Waxtarka dhaqaale ee geela iyo soomaalidii hore

Qormadan xiisaha leh waxay ka mid tahay sooyaal taariikheedkii aan ugu talagallay inaan ku soo qadanno bogga Dhugasho maalin kasta oo isniin ah.

Xoolaha nooc kasta ha ahaadeene, waxaa loo dhaqdaa waxtar ay leeyihiin oo dadku ka helo. haddii ayn xooluhu waxtarkaa la hayn waxaa hubaal ah inaan la isku daaliyeen dhaqashadooda. Sida xoolaha la dhaqdo u kala duwan yihiin ayuu waxtarkooduna u kala duwanyaha, una kala badanyahay. waxaa suurawda in laba ama seddex meesi oo xoola ah , ay wada yeeshaan dheefaha qaarkood, sida cadka iyo caanaha. hase yeeshee, waa ay kala badsan karaan.

Xoolaha reer guuraaga Soomaaliyeed ay dhaqdaan ee geelu ka midka yahay, waxtarka ay leeyihiin aya u yeelay qiimaha ay leeyihiin. Xooluhu waa saldhigga nolaleed ee reer guuraaga. Waxtarka dhaqaale ee guud ahaan ay xooluhu leeyihiin, geela ayaa haddana ugu sii qiimo badan. Taasina waxaa inoo caddaynaysa, sida ay bulshada xoolo dhaqatada ah ay u jeceshahay lahaanshaha geela, xoolaha kalena ay uga dhoor bidaan.

Dhanka Sooryada.

Qoyskii aan geel lahayn walwal iyo walbahaar kama baxo, xitaa hadday xoolaha kale hodan ka yihiin. Askar Cali waa kuu lahaa:-

-Guutooyin kugu soo habsaday gacal ku soo haybshay
-Goortay martidu soo gab tidhi heelka gurigaada
-Oo gacan khalqigu kugu ogyahay magacu waa guune
-Gool loo qalyaa iyo sidkaha looga godalyaaba
-Isagaa xil kaa gayn kariyo guurti kuu timide

Dhanka gaadiidka.

Aan soo qaadanno gabay uu Allaha u raxmee Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo uu kaga hadlayo gaadiidsiga Awrta lana barbardhigayo dameer. Wuxuu yidhi:-

_Dameer laba buqlood lagu raroo lagu baqoolsiiyay
_Bukuulaha xun buu moodayaa buur inuu sido’e
_Inaan bacadle awr lala simayn ba’aye yawsheega

Dhanka magta.

Askar Cali

-Gadhmadoobayaal iyo haddii geesiyo la laayo
-Oo guutaday wada dhasheen adi ku gaadayso
-Geed aad istaagtiyo haddii guri laguu waayo
-Goobtaad maraysaba haddii gaas ku daba joogo
-Gashi kaama bixiyaan wax kale qaanta godobeede
-Waxa gogosha kuu dhiga harwayn galab ad dhiibtaaye
-Isagaa ku gaadhsiiya nabad aad ku gama’daaye
Cumar Xuseen (Isteelliye) waa kii isna lahaa.

_Ajal dhimatay oo laba qabiil eedi kala gaadhay
_Boqol awrku dheeryahay haddii oodda laga qaado
_Markaasaa ninkii iilka galay lagu illaabaaye

Dhanka Yaradka.

Cabdi galayax
-Suldaan gabadhi sawjada gobtaa saxarla’daan dooni
-Sabcata cashar inantii jirtee timaha saydhaysa
-Waxaan sahal isaga qaadan karo suubey adigaaleh.

Markale geeljirihu waxay leeyihiin gabadh oo dhan geela lagama wada bixiyee, mid balaayo oo qaali ah oo boqor dhalay umbaa geela laga bixiyaa.

.Baarri gabadhii
.Laga bixiyaa
.Waa mid baasoo
.Waa mid boqor dhalay.

Cabdi galayax Allaha u raxmee waa kii mar kale lahaa.

_Naagaha middii quruxsan ee qaali lagu sheego
_Ama aabbeheed qarin jiroo qoolad lagu ooday
_Sahal buu ku qaataa ninkii qaalmo bixiyaaye

Geeljiruhu waxay dhahaan mar kale, ninkaan geel lahayn inuu gabadh laga dhintay dumalo mooyeene gbadh loo wada heellanyahay ma doonto.

.Qaalma diircada
.Oo duqii dhalay
.Wiil aan daba socon
.Dumaal mooyeen
.Doonis laga waa.

Qormadan waxaan ka soo xigannay Buugga suuganta geela ee Axmed Cali Abokor.