii
Camal falimaayee ha i cadaabin.
Saddex lalama coloobo:-
Nin cagtaada yaqaan
Nin codkaaga yaqaan
nin cidaada yaqaan
saddex madaxtinimaday kaa dishaa:
gar leexsan
gudoon jilicsan
gacan gudhan
Saddex sadex kuma gaadhid:-
Nin kaa faras fiican saacad kuma gaadhid
ninkaa guri fiicana sanad kuma gaadhid
Nin kaa naag wanaagsana waligaaba ma gaadhid.
Saddex lalama rafiiqo:-
Nimaan rag aqoon
Nimaan rabi aqoon
Iyo nimaan rasuul aqoon{scw}
Saddexbaa rag uliita:-
Nin joogoo aan la tirin
Nin maqan oo aan latabin
Nin tagaya oo aan la joojin.
Saddex raga waa u amaan dumarkase waa u doqoniimo:-
Dagaalku raga waa u maan dumarka se waa udoqoniimo
Dooddu raga waa u maan dumarka se waa udoqoniimo
Deeqsinimadu raga waa u maan dumarka se waa udoqoniimo.
Saddex lalama dego:-
Bakhayl damac yaqaan
Fule daandansi badan
Iyo doqon fiiro taqaan
Saddex sadexbaa lagu caddeeyaa:-
Hadal runbaa lagu cadeeyaa
Ilko cadaybaa lagu caddeeyaa
Middina lisinbaa lagu caddeeyaa