Barigaan wax jeclaaday,
gabadh baan is baranay,
Dhulki baaddiyahaa iyo,
bilicdaa iyo dooggi
Biyihii iyo baadki
Beerihii iyo bawdki
Biilihii iyo daaqi
Bilcinkii iyo baarki
Ramaaskii badhiwaynka
Badhooqdii iyo boocdi
Balanbaalka dufkiisiyo
Baaxuurkoo dhalanaaya
Bildhankii curanaayay
Baranbeerka cagaaran
Wixiyoo bardamaayoo
Bidhaamaaya agtayda
Waxaan aaday banaanka
Babacaan dagganayn iyo
Buurihii ka korreeyay
Anoo geeda bardaana
Barbarkooda istaagan
Wax baa biifyidhi meel
Adhi baa ka bildhamay
Barti baan ka dhaqaaqay
Riyihii baallaha joogay
Markii aan badi dhaafay
Badhtankoodana joogo
Maro aad bafto mooddo
Buladkeeda caddiinkaa
Bilig iiga hor muuday
Markaan beegsaday aayar
Bixitaanki horeetaba
Bidix bay isu laabtay
Babac bay u istaagtay
Dhinac bay isku buustay
Baarrimaadki go’eedey
Wajigeeda ku beegtay
Geed bakoola dhankiisa
Anna baasha kaleetaan
Barbarkaa isu taagay
Salaamaan ku billaabay
Badh bay iiga jawaabtay
Naa bariido Islaam iyo
Booqashaanu ahaaye
Magacaada bal sheeg?
“Bilan baa lay dhahaa”
Alla beelo gobeed iyo
Boqortooyo dhasheed iyo
Ma Banaadiri baayey
Magaceedu billaa
Barakooyin Ilaah iyo
Ma Baraawi dhabaayey
Basarkay isu taagtay
Hablihii reer Bakool iyo
Balad-xaawi miyaayey
Baxsan weeye qureeshee
Barigaasi Nugaal iyo
Bandar-beello miyaayey
Bilicdeeda hannaanka
Bulshadeenni Waqooyiyo
Barbaraawi miyaayey
Badrigoo dhalanaayiyo
Wajigeedan bishaa
Badan keedu Jabuutiyo
Balbalaawi miyaayey
Baqitaanka xishoodka
Badankay asturayso
Baftaday isku xeertay
Bidaheedu Wardheer iyo
Ma bullaalihi baayey
Markii aan u bintookhay
Wixi aan burqanaayay
Bidhiqday igu eegtay
Dhabankay yar bannaysay
Waxaan baashiray sheeko
Wakhtigaase is boobay
Baylahdii Adhigoodiyo
Bahallay ka cabsootay
Waxaan qaatay bayaan
Barritoo qudha mooyeen
Barigaa ka dambeeyo
Ballan aynu lahaano
Hana baylihin taada
Anu baajini maayee
Halkaasaanka billownay
Boholyowgi horeeto
Iyo boogti jacaylka…