Hooyo Allow Dhawr, Qormadan Waxaan Ku Soo Qaadaneynaa maanso aad u cuddoon oo kuna saabsan hooyada waxaa maansadan tiriyey abwaan Faysal Goohe. wuxuu yiri abwaan Goohe
Hooyooy aduunkaba
Hadaadan hortaydiyo
Hareertayda taagnayn
Haqab beelli maayoo
Hibashaan ku nooloo
Waan kuu haamiyaa
Kugu soo hiilloobaa….
Sida geed hadhacaan
Hadhka loga dootaan
Hooyo kugu hirtaayo
Higilkaaga doonaaye
Hawlaha aduunyada
Halistiyo dhibaatada
Hareer eebe kaamari…..
Hadii maal aduunyaad
Laygu hoorsho galaboo
Hanti laygu guud furoo
Lay hirabsho waxa yaal
Haqab beelli maayoo
Hibashada adun baan
Hadal kaaga doonaa….
Hooyoo ababintaydii
Habistaydii hooyooy
Hawshiyo dhibkaygii
Hadaaqiyo bantaydii
Han-jaleeladayduna
Ka halaysay maradoo
Hohna aadan odhanoo
Hadba hees walwaled
Hoobay sabaalo ah
Igu haysay hanaqana
Ma hilmaami karayee
Halistiyo dhibaatada
Hareer eebe kaa mari
Sida hogol hilaacdoo
Lagu wada hayaamoo
Hilaad loogu kacayoo
Dadku haybso leeyad
Hooyo iiga dhigantee
Halistiyo dhibaatada
Hareer eebe kaa mari……
Hadii aanan hooyooy
Horsedkayga noqono
Soo hagin naftaydoo
Hadal-bare usonoqon
Hal-abuurka maansiyo
Hindisa farshaxankiyo
Hobolnimo mashegten
Higaadana ma kiciyeen
Hawlaha aduunkiyo
Halistiyo dhibaatada
Hareer eebe kaa mari…..
Hareeraha aduunyada
Inta hebel ku noolee
Hanad wada ordaaye
Halyay loogu yeedhe
Hanaqaad kufaaniyo
Hablo wada quraysho
Hobaan lamoodooo
Hidahana kucaanoo
Haashaarka loobogay
Laguwada hiraayana
Haybadaada weeyoo
Adigaa habeeyeee
Hawlaha arlada iyo
Halistiyo dhibatada
Hareer eebe kaa mari……
Hooyooy geeridaduna
Hoogayga weeeyoo
Wadka lama huraayee
Hadaad iga horaysoo
U huleesho aakhirana
Duco aan hadhayn ban
Hooyo kuu hibeeyoon
Hanti kaaga dhigayaa…..
Ilahay hoggaaga iyo
Kuu hagaaji aakhiro
Hilibkaaga naar iyo
Holloc kaama leefoo
Hallistiyo dhibaataa
Hareer eebe kaamari
Inta hoyga raaxada
Hagaag logu hooyee
Ka hirqata naciimada
Illaahay hakaa dhigo….
AAMIIIN AAMIIN