Marti-qaadka.

Adigoo qilinqiil iyo
qorraxeedka jilaalka
Qarfahaw socotooday
Qaalibkeeda dharaarti
Waxaad sii qarraflayso
Galab gaabka qiyaasti
Qolyo meel dagganaa iyo
Haddaad qayra timaaddo
…………………………………
Adigoo qamardaad iyo
Meel qalaalani jiifoo
Qadayoo xalay seexdoo
Subaxdiina qureecdi
Wax ku qaabbila waayoo
Qatannaan ku bariistoo
Qaalalyooday hadhawto
………………………………….
Nasabkii qummanaa iyo
Hadday qoysku arkaanoo
Gabadh qaali ahaydoo
Qiimaheeda la yaabay
Qiira kuula timaaddoo
Qasad kuula wareegtoo
Gogoshii qodbanayd iyo
Qolqol kuugu firaashtoo
Qabanqaaba habboon iyo
Qalbi kuugu adeegtoo
Qorsheheeda wanaagga
Marki aad ka qisooto
Intiyoo qof ahaydoo
Qaldantood garanayso
Iyadaa qudhiyeetaa
Qayiraysa dhammaanoo
Sharaf oogu qabaynoo
Qurxinaysa dadkeeda.

W/Q Shaafi Maxamed Yarow