QAYBTII LABAAD: JACAYLKII SOO RAFAADAY

Waa Qaybtii labaad ee jacaylkii Rafaday een ku ballansanayn arbaca kasta.

Nasiib wanaag, Buux waxaa habeenkaa u suurtagashay in uu indho jacayl ku eego Cambaro. inkastoo uun wax jacayl ku saabsan u sheegin, haddana Cambaro dareen baa galay. Habeenkaas Buux waxay u ahayd billow farxadeed. Toddobaadkii xigay, seddex habeen ayay si qarbeqarbe ah ku kulmeen, hase yeeshee, kulankoodii u dambeeyay Buux waxaa u suurtagashay in uu Jacaylkiisa u bandhigo Cambaro. Inkasta oo ay soo dhawaysay haddana waxaa u dhinnaa haasaawe dheer oo ay Cambaro ku ogaato waydiimo badan oo madaxeeda ku wareegayay.

Halkaa markuu jacaylkii marayo ee uu waddo toosan cagta saaray ayaa waxaa dhacday arrin aan haabkaba lagu haynin oo jacaylkii Cambaro iyo Buux ku noqotay caqabad dhib badan oo is hortaagtay. Allaw Sahal umuuraha! Tolow arrintan hardiday jacaylkii waa maxay? Ma is afgaran waa soo kordhay baa? Ma gabadhii buu nin kale soo doonay? Mise waa dhib meel kale ka yimid?

arrimahaas midna ha u malaynine, waa Colaad ka dhex oogantay labada qoys ee ay ka soo kala jeedaan Buux iyo Cambaro, colaaddaas oo mararka qaar ay labadooda aabbe isku fara saareen. Murugadu waynaa! Inkasta oo guddiyo dhawr ah oo u gar qaadda labada qoys loo xil saaray haddana colaaddii waa loo maara waayay, dawadeediina way laalantay.

Dhinaca kale, intii dagaalka labada qoys uu socday jacaylkii Cambaro iyo Buux wuu sii xoogaystay oo wax la qariyo wuu ka waynaaday. laba wiil oo ka soo jeeday qoyska gabadha ayaa ogaaday haasaawaha jacayl ee la qarin kari waayay ee inantooda iyo Buux ka dhexeeya. dabadeed gaadh iyo ilaalo joogta ah oo ay xamaasadi waddo ayaa Cambaro lagu wareejiyay oo inay kulmaan iska dhafe xitaa waxaa adkaaday inay indhahoodu is qabtaan.

Cambaro iyo Buux midba dhankiisa ayuu jiifka qaban waayay. intaas oo dhan waxaa ka darnayd Fasixiisi oo ay dhawr maalmood ka hadhay. “Rag xeeladi kama dhammaatee” Waxa uu raadsaday cid si daacad ah ugu miciinta oo xidhiidhisa isaga iyo jacaylkiisa. Gabadh walaashii jaal yihiin oo uu ku tuhmayay garaad iyo degganaan ayuu si cad ugu bandhigay haasaawihiisii iyo jacaylkiisii uu dhibtu la soo deristay. Gabadhu waxay ahayd Xasna Khayre oo ahayd gaari naxariis badan, waxayna ballan ugu qaadday Buux inay hawsha si deggan u gali doonto. Waa wiil jacayl hayee, durba Xasna wuxuu ka codsaday in ay isla cawada war dhan ka keento Cambaro, waayo buu yidhi “fasixii baa iga dhammaaday oo barri ayaan tareenka raacidoonaa” Xasna labada qoys midna kama tirsana oo cidna kama shikinayso, Cambarana aadbay isku yaqiinneen. Isla markiiba hawshii bay guda gashay oo isla habeenkiiba war iyo farriimay ay is waydaarsadeen bay u kala gudbisay, ballana way u kala qaadday inay illaa iyo mustaqbalka labadooda xidhiidhin doonto.

Barigaa ma aysan jirin isgaadhsiinta casriga ah ee waxaa kaliya oo jiray Hadhagaala telefoonkii Shirkadda Dhabbada Tareenka. Isgaadhsiintaa oo illaa hadda dadka qaar u yaqaan “Siligga”, waxaa lagu kala hagi jiray tareenkii habeen iyo dharaar is waydaaranayay ee xidhiidhinayay Jabuuti iyo Adhis ababa. Mararka qaar Telefoonkaas dadku way ku wada xidhiidhi jireen balse ma ahayn mid madaxbannaan oo sir lagu kala gudbisan karo.

Buux waa nin wax qora waxna akhriya, Cambarose nasiib umaysan helin waxbarasho. sidaa darteed, haddii uu xaashiyo u soo qorilahaa waa in ay raadiso cid u akhrida, taasina waa uu ka maagay isaga oo ka baqay in ay meesha soo gasho sheekadii ahayd “Aqoon darro waa u nacab Jacayl”.

Maalintii xigtay isagoo la moodo inay dhibaato adduun u dhammaatay ayuu Hadhagaala ka ambabaxay wuxuuna dib ugu noqday shaqadiisi iyo Jabuuti.

La soco arbaca kasta sheekadan bogga facebooka ee Dhugasho.