Baribay laba nin isku kol gabadh soo dooneen, oo aabbeheed u yimaaddeen. duqi baa yidhi, “waxaan gabadhayda siinyaa, ninkii adhiga maanta ii raaca ee soo dhargiya” mid baa yidhi, “Anaa soo dharginaya” shaw adhiguna ma dhargo. waxaa la yidhi, siduu u daajinayay, ee kolba xidh darrin ah ugu dabbaalayay, ee kolba laan ugu looxinayay, ayuu makhribkii soo xareeyay woxoo dibbiradu ormartay. duqii oo qancinaya inuun adhigu wali dhargin ayaa laamo sabdho ah oo caleen leh adhigii sidaa ugu soo go’gooyay, sabdhaduna waa geedka adhigu ugu jecel yahay, markaasuu adhigii dhannaa sidii woxoon maanta waxba dhadhaminnin u kala boobay. ninkiina sidaasuu ugu guul darraystay in gabadhii la siiyo.
Ninkii kalaa subaxdii dambe isna loo dareeriyay adhigii, markuu irridda sidaa ugala baxay ee reerkii ka yara qarsoomay, ayuu adhigii ul ku billaabay, siduu u didinayay, ee uu bannaanka ugu dididinayay, ee meeshi qodaxdaleh ee gacandhidaleh ugu didinayay, ee neefkii wax gooso dhahaba uga cagaajinayay, ayuu gabbalkii ku dhacay, markaasuu soo dheelmay adhigii oo balaayo ku dhacday, markuu sidaa u soo xereeyay ayuu adhigii daal iyo rafaad la fadh fadhiistay, duqi baa isna laamihii sabdhada ahaa, la soo booday oo adhigii ag daadiyay. markaasuu waayay hal neef ah oo soo kaca. sidaasuuna gabadhii ku siiyay ninki.