Marka ay laba gayaan ahi guri wada yagleelaan, kuna midoobaan nolosha dhib iyo dheefba, ayaa mid waliba waxa uu is waydiiyaa tolow
maxaad lammaanahaaga kala kulmi isaga oo qof waliba lammaanihiisa ka rajaynaya wanaag iyo khayr si ay ugu guulaystaan nolosha uguna noolaadaan farxad iyo raaxo waarta.
Haddaba, gabadha ayaa iyadu ah ta inta badan mas’uul ka ah ama sabab u noqon karta sacaadada, farxadda iyo waaritaanka guurkoda iyada oo nolos- hoodu noqonaysa hadba sida ay wax u maamusho una hanato lammaanaheeda, maxaa yeelay waa tii hore loogu maahmaahay (gabadhi waa ninkeed bila ama ninked bi’iya)
Geesiga uu nasiibkiisu siiyo gabadh wanaagsan ayaa noqda ragga ka ugu fil roon uguna horumar- san ee la majeerto sida ay dadka wax garadka ahi sheegeen (raalliyo ninki helaa ragannimo ku faana) Raalliyo waa gabadh Ilaahay garasho iyo aqoon u siiyay hanashada saygeeda iyo habaynta, kor u qaa- dista sharafta iyo maamuuska nolosheeeda oo dhan. Raalliyo waa gabadh ku sifawda xadiiskii rasuulka ee ahaa.
Haddii aad eegto way ku farxad gelinaysaa, haddii aad ka tagtana waxay kuu ilaalinaysaa oo ay xafi- daysaa sharafteeda, nafteeda, malkeeda iyo guri- geedaba. Markale rasuulku S.C.W waxa uu yidhi “Adduunyada waxa yaalla oo dhami waa raaxo wax- aana ugu wanaagsan raaxadaas gabadh wanaagsan oo saalixad ah. Gabadha raalliyada ahi waa gabadh u dhega nugul ninkeeda, kana fikirta mar walba wanaagga ninkeeda, ubadkeeda iyo ummaddeeda ay la nooshahay.
Sifooyinka lagu yaqaanno raalliyo
1: Alle ka cabsi: raalliyo waa gabadh Alle ka cabsi badan, ugu horrayn waxay gudataa waajibkii Ilaa- hay saaray ee uu ku lahaa, mar labaadkana, waxay ku dedaashaa xaqa ninkeeda oo ay Eebbe kaga baqdo isaga iyo ubadka ay masuulka ka tahay. maxaa yeelay waxa ay garanaysaa masuuliyadda Rabbi saaray iyo in la waydiin doono, iyada oo ku dhaqmaysa xadiiskii rasuulka SCW. Rasuulku wuxu yidhi(dhammaantiin wax ayaa laydin raaciyay, qof kastana waa la waydiinayaa waxa la raaciyay ee masuulka looga dhigay).
Raalliyo waa gabadh ninkeeda ku baraarujisa khayrka marka ay aragto isaga oo uu iimaankiisu hoos u dhacay. Raalliyo waa gabadh jecel inay mar walba iyada iyo ninkeedu meel Ilaahay ku wada caabudaan oo ay Eebbe raalli geliyaan. Waxay taqa- annaa xadiiska rasuulka ee ahaa (yaa ka wanaagsan oo ka khayr badan gabadh intay kacday waysaysa- tay oo ninkeediina salaadda u kicisay, kadibna uu is yara adkeeyay, dabadeedna intay biyo yar shax ku siisay uu toosay oo uu la tukaday )
2:Aqoon. Raalliyo waa gabadh Ilaahay ku galladay aqoon, garasho iyo maskax wanaag. Raalliyo waa gabadh ku dedaasha kor u qaadista aqoonteeda una diyaar garowda ubadka uu Ilaahay deeqda u siiyay.
Raalliyo waa gabadh rabta inay ubadkeedu noqdaan ubad ay dhashay hooyo aqoon lehi oo aanay la mid noqon ubadka ay dhasho hooyo jaahilada.
Maxaa yeelay waxay aad u garanaysaa micnaha ay xanbaarsantay aayadda uu Ilaahay S.W.C leeyahayy (miyay siman yihiin kuwa wax garanaya iyo kuwo aan waxba garanayn). Raalliyo waa gabadh aqoon fiican u leh waxa uu ninkeedu jecelyay hormoodna ku noqonayo, ragna ku dhaafayo.
Sidoo kale raalliyo waa gabadh aqoon fiican u leh wax kasta oo aanu ninkeedu jeclayn oo cadho gelinaya, dhibsanayana inuu maqlo ama arko ama lagu sameeyo. Sidoo kale raalliyo waa gabadh aragti dheer u leh dhaqammada ninkeeda si ay wax uga ogaato kuwooda xunxun iyo kuwa wanaagsanba iyada oo isku dayaysa kuwa wanaagsan inay ku dhiirrigeliso kuna hambalyayso, kuwa xunxun ama aan wanaagsanayna waxay isku daydaa sidii ay uga joojin lahayd iyada oo adeegsanaysa xeelado iyo caqli wanaagsan.
3: Jacayl iyo ixtiraam. Raalliyo waa gabadh kalgacal badan mar kastana waxay isku daydaa inay qalbiga ninkeeda jacayl iyo wanaag gashato. Raalliyo waa gabadh ku sifowda ama isku dayda inay ku rumawdo xadiiska rasuulku S.C.W. ragga kula had- layo ee uu yidhi
“Waxaad guursataan gabadh dhal badan oo jacayl badan”. Jacaylku waa wax la beeri karo waxaana awoodda inay beerto gabadha raalliyada ah. Waxy- aabaha ay ku beerto raalliyo jacaylka ninkeeda waxa ka mida
1. Iyada oo mar walba adeegsata hadallo naxariis, jacayl iyo wanaag ka muuqdo .
2 waxay samaysaa wax kasta oo ay ku kasbanayso jacaylka ninkeeda, kuna gaadhayso farxaddisa iyo barwaaqada noloshooda.
Raalliyo kama xishooto inay ninkeeda u sheegto inay jeceshay ama ay kula hadasho hadallo kalga- cal leh. Raalliyo dhaqammada wanaagsan ee ay ninkeeda kula dhaqanto waxa ka mida Marka uu soo istaago ninkeedu albaabka guriga ee uu ka yimaaddo hawlaha shaqo waxa ay taqaannaa garaaciisa, iyada mooyee cid kalena kama furto, kuma waajahdo (qaabbisho) hiif, diiqad iyo weji adkaan ee waxay ku qaabishaa weji ay ka muuqato farxad kalgacal iyo dhunkasho iyada oo qoslaysa.
Kadib waxay usoo kaxaysaa qolkiisa gaarka ah ee loo yaqaanno qolka jiifka, halkaa oo ay xoogaa ku nasiso kabaha iyo waxyaabaha gubayana kaga reebto.
Gabadha raalliyada ah waa gabadh ixtiraam badan ninkeedana waxay u muujisaa mar walba inuu yahay masuul oo iyada masuul ka yahay waxay mar kasta fulisaa amarradiisa ixtiraam darteed. Raalliyo waxay aad usoo dhawaysaa hadallada iyo ficillada wan wanaagsan ee ninkeeda. Sidoo kalena waxay ixtiraam dheeraada siisaa oo ay u muujisaa ehelada ninkeeda, iyada oo taqaanna qof walba meesha uu u taagan yahay
3. Gabadha raalliyada ah waa gabadh gaariya oo nadaafad badan, ka shaqaysa quruxdeeda iyo ta gurigeeda iyo ta ubadkeeda iyo ta ninkeedaba. Guntii iyo gebagebadii, waxan kaga tegayaa haweenka Soomaaliyeed ee jecel inay noqdaan gab- dho raggooda raalligeliya inay ku dedaalaan sad- dexdan shay oo ah saddexda gabadh lagu xusho, ragguna dumarka inay ka helaan ay jecel yihiin:
1. Gogol wanaagsan
2. Gasiin geedo leh oo fiican
3. Gacalka oo ay soo dhawayso.
W/Q: Nada Yuusuf Cumar
Email: Umuayuub2011@hotmail.com