Doodihii dheeraa iyo Qoristii Farta Af-Soomaaliga, ee socday illaa iyo labadii dawladood ee rayidka ahaa, ee Markii dambana sida la yaabkale ay ugu guulaysatay soo af jariddooda dawladdii kacaanka ahayd ee Madaxwayne M Siyaad barre.
Khubaradii guddiga Af-soomaaliga qoriddiisa loo miidhay, markay soo bandhigeen 18-dii farood ee kala duwanaa ee isugu jiray 11-ka farood ee cusubaa, 4-tii xuruufta Carabiga iyo 3-dii Laatiinka intaas oo farood ayaa haddana doodo kale ka billawdeen, sidii hal mida looga dooran lahaa, maxaa yeelay qolo kastaa waxay wadatay taageere waxayna ku dadaaleen inuu nin walba tiisa meel mariyo. in kasta oo magaalooyinka qaar ay bannaan baxyo iyo mudaharaadyo ka dheceen iyadoo shacabku uu aad uga soo horjeedo Farta Laatiinka, Mudaharaadyadaas waxaa hal-ku dhig u ahaa “Laatiin Laa diin”. Iyada oo sidoo kale Goalaha sare shacbiga ay dooddan aad uga taagnayd iskuna haysteen aan Carabiga qaadanno iyo aan Laatiinka qaadanno. iyada oo ugu dambayntiina ay dawladdu qaadatay Xuruufta Laatiinka ee haddaba shaqaysa.
Sanad guuradii seddexaad ee kacaanka ayaa bishii Oktoobar 21 sanadkii 1972 waxay dawladdu sii sheegtay in la qori doono farta afka soomaaliga laga billaabo sanadka soo socda ee noqon doona 1973. Waxayna sanadkii 1973-dii bishiisi koobaad dawladdu ku dhawaaqday in la billaabo hirgalinta farta rasmiga ah ee soomaaliga.
Seddex waji oo karti iyo maamul wanaag ka muuqdo ayaa loo billaabay hirgalinta farta soomaaliga.
1) Markii koobaad, waxaa la amray in shaqaalaha dawladda sare ay muddo seddex bilood ah ku bartaan qorista iyo akhrinta far soomaaliga, inkastoo haddana seddex bilood oo kale loogu daray si ay qummaati ugu bartaan.
2) Markii labaad, waxaa la amray in far barashada Soomaaliga laga hirgaliyo iskuulaadka magaalooyinka waawayn iyo dagmooyinka. ololahan wuxuu socday, hal sano waana laga guul gaadhay.
3) Markii Seddexaadna, waxaa loo jeedsaday ololihii reer miyiga iyo ka hirgalintii farta. waa ololihii ugu dhibka iyo kharashka badnaa, uguna muddada dheeraa intii far soomaaliga la hirgalinayay. Waxaa lagu guulaystay in tuula kasta iyo reer meel ku jira oo kastaba macallin la gaadhsiiyo.
Sidaas maamul wanaagga iyo maskaxdu ku dheehantahay ayaa waddanka dhan seddexaas olole loogu wada baahiyay qorista iyo akhrinta farta soomaaliga.
Ololaha hirgalinta Far soomaaliga waxaa ku baxday Maaliyad dhaqaale oo aad u culus, waxayna dawladdu markii ay ka faraxalatay dhammaystirkii baahinta ololeyaasha baris barashada farta, soo saartay, tirakoobyada dadka la gaadhsiiyay habka geeddi socodkii barisbarashada ee muddada socotay. Qoraal ahaan waxay dawladdu sheegtay inay ka faa’iidaysteen dad tiradoodu tahay 1,257,779 oo shaqsi. Ololahan oo halku dhiggiisu ahaa “Bar ama Baro”.
Barmaamijkan horumarinta hirgalinta Far soomaaliga ee socday intii u dhaxaysay 1972-1975-tii waxaa ka qayb qaatay shaqaalaha dawladda dhammaantood, saraakiisha ciidammada qalabka sida iyo ardayda heerka jaamacadaha dadkaas oo wadartoodu ahayd 28,000 oo qof. Markaas ayay boqolkiiba tirada dadka waxna qora waxna akhriya gaadhay 55%.
Hawlahaas iyo dhaqangalintooda, iyo habsamida maamul wanaagga markuu caalamku arkay ayay dadka soomaaliyeed magac iyo maamuus dunidoo dhan ah ka heleen, luuqadda Af-soomaaliguna waxaa loo aqoonsaday inay tahay luuqadda Seddexaad ee Qaaradda Afrika, Carabiga iyo Howsaha oo kaalinta koobaad iyo midda labaad kala ahaa iyaguna illaa haatanna waa sidii.
Waxaa Alle mahaddiis ah in maanta iyadoo tirfactiran aan adduunka kaga faanayno, cid kasta oo hirgalinteedi ka soo qayb qaadatayna adduun iyo aakhiraba way ku abaal mudan yihiin.
B T J X KH D R S SH DH C G F Q K L M N W H Y
A E I O U