Abwaan siciid saalax axmed (macallinka soomaaliyeed)

Wuxuu ku dhashay gobalka Sanaag Soomaaliya, meesha la yidhaahdo Laas-qoray, taariikhdu markay ahayd 1945-ti. waxa uu waxbarashadiisi hoose/dhex ku qaatay Magaalada Ceerigaabo ee Gobalka Sanaag, ka hor intuun u gudbin dugsigii sare ee Cammuud ee magaalada Boorame.

Maalin maalmaha ka mid ah Faarax xuseen (Hudle) oo kormeer shaqo ugu tagay hawl wadeennadii dugsiga dhexe ee Ceerigaabo, ayaa wuxuu maqlay cod ka shanqadhaya fasal uu u malaynayay inuu cidla ahaa. kaddib wuxuu soo galay qolkii si uu u hubiyo. ruuxii uu la yaabbanaa ee meesha ka yoomayay, wuxuuba noqday siciid saalax oo yar oo fasalkoodii toddobaad ku jira kuraastii oo cidla ahna sidi dadkii cashir u sharxaya.

Kormeerihii markuu u soo galay siciid oo sidii macallin class buuxa hortaagan oo kale wax u sharxaya wuu yaabay, wuxuuna u maleeyay ruux xanuunsan oo maskaxda ka jirran. Siciid ayaa isaguna isku naxay, wuuna ogaa ninkan u soo galay inuu yahay daba galaha anshax dhawrka guud ee dugsiyada.

Sikastaba ha ahaatee, kormeeruhu wuxuu xaqiiqsaday hibada ka soo socota ardaygan yar ee sidan samaynaya. sidaa darteed, wuu u yeedhay, wuxuuna waydiiyay su’aashan: “Adeer, inaad macallin noqoto ood dad waxbarto miyaad jeceshahay”? Siciid oon innaba ka labbalabaynin su’aasha uu masuulku waydiiyay ayaa ugu jawaabay: “Haa”.

Halkaas ayaa siciid imtaxaan lagaga qaaday, oo fasalka afraad lagu tijaabiyay, dad ku cusub in uu hor istaago. maalintaas ayuu macllinnimada billaabay. Waxbarashadiisina wuu sii watay, illaa uu ka soo qalinjabiyo dugsigii sare ee cammuud.

Isagoo shamicii ka soo daartay dugsigii sare ee tayada lahaa ee Cammuud, ayuu haddanana 1963-dii uga sii gudbay xaruntii tababbarrada macallimiinta ee magaalada Hargaysa. markuu soo dhammeeystayna waxaa loo diray soomaalidaas kiinya degta inuu waxbaro.

Ugu dambayntii, siciid wuxuu macallin rasmi ah ka noqday magaalada Hargaysa, kadibna waxaa loo baddalay magaalada Cadaadley, waxaana looga sii baddalay magaalada Burco. marki dambana wuxu u wareegay dhanka koonfurta iyo Jaamacaddii qaranka soomaaliyeed ee Lafoole.

1968-di wuxuu jaamacaddaas kaga qalinjabiyay Biology iyo Chemestry heerka digree-ga. wuxuuna macallin Biology-ga dhiga ka noqday jaacamacaddaas. kadibna waxaa maamule sare looga dhigay oo lagu baddalay dugsigii sare ee Banaadir.

Intuuse Lafoole joogay, isaga
Siciid ah,
Hadraawi,
Muuse gadhle
iyo Allaha u raxmee Gaarriye, oo dhammaantood ka soo jeeday soomaalida waqooyi, ayaa waxay curiyeen riwaayaddii caan baxday ee la odhan jiray (Aqoon iyo af-garad).

Marki riwaayaddaas lagu soo bandhigay masraxyadii qaranka, waxay kicisay dabayl xamaasadeed oo shaaca uga qaadday fagaare yaashi wawaynaa, inay si xor ah hibadooda uga bogtaan dhammaan hal-abuurki qarsoonaan jiray.

Riwaayaddaas waxay ku cambaaraynayeen soomaalida qurbaha wax ku soo baratay. oo waxay dadka tusayeen: kuwa aqoon korodhsiga qurbaha u aaday, inay waddanka kula soo laabanayaan fikrado iyo dhaqammo shisheeye.

Taliskii dawladdu waxay riwaayaddaas u arkeen inay tahay, ujeeddo liddi ah oo hal-abuurnimo, dawladdana lagaga soo horjeeddo. isla mararkiibana xukumaddii militarigu way mamnuucday inay riwaayaddu sii faafto.

Si kastaba, ha ugu dadaasho dawladdu inay hakiso ruwaayadaasi, balse nasiib xumo way ku guul darraysatay. maxaa yeelay ruwaayadu waxay lahayd heeso u gaar ah oo ay ku soo jiidatay xamaasadda bandhigyada waawayn iyo dad waynahaba.

Ugu dambayntiina, bandawgii la saaray wuxuu ku kallifay kooxdii hal-abuurka ahaa ee riwaayadda waday, inay u xuubsiibtaan dhanka suugaan kale oo ujeeddoyin maldahan ku socoda. taas oo ay ka samaysantay silsiladdii la magac baxday (Siinley). Siinley waxay noqotay mid aad u xamaasad badan, Abwaan Siciid Saalaxna wuxuu uga qayb qaatay si aan caadi ahayn.

Mahadhooyinkiisii
Haddaan wuxuu soo maray, ennaga oo soo kokoobayna darteed, waxyaabihii muhiimaddalahaa, waxa ka mid ah:

Abwaan siciid saalax wuxuu curiyay in ka badan 32 riwaayadood iyo 10 heesood. Midda ugu magac dheer riwaayadihiisa waa (Iftiinka Aqoonta) oo uu curiyay 1974-tii markii lagu guda jiray ol-olihii horumarinta reer miyiga.

Heesihiisana midda ugu caansan ee riwaayadaas ku jiray waxa ka mid ah, heesta caanka ah:
“Alif la kordhabay”
“Alif la hoos dhabay”
“Alif laa godey”

1975-tii wuxuu yeeshay hobaladi kooxdii (Iftiin) oo guubaabin jirtay waxbarashada. kooxdu waxay ka tirsanayd wasaaraddii tacliinta, isla markaana waxay ummadda u soo saartay oy ku guulaysatay riwaayado iyo dad masraxiyadda ku fiican.

1982—1985 Abwaanku wuxuu soo saaray filinkii Daraawiishka soomaaliyeed. oo ku saabsanaa Allaha u raxmee halgamaagii aabbihi soomaaliiyeed ee Sayid Maxammed Cabdille Xasan; Siciid saalax wuu ku guulaystay fikirkaasi wuxuuna soo hoyay buruudka illaa iyo haatan lala yaabban yahay ee nolasha.
Abwaan siciid saalax oon wali dhulka dhigin qalinkii uu qadda kaga soo darsaday dugsigii Cammuud iyo Lafoole ayaa wali haatan macallin ka ah jaamacad ku taalla Minneapols oo uu ka dhigaa luuqadda soomaaliga.

Iyadoo ay saa tahay, ayuu wakhtiga u soo hadha ku curiyaa riwaayado la xidhiidha dhaqankan baaliyoobay ee soomaalida. Waxaana ka mid ah riwaayadahaas:-
“Farriimaha koorta”
“Kala maan” iyo
“Nabad iyo Caano”

Sifoyinka
Siciid Saalax wuu dhaafsiisanyahay macallin oo kaliya. Waa:
Abwaan aragti dheer
Gabyaa maansayahan ah
Mu fakir qoraa ah
Mu allif jilaa ah
Nabaddoon dhiirran iyo
U adeegaha bulshada.

Intaas oo uu ku mutaystay, Billad sharafta qaddarinta leh ee (Adeegga bulshada) ee ay bixiso hay’adda Mcnight foundation ee saldhigeedu yahay gobalka minnesota. (Virgina Mcnight Binger award). Abwaan siciid waa ruuxii labaad ee soomaali ah ee ku gulaysta billadda noocaas ah.

Dabeecadihiisa.
Dadka sida xeesha dheer u yaqaanna Abwaan siciid waxay isku raaceen inuusan marnaba islawaynayn, uuna ka saaxiib yeelan karo carruur iyo cirroolaba.

Akhristayaal, waad mahadsantihiin.