Sida aan wada ognahay somaalidu waxay dhaqan weyn u ladahay waxa loo yaqaano Oral tradition(sheeko dhaqameedka), oo shekooyin badan baa qarni walba soo baxo oo qarniyada kale u gudbo. sheekooyinka soomaaliga ah waa sheekooyin bulshado fariin u sido oo la rabo inay bulshadu wax ka barato. inta badan sheekooyinkeena waxaa lagu soo qaataa xooloooyinka taas oo loo tusalaynaya dabeecadooyin ka mid ah bulshada. waxaa dabacadaha sheekooyinka lagaga hadlo ka mid ah, Tuugnimada, xasidnimada, fuleynimada iyo beenta IWM. Akhristayaal waxaan maanta doonaynaa inaan sheeko sheekooyinka somaalida ka mid ah inala wadaagno oo aad idinkuna xasuusatin oo aad jiilka cusub ooga sheekeysiin oo aad taladda ku jirto ka faa’idiin. Fadlan ku raxeeyso akhriska oo fikirada ku darso.
:- waxaan aad ooga mahad celineyna halkan Maryan Ali oo aan bogeedda googleka aan ka soo xiganay qoraalkan.
Beri baa waxaa jiray Jiir badan (Doolli). Maalin maalmaha ka mid ah ayey isa soo raacey markaas ayey yimaadeen guri Bisado (Mukulaalo) leeyihiin oo aad u qurux badan, ayna yaalaan bootaro (Boolbaro) midabo badan leh. Mid ka mid ah Jiirkii ayaa marsadey midab dahabi ah, dabadeedna wuxuu isku eegay (fiiriyey) muraayad guriga u dhextiil Bisadaha. Jiirkii aad ayuu isula dhacay oo isku maleeyey in uu dahab ka kooban yahay. Jiirkii kale ayaa arkay Bisadihii oo soo socda, oo intay ugaadhsi tageen soo hungoobay.
Jiirkii badnaa waxay u digeen saaxiibkood oo ay ku yidhaahdeen, “waar inaga keen meesha Bisadihii waa kuwane.” Jiirkii wuu is dhaga tiray oo wuxuu sii watey ciyaartii iyo bood boodkii. Bisadihii ayaa u soo galey isaga oo muraayadii isku daawanaya. Si dhib yar inta ay u qabteen ayey cuneen. Waxayna yidhaahdeen ma maanta ayuu Jiir gurigii noogu soo galey, annaguna duurka ayaan ka raadinaynay wakhti dheer. Jiirkii saaxiibadii talada ka qaadan waayey halkaas ayuu ku dhintay. Maahmaah Soomaliyeed ayaa tidhaa, “talo walaalkii diide, turunturo ma waayo.”
°°°°°
Dulucda sheekada:
Haddii aad dhegaysato ehelkaaga iyo saaxiibadaa, waxa aad ka nabad gali kartaa dhibaatooyin fara badan.