DHAGAXBA XADHIG BAA JEEXA

“Dhar hu’ ma aha ee aqoon baa hu ah”.
“Dad aqoon la’aan waa la qadaa, Dal aqoon la’aanna waa la habaabaa”
“Illaahow aqoon la’aan ha nagu cadaabin, eexashana hanagaga tegin”

Inkastoo dhaqanka soomaalida uun marnaba ka marnayn aqoonta iyo wax tarkeeda, hadana anigu waxaan ka mid ahaa jiilkii ay reer guuraanimadu lugta ku qaadatay ooy seejisay fursadii waxbarasho ee qayrkay dheehanayeen. Bulshadii aan ku soo dhex koray waxay ahayd bulsho aaminsan muruqoo la maalo, nolosheeduna ku tiirsantahay seddexda caanaha macaan iyo cududdooda oo ahayd laf dhabarka dhaqaalaha ee qoyska soomaaliyeed. Taasna ay sababtay in waalidka intooda badan ay ku fara adaygaan dhallaankooda in ay siiyaan fur- sad waxbarasho iyagoo kaalmadooda aan ka maarmin awgeed.

Hase yeeshee, nasiib wanaag waxaan rabaa in aan maqaalkaan oo hal ku dhigiisu yahay (Dhagaxba xadhig baa jeexa) idinkula wadaago dhacdooyin ku saabsan baraarugaygii waxbarasho iyo sida uu Illaa- hay iigu suurageliyey in aan gaaro waxbarasho illaa heer jaamacadeed ah. Sababahaan ku soo ham- baabiray ee igu dhalisay inaan safar waxbarasho u galo waxay ahayd wacyigalin iyo baaq warbaa- hineed oo lagaga hadlayay arday dhammaysatay dugsi sare loona dirayey dalal ay ka heleen deeq waxbarasho.

Sidaa darteed, Ayaan ku hammiyay ambabixii aan u qorshaystay hayaankaan u gali lahaa in aan wax- barto. Waxaan markii ugu horraysay u ambabaxay magaalo aanan ruuxna ka garanaynin, markaan imid magaaladii waxaan in mudda ah la noolaa xer cilmi barata oo daggan masaajid. Kaddib waxaan masjidkii isku barannay nin sheekh ah oon uga warramay waxa aan u imid magaalada, wuxuuna i geeyay xaafaddiisi, xoogaa markaan la joogay ninkaa wanaagsan walina aanan wax buug iyo qalin ah qaadin ayaa qoyskii aan la joogay iga cod- sadeen inaan dukaamadooda kala shaqeeyo waxna la gadgado inta waxbarashadu ka billaabanayso sidi baan yeelay. Anoo sidii ula shaqeeya reerkii ayaan maqlay inuu magaalada deganyahay abtigay hooya- day la dhashay oo in aan dheg ka maqlo mooyee aanan waligey arag sababtoo ah, abtigay waxuu magaalo soo galay isagoo da’ yar. Kulankanagu waxuu ahaa mid qiiro leh. “Tol beelay, war ma walaashay wiilkeedii oo intaas magaalada joogay baan maanta is helnay” ayuu abtigay ku cataabay. “Abti bal ii warran? reerihii ka warran?” .. waa nabad abti. war anaa kuu haya, wedna Illaah… xamdi Illaah iyo xaal adduun.” iyo waraysi ayaan is dhaafsanay. Ka dib markaan abtigay uga warramay ujeedada socdaalkaygu inuu yahay hammi waxbar- sho, aad ayuu u la dhacay, waxuuna iigu kabay duco waxuuna igu dhiirrigeliyay in aan wax barto isaga oo yiri “ abti waxbarashadu da’ maleh welina waad da’ yartahay oo wax ku dhaafay ma leh”, waxuuna iigu maahmaahay halku dhiggan aan qor- mada ku xusay ee ah; (dhagaxba xadhig baa jeexa)

ISKU DIYAARINTII WAXBARASHADA

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Carro aadan aqoon cankooraheedaa kaa cad goosta” oo macna- heedu yahay dhul aadan aqoon haddaa tagto, keeda ugu liitaa kaa cad goosta. Caqabaddii ugu horeeyay

ee ila soo daristay waxay ahay mar alla markii sanad dugsiyeedkii waxbarashadu bilaabmay ayaa barbaartii aan isku da’ da ahyn bilaabeen inay igu wiirsadaan “ Oo waligaaba ba’ iyo ta’ maadan qorine xageed ka bilaabi? qosol,Ah,ah,ah….. oo ma daba gaab baad xidhan oo carruurta fasalka koowaad baad la fadhiisan..? qaar kalena waxay ku kaftameen “ waar waxbarasho lahaaninee orod oo maqaaxiyadaha shaqo ka raadso. Markii dambe waxaan gaaray in aan ka dhuunto meelaha ay dhallinyarada da’dayda ah ee iskuulada aada ay ku sheekaystaan, sababtoo ah waxay ka sheekaytaan maanta maxaa laguu soo dhigay? Macalika sayni- sku waxuu yiri… Fisikiskii meeqaad heshay IWM.

Aniguse, sheekooyinkaas waxaan ka ahay lax dhu- kani abaar moog. Waxaa igu dhacay wax la yiraahdo kalsooni yari (Low self-steem). Waxaan billaabay in aan raadsado dhallinyarada miyiga ka soo gashay iyo kuwa dib jirka ah ee aan iskuulka dhiganin si aan ula sheekaysto illayn shimbirba shimbirkiisuu la duulaa’e. Waan ka khajilay in aan waxbarasho kasoo bilaabo dugsiga hoose oo aan aminka anigoo dhawr iyo toban jir ah, dhererkana labaatan jir la i moodo aan surwaal dabagaaba xidho oo carruurta yar-yar igu maadeeystaan. Dugsi sare iyo mid dhexana warkooda daa, aqoon- toodii ma lihi oo weligay ba’ iyo ta’ ma qorin. Ham- migaygii waxbarasho waxuu igu kalifay murug iyo hurdo xumo waxayna i xasuusisay gabaygii Hammi ee sheekh Ismaaciil ee tuducdiisa u dambeyso oran- aysay:

Anfariir xalunbaan Hurdada oog la soo kacaye
Illinkaan talaabada ku waday waan abaarahaye
Meeshaan Abbaarada ku tago aakhir bal aan dhawro.

Anigoo xaalkaygu yahay cir kaa fog dhul kaa fog, oo bayhoofi lahaa, kuna lumi lahaa waadigii wabarashada, ayaa waxaa i hagay faynuustana ii ifi- yay waalidkii caaqilka ahaa een la’aantii waxbadani ii suurta gasheen, waa abtigay Maxamed weerar faarax oo farta iigu fiiqay ambadii ugu habboonayd een kaga biiri lahaa aas’aaska waxbarashada.

Abtigay waxuu i siiyey waano dhaxal gal ah waxu- una yidhi “wiilkaygow ha deg-degin ee is deji, isa- goo iigu maahmaahay “Haddii ay deg-degsiinyo door dhalaan, Kaadsiinyona kiish lacag ah bay dha- laan” “ma da’ weynid, fursad iyo mustaqbalba waa ku hor yaallaan haddii Illaahay kuu kaso, ee dhal- linyaronimo yey ku qaadin. Abti waxuu isagoo

waanadii wata sii raaciyey “waxa aad doonayso waa waxbarasho iyo in aad mustaqbal gaarto taasne waxay u baahantahay dedaal, daacadnimo iyo in loo dhibaatoodo. Wax walba oo dheef lehna dhib- baa ka sokeeyo ee waa in aad ku samirto, Allena talo saarato. “ waxuu Abti waanadiisii dhiirigelinta ahayd ku soo af-jarey tusaale taabagal ah oo aad ii anfacay waxuuna yidhi: “ Wax walbaa aassaas bay leeyihiin, guriga marka la dhisayo hoos baa laga soo billaabaa ee kor lagama billaabo. Dugsi sare, mid dhexe, iyo shahaado aadan aqoonteedii lahayn waa geed aan miro lahayn, waxaan daacad ahaynina dabaday ka xumaadaan oo meel fog kuma gaarsi- inayaan, dantaadana way ku seejinaysaa maand- hoow waxaad sameeysaa: Bal horta sanadkan hore iskaa wax u baro, oo iskuul khaas ah (private school) gal. taas waxay keenaysaa in aad wakhti- gaaga iyo maaddooyinka aad baranaysaba xor u noqoto. Waxaad marka hore xoogga saartaa xisaabta iyo luqadaha, markaad heer ka gaarto, waxaad ku xijisaa Sayniska. Waa in aad aqoonta- ada shakhsiyeed marka hore dhisto kadib shahaa- dada iyadaa iska iman mar haddii aad aqoonteedii leedahay oo imtixaan baad u geli. Dantaadu taas ayey ku jirtaa, Soomaaliduna waxay ku maahmaah- daa, “Dan iyo madaxaaga toona lagama boodi karo.” Waanadaas oon u qaatay in macnaheedu yahay maradaa kaa dhacday ee kor u qaado oo gunto si weyn bay ii taabatay, waanan qaatay.

Waanadaas kaddib, waxaan billaabay in aan qalqa- alo u galo sidii aan dhakhso u billaabi lahaa private school. Waxaan dib ugu noqday dukaankii aan ka shaqayn jiray markaan magaalada soo galay si aan waxbarashada isaga bixiyo. Muddo yar kaddib, waxaa Illaahay i waafajiyey school luqadaha iyo xisaabta lagu barto. Waxaan la kulmay maamulkii iskuulkaas waxaan uga warramay hammigayga iyo sida aan ugu oomanahay waxbarasho. Nasiib wanaag, way i aqbaleen waxaana is diiwaan geliyey fasal bilow ah. Subixii waxaan gadaa tukaan, gal- abtiina waxaan billaabay in aan barto qoraalka Af-soomaaliga, xisaabta, iyo ABCda English-ka. Maalinkii iigu horeysay farxadda iyo qiirada iga muuqatay ma maleyn kartid. Soomaalidu waxay tiraahdaa waxii la billaabo waa dhammaadaane, markiiba waxaa la ii billaabay qoraalkii farta Soomaaliga. Maalintaas, shibanayaasha ayaa buugga la iigu soo xarriiqay, maalintii ku xigtayna, shaqal gaabka, ka dibna shaqal dheerka iyo xuruufta laban laabanta.

Qorrax baa u soo baxdoo
Mugdigii ku qafilnaa
Daahii ka qaadee,
Qalinkaaga ii dhiib
Erayada aan ku qoro
Qummaati uga bogee.(1)
(1) waxaa curiyey Xassan Sh. Mumin

Dhinaca xisaabta, waxaa la ii soo dhigay tirooyinka idil, kadibna dhabanka iyo kisiga, waxaa ku xigay tirooyinka mutaxan iyo isku darkooda kala gooynta, isku dhufashada iyo isu qeybinta, jajabkaa ku xigay hadana boqoleeyda ayaan ka boor kiciyey. Luqada Englishka oo markii hore igu adkaatay, hadana tod- dobaad gudihiis ayaan ABC- da ku maamulay. Had- dii aan iskuulkii dhawr bilood dhigan hayey wax- aan billaabay in aan caawiyo ardayda cusub.

Macalimiintii iskuulka markay arkeen dedaalka aan muujinayo iyo horumarka aan suubinayo ayey ii xil saareen in aan iskoolka sii furo, kuraasta sii hagaajiyo, ardada joogto magacyadooda qoro. Wax- aan meeshaas ka bartay sida wax loo maamulo, waxaan kaloo helay fursad aan macalimiinta uga faa’iidaysto oo ay iiga caawiyaan wixii igu adkaado ka hor iyo ka dib inta uusan fasalku bilaaban. Anigoo fahamsan waajibka ardayga saaran sida ka muuqata tixdan gabayga ah oo uu tiriyey Cabiqa- adir Xirsi (Yam Yam), ayaan waxaan aad isgu taxalu- jiyey in aysan waxbarashadeydu ku ekaan wixiiScreen Shot 2015-11-10 at 3.28.03 PM

Private-ka la iiga dhigo kaliyee, aan soo amaahdo buugta iskuulada dawladda lagu dhigo.

Arday waxaa ku waajiba inuu edeb lahaadaaye,
oo uu akhriyo meeriskoo
dhab u adkeeyaaye,
Markaasuu aqoontiisa guud ku aflaxaayaaye.

Markaan AF-soomaaligii, Xisaabtii, Iyo Luqadii ing- riiska heer ka gaaray ayaan waxaan billaabay in aan barto sayniska iyo computer-ka. Waxaan la xarbiyaba, waxaan galab, subax iyo habeen gaajo iyo gaadiid la’aan la luudaba, waxaa markii dambe Illaahay ii sahlay in aan ku biiro iskuulkii daw- ladda. Illaah Mahaddiiye waxaan ku guulaystay kaalinta labaad ardo caddadkeedu ahaa 54 arday. Waxaan ogaaday in qofkii dadaala oo dulqaad iyo daacadnimo la yimaada in uu miraheeda maalin guran. Waxaa soo noqotay kalsoonidaydii, waxaan yeeshay saaxiibo badan, waxaa ka mid noqday bul- shaweyntii waxbarashada u heelanayd.

Shalay dhabana hayskii,
Dhoolla ka qosolka maanta ah,
xalay baa u dhexeeysee
qofka dhoohanow arag
Kan dhaga la’ow maqal
haddaan dheri dab lagu shidin
Dhuuniga ma kariyoo
Waxba lagama dheefee. (1)

Lix sano kaddib markaan farta billaabay waxaan billaabay dugsiga sare, Nin is ammaanay waa ri’ is-nuugtee, anoon is ammaanaynin, waxaa ku guu- laysan jiray kaalinta koobaad sanad walba. waxuu Illaahay xukmay, in anigii ka dhuuman jiray meelaha dhallinyaradu ku sheekaysato, aan maanta caan ku noqday in ay dhallinyaradu iila yimaadaan waxii la isku qabsado oo aqoon ah. Maanta xaggii iskuulka waxaa ahay heer jamacadeed. Xaggii luqadahana waxaan la shaqeeyaa hay’ad American ah oo anaaba tujubaan ah. Hammigaygii sidaa ayaan ugu guulaystay oo Illaah iigu sahlay. Wax- aan maqaalkayga ku soo gaba gabeeynayaa in dhal- liyaradu aysan ka qancin Illaah raxmadiisa, oo ay dadaal joota ah, dulqaad iyo daacadnimo la yimaadaan, maxaa yeelay “Dhagaxba Xadhig Baa Jeexa.”

Waxaa Qoray Maxamed Sheekh Shaafici
(1) Tixdan heesta ah waxaa curiyey Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)