Jacayl aad tammadisiyo

Tartan caashaq kugu galayaa.
Taageera kululoo

Nafta uu turqadayoo
Tumaatiyay fallaadhaha
Tiiraanyo halisiyo
Isagaa tan badanoo

Tabashada wadnaha iyo
Isagaa wax tiigsada
Ama tuhunka kugu rida
Tooraha la marayiyo
Turaabadana kaa jara

Tacsidii jacaykaa
Dadka qaar tolnimadiyo
Kugu tabay fagaaraha
Adigoo tasoobayee

Nin tamootiyaayow
Boqoli kuu talisayey…

Toban saac habeenkii
Isagaa tallamayoo
Taws iyo xanuunoo
Lala toosayaa badii

Isagaaba taar iyo
Taleefoona sidayoo
Tillaabadi la joogaba
Tilmaamaha wanaagiyo
Tabinaaya quruxdoo