Oday biiqaa yidhi, na carraweelo waan socotoone adiyo wiilka raacigaa xoolaha dhaqaaleeya oo wiilka geela kaligii wax ma qaban karee la waraabiyoo la shub oo kaligiis ha ku sii daynin duqi wuu socotooday wiilki bay tiri waryaa Alla ku qaadye kaalay naag iga dhigo, wiilkii wuxuu yidhi anu hooyaday baa tahayoo intaasaad hooyo ii ahayde naag kaama dhigan karo. war iga dhigo war joog aabbihii la gub, war aabbihii la gub joog. maya kaama dhigan karo. Oday biiqaa soo laabtay, waxay tiri waryaa oday biiqow wiilkan aad igaga tagtay meelaad ka keentay anigu ma aqaanee, wiilkan waan iska quustaye, intii aad maqnayd oo dhan kaalay aan ku naagaystuu ilahaaye, anna waan diiddanaaye wiilka xiniin yaha ka tun. Oday biiqe wuxuu yidhi, ii soo qabo ii soo qabo, aabbihii la gubka wuu kibray, waa la isku duubayoo wiilki dhulkaa la dhigtay, bahal wananka lagu tumuu soo qaatayoo wiilki baftaa xiniinyaha laga galiyay, wiilki cabaad Alla dhintayeey Allaa yaa islaam ah, markuu afka ka aammusi waayay illeen waa nin xiniin yaha laga tumayee, ayay carraweelo ku tiri war xaggee ku xanuuni, wiilki baa yidhi, Wadnaha, wadnaha, wadnaha. kuwad bay tiri wali muun tumine. wax lagu wado xiniinyo garaaci, oo uu cabaado, war xaggee ku xanuuni. Alla madaxa, madaxa, madaxa, Alla maskaxda. war ku wad bay tiri waa waliye. waa lagu waday, war xaggee ku xanuuni, Alla cagaha, cagaha, cagaha. markaasay tiri war ka daa eegaa suu tummaye. afar bari markuu jiifay bay ku tiri war soo maadan bogsanin. wiilki baa yidhi, mayee wali ma fiicni, dhaawac baan ahay. waxay tiri dhaawacaada ma rabnee geelu wabiguu u arooriye, geela kaalay aroori. wiil yar oo ay dhaleen carraweeliyo oday biiqe, ayuu yidhi, wiilka dabada ha iiga kexeeya geelee igu soo dara. wiilki baa lagu soo daray, marki wabigi la tagay, dabbaal buu yaqaanaye, wiilki buu wabigi la galay, degta xaggoo ah ayuu ula baxay. gurigii baa loo qaylyay, way imaadeen carraweelo iyo odaygi.
carraweelaa tiri, “war waa maxay hooyoy hebelow maxaad wiilka ula tagtay”,
Wiilki baa yidhi, “ma i maqlaysaan”,
Waxay dheheen, “haa”.
Wuxuu yidhi, “wiilka ma rabtaan inaan idiinkeeno”,
Arbay dheheen, “haa”,
Wiilki baa yidhi, “bal waxaad yeelaysaan,
Carraweelo iyo Odaygi, “hee”,
Wiilki, “odayga ha la tumo odayga, wiilka markaa umbaan keeni”, dadna halkaa wiil bay ka leeyihiin.
Waxaa la yidhi: “war aan ku tunnee kaalay bal oday biiqow”, duqi baa cabaad qabsaday, calalalalalalalala, Alla wadnaha Alla dhabarka, Alla cagaha, Alla.
war eegaa wiilka soo daa, odaygi tunnaye,
Wiilki baa yidhi, “halkee i xanuuni buu yidhi marki u dambaysay”,
Arbaa la yidhi, “madaxa”
Wiilki baa yidhi: “kuwada ku wada, ma gaadhin”. waa lagu waday.
Arbuu yidhi: Alla calaacalaha, calaacalaha, calaacalaha. war ma maqashaa eegadaa, calaacalaha buu lee yahaye, wuu tummaye wiilka soo gudbi,
Wiilkii wuxuu yidhi: “eeggaasuu tummaye ka sii daaya xadhigga” odaygi markuu meeshaas ku dhacay, ayuu wiilki qaadayoo intuu kor u baaciyay, hoy hoy wiilkiinni ma aragtaan, “haa” wabigi buuba ku tuuray dam jug.
wuxuu yidhi carraweeloy,
Odaygi oo tummay,
Wiilki oo tiimbaday,
Iyo anigi oo tegay,
seddexdaaba adaa taladeeda lahaa.