Inta baarka fidhatee
Boqorkiyo dhaclaha iyo
Baatiga ku faaniyo
Bilistoo dhan inanyahay
Adigaa bidhaantiyo
Bilicdawgu wacanoo
Nafta baylah tirayee
Akhriso qormadan, ka dibna su’aasha hoose isku day inaad ka jawaabi karto.
Inta aan ka xasuusto, waxay ahayd sanad barwaaqo ah, hoorhoorkiisi ayay reeruhu kor uga soo guureen Jiinka wabiga Cillaan ee ay Soomaalida galbeed dagto. ka dib, waxaa la degay gogolkii ballaadhnaa ee dibirka iyo suubaanka iskugu jiray oo aad u roobban. reerkaannagu wuxuu degay meel darrimo ah oo laago miidhan ah. dabeetana, waxaa dhacday in ay dhallintii fursad iskula helaan cosobkii deegaanka iyo cayaarihii caanka lagu ahaa Sida, Dhaantadi iyo Gaafki. Culimadiina waxay u guntatay inay dadka ka baraarujiso munkarka iyo dambiga nimcadan Alle dhigayna aan lagu kibrine lagu shugriyo. balse, Waxaa ka dhacday “Ciddii dhaga qabta la hadal” oo ninaba kama hoos qaadin waxa ay sheegsheegayaan. Gabdho iyo Wiilal aad u qooqay aadna ugu kibray barwaaqada gu’ga, Cilmiga diinta islaamkana ay aad ugu yarayd ayaa is bahaystay.
Waxaan ka xasuustaa dhaantooyinkii gu’gaas socaday kuwan:
“Huunnoy maa digaa i jannaynoo, huunnoy iga joojin cadaabey” iyo wiilashoo ugu jawaabaya.
“Huunnoy anigaa ku jannaynoo, huunnoy kaaba joojin cadaabey”
Waxyaabahaas iyo waxyaabo ka daran oo Ilaahay cadhadiisa lagu mudanayo ayaa ka dhacay. Culimadii ayaa markaa go’aansatay inay dabka gurtaan oo ay habeenkii xabbadeeyaan meelaha dhaantada lagu hayo. waxaa intaa dheeraa, habaar guud oo dhal iyo dhiiqmo la’aan ah oo dusha laga saray ciddi dhaantooyin noocaas ah mar dambe abaabusha. Markiise barbaartii tab iyo maaro loo waayay habaar iyo halgaadna ay dhagaysan waayeen, Cuqaashi iyo Culimadiina ay ka baqeen in meesha Sino iyo wax xilleh ka dhasho, ayaa lagu taliyay in la kala guurguuro oo reeruhu meelo aad u kala fog fog oo dhawr maalmood loo kala soconayo la kala dego, sifa ayn dhallinyaradu ugu suurta galin in ay si fudud isku helaan.
Cuqaasha iyo Culimada way ku guulaysteen fikirkoodaa aadka u wanaagsan, balse waxaa dhacay dhib ku kooban dhallintii isku baratay barwaaqada iyo barrimada lagu darsay muddadi yarayd, wiilkii iyo gabadhii sheekada caadigaa ka dhaxay sayba, sheekadoodii waxay isku baddashay jacayl, markii ay kala fogaadeen. Sidaa darteed, dhallintii seddex bay u kala qaybsantay;
—Mid inta dib u soo doolo gabadhuu jeclaa la soo baxa oo reerkoodu meeshuu u guuray kala daba taga, sidaana ku guursada.
—Mid inta awoodi waayo guur, gabadhii uu la sheekaysanayay reerkooda baagamuuddo ahaan iskaga aada, isagoo raba uun bidhaanteeda.
—Iyo mid balalka iyo boholyowga caashaqa aan dhanna ula dhaqaaqine la jiifsada uurka iyo aramidana ka ooya balse qarsada oon laga dareemin, marka la waydiiyo wuxuu ku dhuubtayna isagoon ka jawaabin sii dhaqaaqa.
Seddexdan wiil keebaa u dhaw inuu tiriyo Tixda billowa kare ah. (Inta baarka fidhatee…)
Waxaan u mahadnaqaynaa Maxamed Shafi’i oo qoraalkan soo qoray.