FAYA DHAWRKA NADAAFADA

Reer miyigu waa dad aan haysan hay’ado ama xafiisyo u ololeeya ilaalinta nadaafadda deegaanka.
Miyigu waa meel nadaafaddeedu ay aad u dhawran tahay, sidaa daraaddeedna waxaa ku yar cudurrada faafa ee ka dhasha nadaafad darrada.

Runtii markaad eegto dadka habdhaqankiisa, waxaad dareemaysaa inay iyaguna ka qayb qaadanayaan ilaalinta nadaafadda guud ee deegaanka. Sababtoo ah, waxay leeyihiin murti wacyi galin ku dhisan oo lagula hadlayo mid yar iyo mid waynba inayn biyaha ku dhex kaajin, inayn saxarada qori gaaban iskaga tirin, inayn kaadidu ku duul duulin, in meel dhawrsan oon waddooyinka u dhawayn lagu saxaroodo IWM.

Dadka waa wayn oo wacyi galin joogta ah ku barbaariya ubadka, ugana diga arrimahan:

B: in aan biyaha lagu dhex kaajin ama lagu dhex saxaroonin,
T: in nijaasada (kaadida iyo saxarada) qori dheer la isaga tiro,
J: in aad dhulka yara quddayso markaad kaajayso si ayn kuugu soo duulduulin kaadidu,
X: in caday dheer lagu rumaydo, kor korna aan loo rumayanine gudub loo rumaydo si uun cirridku u dhaawacmin.
D: In Faraxalka la iska duwo IWM.

Taa ka sokow waxaa jira waxyabo kale oo dabiici ahaan nadaafadda u difaaca, tusaale:-

Marka saxaro (xaar) meel la dhigo waxaa ka shaqeeya oo tirtira kooxdan:
Xaar-walwaal
Xuunsho
Dakhsi IWM.

Xaar-walwaalku, ruuxii oo meeshuu ku saxarooday ka kicin wali, ayuu la kala dhaqaaqaa wuxuuna u baddala ciid godna wuu ku aasaa.

Xuunshada, dakhsiga iyo dameeruhuna meesha ayay ka nadiifiyaan wixi la dhigay.

Sheeko carruureed ayaa ahayd: Xuunsho xaar-gaad ayaa la waydiiyay, xaarka ma iska daysid! markaasay ku jawabtay: “Aniga maxaad igala yaabaysaan dameerka intaad aragteen iga wayn baaba cunee”.

Waxaa kale marka wax noole ah bakhtiyo oy naftu sidaa uga baxdo waxaa iminkaaba iskugu imaada gurmad kala duwan sida:

Haadda
Dugaagga
Qudhaanjada
Iyo dixiriga oo inta ugu dambaysa tirtira.

Qudhaanjada iyo dixirigaba, dhiigga iyo dheecaanka dhulka galay xitaa way ka daba galaan oo way soo muudsadaan.

Arrimahaas oo dhan waxay keeneen in waxyaabaha safmarka ah mooyeene ay deegaanka fayadhawrkiisa ku fillaadaan.