Akhristayaasha sharafta mudan maanta waa maalinta aan dhugasho qaybta waxbarashada kaga soo qaadanno, qormadan gaaban waxaan wax kaga baranaynaa bahda gorgorka noocyadooda.
Gorgorku deegaanka iyo dalkeenaba aad ayuu ugu badanyahay, inkastoo haadka gorgorku noocyadiisu adduunka ku kala baahsanyahay, haddana waddankeena sagaal nooc ayaa ku nool oo kala ah:-
1: Baaska
2: Babawga
3: Guduriga
4: Geeltoosiyaha
5: Baqalyada
6: Mandadka
7: Gallaydhka ama shimbira laayaha.
8: Haad-geel
9: Xuunsho
Baaska iyo mandadka waa labada nooc ee bahda gorgorka ka midka ah ee ay aadamuhu inay khayrka qabaan u aamminsanyihiin, iyagoo u qaddariya labadan nooc ee gorgorka ah in ay yihiin kuwo fadli badan.
Baasku qoorta iyo casha iyo lugaha ayuu cad yahay, intiisa kalena marna waa madaw marna waa guduud, afka intiisan hore ee fiiqan waa guduud, indhuhuna waa guduud. Madaxiisa wuu wayn yahay timo aad mooddo inay shanlaysanyihiin ayaa madaxiisa kor ooga taagan. wuxuu ugaadhsadaa dhammaan ugaadha noocyadeeda iyo waliba kuwa kale ee wax ugaadhasada, sida dawacada, shabeelka hadba wixi tabartiis ah IWM.
Dhammaan bahdan gorgorku inkasta oo ay sii kala khatarsayihiin waa noolaha kaliya ee duula kuwaas oo kalsoonida nolashooda ku tasarufa, aragtida qiyaasta. Markaan aragtida qiyaasan leenahay, wax walbaa waxay u baahan yihiin taxaddar iyo fiidhooni aqli iyo garasho lagu hagayo, taas ayaan ka wadnaa aragtida qiyaasan. Waxaad ogaataa in wax kasta oo la qabanayo ay u baahantahay in kolka hore aragti lagu qiyaaso, waa meesha ay soomaalidu tiraahdo (Intaadan falin ka fiirso). Culimadu waxay odhan jireen markaad arrin ku dhaqaaqayso khalaawee, tusaale ahaan guurka, tabaca IWM, Khalwadaas wax kale maaha, meel cidla ah ayaad tagaysaa waxaad tala saaranaysaa Allaha khaaliqa ah, Allaah baad baryaysaa inay kuu hagaagto arrintaan aad damacsantahay, Fikir iyo ka fiirsina meesha kama madhna, sidaa darteed, dadka caqliga leh sida ay aragtida ugu qiyaastaan ficilladooda.
Gorgorku waa midka ugu cimriga dheer xayawanka duula oo dhan. Wuxuu noolaan karaa illaa 70 sano. Afartan sano jir markuu yahay yuu ka hawl gabaa ugadhsiga firfircoon, afkiisa togan ee afaysan wuu soo laabanayaa wuuna ka af beelayaa. da’waynida iyo miisaanka ballaha waxay u soo rogmanayan xagga shafka taas oo ay ugu wacanyihiin, baarrimaha oo cufmay, waxaana u suurta galiwaaya duullimaadka degdegga ah. Xaaladdaas iyada ah markay la soo daristo gorgorku wuxuu sameeyaa la arrimood; Inuu dhimasho isaga sugo meel intuu galo kaydna uu diyaarsado iyo inuu wajaho hab aad u dhib badan oo dadaal ah oo uu wax kaga baddalayo nolashiisan cimriga ah, habkaas dadaalka ah oo qaadanaya 150 nalmood ama 5 bilood. Habkan isagaa gorgorku wuxuu fuulayaa geed buur dhaladeed ka lalmada, meeshaas ayuuna degayaa. Inta uu buurtaas degganyahay afka ayuu dhagax ku lisanayaa illaa uu ka afaysto. markuu dhagaxa ku liso ka dib wuxuu sugayaa intuu afka uga soo baxayo haddana intaas wuxuu sii lisayaa oo sii afaynayaa ciddiyihii, intay haddana ciyihii uga soo baxayaan wuxuu sii gurayaa oo sii kala badhyaraynayaa baarrimihii cufnaa ee culuseeyay baalalka ama garbabada. Shan bilood ka dib, gorgorkii wuxuu qaadayaa duullimaadkii uu caanka ku ahaa ee dib u curashada wuxuuna sii noolaadaa 30 sano.
Qaybaha kaleeto ee gorgorku waxay ugaadhsadaan inba tabarteed, qaar ayaa shimbiraha yaryar ugaadhsada, sida (Gallaydhka ama Shimbira laayaha) sidaad u taqaanba.
Qaar geela kaliya raqdiisa umbaa la arkaa oo mararka kale lama arko, sida (Geel-toosiyaha) “Geeltoosiyaan siin lahaa gobarrawayntiiye”
Gorgorku qaar waa baqalyada oo iyadu wax ma layso, wax noola ma ugaadhsatee, waxay boobtaa wixii markaa dagan ee ay isha lehesho. magacyo badan oo kala duwan ayay soomaalidu u yaqaannaan, tusaale:
-Baqalyo
-Beedo
-Dafo
-Xungurufo
-Xunguruf
-Yal
Waxaas oo magaca ayaa iyo magacyo kale oo badan ayaa loo yaqaan, bahashaas iyana waa bahdan gorgorka.
Babawgu isagu, waa gorgorka ugu wayn muuqaal ahaan, wuxuuna ugaadhsadaa, adhiga, waylaha yaryar, garannuugta yaryar, carruurta yaryar iyo wax kasta oo uu qaadi karo, markuu wax dilayo kolka hore wuxuu kala daalaa dharbaaxooyin uu ku wareerinayo kaddib ayuu dhalada kaga garaacaa afkiisa, wuxuuna kala baxaa inta beerka iyo baacugta ah, kadibna waa isaga tagaa.
Wuxuu inta badan wax ka ugaadhsadaa meelaha oommanaha ah ee qawyada dushooda ah.
Babbaw midabkiisu waa bunni, madixiisuna waa madaw. cidiisa waxay u badantahay guux aad u mayn karto kan geeltoosiha.
Haad-geeshu iyadu cod shillan ah ayay leedahay oo lagu garto, midabkeedu waa madow-bey xiga, waxay kurka uga egtahay xuunshada oo ay aad iskugu egyihiin. badanaa raqda ayay imaataa waxna ma ugaadhsato.
Gorgorka iyo bahdiisa intaas ayaan ku soo koobay.
W/Q: Maxamed sheekh Shaafici (Af-guun)