Qalbiggan la rabee qalbi kale sii rabaa.

Maankiisa iyo maskaxdiisa waxa ugu soo noqnoqoshada badani waa Xayaad, hamigiisa ugu wayni waa helida Xayaad, hididiiladiisa ugu dheerina waa la baashaalideeda. Xayaad la’anteedna waa niyad jab iyo murugo waxase ugu saamayn iyo farxad badani waa maqalka ka sheekaynta Xayaad iyo muuqaalkeeda midabka waabarigii ku dheehan yahay. Saaxiibadii ma raaco ee kali buu luuda ma kaftamo mana qoslo haddana waa farxaan marka uu Xayaad si uun u rajaynayo la kulankeeda ama halka ay joogto. Ma aamusna mana nasto haddana hadh iyo habeen waa wareegaya, isku buuqayaa laakiin maalinba maalinta ka danbaysa Xayaad iyadu way ka sii fogaanaysaa Raadshe.
Xayaad waxay necebtahay maqalka iyo araga Raadshe. Marka ay maqasho Raadshe maanta waa uu ku baadi goobaayay way sii baxsataa, had iyo jeer waxay ku fikirtaa si day iskaga ilaalin lahayd inay Raadshe mar uun kulmaan haday kulmaana iyadda waa u rafaad iyo raaxo la’aan waxayse jeceshahay raadisaa ku haraaday Baxsade. Markasta oo ay maqasho Baxsade way istaagtaa indho indhaysaana meelaha in uu jooga. isqurxinta iyo iscarfintu aad bay ugu badan tahay Xayaad si ay u hesho Baxsade, laakiin Baxsade haddii uu uriyaba urta Xayaad ama uu arkaba muuqaalkeeda waxa uu yidhaa “subxaanalah waa diga danbaabay” dabaddeedna inta uu baxsan karo ama ka fogaan karo ayuu fogaadaa.
Baxsade waa nin dadaal, foojignaan iyo garasho ku dheehan tahay waa og yahay inay Xayaad jeceshahay laakiin waxa uu kaloon sibadan ku qabaa in gabdho Xayaadka wanaagsani jeclaanayaan haddii uu Xayaad iska daayo. Waxana uu waxbadan ka ogyahay dhibta ay Xayaad dhaxalsiintdoonto iyo cidla inay kaga dhaqaqidoonto. Ayaa ogaysiiyay Xayaad inay sidaa u xuntahay? miyuu faaliyaa Baxsade? mooyi. Baxsade waxa uu ku mashquulsan yahay ka baad baadida iyo ka fogaanshaha Xayaad helida iyo ku sugnaanta cid Xayaad dhaanta.
Halka Raadshe uu ku mashquul sanyahay helida la farxida ku raaxaysashada iyo lahadalka Xayaad.
Waxay arrini sidaa ahaataba bulshaddii ay la noolaayeen ayaa ogaatay mushkilada saddexdan qof ka dhaxaysa. Waxay la yaabeen gabadhan ninka jecel diidan ee ku haraaday ninka neceb.
Maalin ayaa dadkii tuulladu tashadeen waxayna go’aanku gaadheen in ay saddexdan qof meel iskugu keenaan,