Arrinkii qalloocani nin buu, la qumanaadaaye
Dadkuna kama qabtee kii xun, baa lala quweeyaaye
Waa waxa adduunkii qarribay, qarada weynaaye
Ma quruumihii baa tolow, qiro heshiin waayey
Ma qabkii xumaayee rag baan, quudhsi kala daysan
Ma qardoofe laysugu dhintaan, qaarkii laga waayin
Ninba qiimiguu yahay kolkii, loo qadarin waayey
Ma qarsoodi baan jirin warkuu, qirayo raadyowgu
Dayuuradahan qoorkii baddiyo, qolalka meeraaya
Qaran jabay qabaa’ilka isku lumay, qoofka dami waayey
Qori dhacay qurbaha laysku dilay, qaraxa baaruudda
Qalcadaha la soo gubay intaa, duni qasaarowday
Qaylada magaaliyo baddaan, laga qaboobayne
Qoorriga Suweys iyo taney, qabi ka joogtaaye
Haddaan labada qolo ee isdilay, qooni kala gaadhin
Qawaajuhu qureecduu bartiyo, qado ma waayeene
Qariib weeye Reer Maxamed Cali, mana qaxweeyaane
Lagana qaad qasnadihii Hindiga, qalabka raygiiye
Qollateyn yar reerkii dhigtaa lagu, qar haystaaye
Qarri doogle qawdhaha caleen, qaradi geel naaxay
Qormo agana qayrooyin beel, qaxar la’aan taalla
Anuun baa qorshaha doonayee, quusay Faransiise
Maxay laba qabiil nabad heshaa, qoysba kala waaye