Jacaylkii Soo rafaday 3aad

 

Waa sheekadii taxanaha ahayd ee (Jacaylkii soo Rafaaday) 3aad Arbaca kasta iyo bogga Dhugasho.
Waxay inoo joogtay Wiilkii Cambaro Jeclaa ee la odhan jiray Buux oo Jabuuti u ambabxay.
Wuxuu tareenku sii gigleeyaba goor fiid ah ayuu Jabuuti galay. Waaberigii ayuu shaqa tegay isagoon xalay oo dhan isha labadeeda baal isa saarin. Waa ruux fasax ka soo galaye asxaabtiisii ay wada shaqaynayeen baa soo dhawaysay oo wada salaantay. Dadku way wada dareemeen in Buux hawli ku soo korodhay waayo gu’yaashii hore markuu fasaxa ka soo galo isagoo nuuraya oo nasasho jidhkiisa ka muuqato ayuu iman jiray. Markan isagoo daallan oo hurdo seexan oo caatoobay buu shaqada soo galay.
Asxaabta qaar baa u badheedha oo ku yidhaa, awal hore adigoo nuuraya baad iman jirtaye markan maxaa kugu dhacay? isna wuu iska aamusaa oo erey keliya afkiisa kama soo baxo. (Inti aan jawaab odhan lahaa maya ha ii joogto) ayuu arrinkii ka dhigay.
Buux fasaxa kan ugu xigaa waa gu’ga dambe, waa inuu labiyo toban bilood sugaa. Allow samirka u adkee! Buux sannakii waxa uu ku noqday midaan dhammaanayn oo toban gu’ kaga badan.
Maadaama uu ka tirsan yahay shaqaalaha shirkadda tareennada waxa u sahlan inuu siligga kula xidhiidho magaaladii jacaylka, hasayeeshee qofka ku hadalaya siligga si gooniya uma helo, cidda goobta joogta oo dhan baa maqasha, waa meel aan sir lagu qarsan karin haddana dan baa tidhi in Buux marmar adeegsado siligga.
Qolka siligga ee Hadhagaala qofka maalintaa shaqaynaya su’aal keliya ayuu waraystaa, aabbahay iyo odaygii hebel ma heshiiyeen? Warcelinta uu helaa goor walba waa midaan isaga farax gelin. Marka labaad Xasna Khayrre iigu yeedha ayuu codsadaa, waa haddu helo cid garanaysa. Si uu Xasna ula hadlo mararka qaarkood saacado badan bay qaadataa. Markuu Xasna helo si guud buu u waraystaa isagoo leh, iska warrama dhammaantiin? Xasna oo ah gabadh garaad iyo wanaag Ilaahay ku mannaystay markay war siinayso Buux, si qurux leh oo sarbeebi ku ladhan tahay ayey u tilmaantaa in Cambaro aad iyo aad u fiican tahay isla markaana ay isaga keliya sugayso. Maalinta uu Xasna war ka helo isaga waa u farax. Maalintii Ilaahay keenaba rakaabka la socda tareennada soo gala cid hadduu ka garto uu waraystaa. Aabbahay iyo odaygii hebel ma heshiiyeen? Ayuu soo qaddimaa. Sannadkaa oo dhan jawaabta uu helayey waa maya. Murugo weynaa! Labiyo toban bilood ayuu saxariir iyo rafaad ku dhammaystay. Haddeed xilligii nasashada iyo fasaxa ayaa u soo galay.
Fasixii markuu berri oo kale kow u yahay ayuu caawa oo kale tareenka feedha ka raacay. Saqbadhkii ayuu Hadhagaala ka degey.
Aroornimadiiba Xasna ayuu ku kallahay oo uu war dhan ka helay in Cambaro aad iyo aad u fiican tahay. Intaan hadhimadii (Qadadii) la gaadhin Xasna ayaa Cambaro ka war gelisay in Buux yimid isla markaana hadyad kooban oo uu u sii dhiibayna guddoonsiisay, warkaa oo Cambaro farax geliyey. Colaaddii labada qoys sidii kal hore way ka yara qabowday hasayeeshee dabka lama kala qaato.
Buux oo ah wiil jacaylka Cambaro laabta ruxayo markuu shan maalmood joogay ee uu ogaaday in arrimuhu weli cakiran yihiin ayuu si badheedha u sheegtay oo aabbihii iyo walaalihiiba u bandhigay in loo doono Cambaro Cabdi Geel-doon. Reer Cabdi Geel-doon isma geyno ee gabdhaha kale ee Hadhagaala mid ka xulo ayaa aabbihii ugu quus gooyey. Buux, aabbihii arrin uu diido weligiiba lama soo marin, waa dabeecad uu caan ku ahaa weligiiba. Buux walaalihii go’aanka aabbohood gaadhay bay ku raaceen. Cambaro qoyskooduna waa sidaa oo kale oo naxariis lagama dhawrayo. Colaadda labada qoys weli laf dhuun gashay bay ku tahay jacaylka Cambaro iyo Buux oo xilligan sii karaar qaatay. Allow jid u bixi! Buux warkiisa ayaa magaalada oo dhan gaadhay, dabadeed wiilal Cambaro walaalaheeda oo warku gaadhay ayaa gaadh iyo ilaalo xoog leh ka qabtay gabadhooda. Warku Cambaro iyo Buux si wanaagsan buu ugu kala socdaa oo Xasna ayaa meesha si daacad ah ugu jirta.
Rag male kama dhammaadee, Buux waxa uu goostay inuu geed dheer iyo geed gaabanba u fuulo sidii ay maruun gacantiisa u soo geli lahayd Cambaro. Laba maalmood marku ka fikiray ayuu dhigay shaxdii uu Cambaro ku boojin lahaa (Kula bixi lahaa). Xasna ayuu maalintii dambe la kulmay.
Xasnaay, Cambaro imika u tag, waxaad ku tidhaa, Jabuuti ayaan ku geyn ee diyaar ma ii tahay ? Meeshaad rabto waan kuu raaci war ah bay Xasna soo celisay, dabadeed Xasna ayuu si buuxda ugu sheegay shaxdii uu dhigay, si iyaduna uga war geliso Cambaro. Wuxu yidhi, laba maalmood ka dib ayaan duhur cad magaalada ka dhoofi. Marka la ogaado inaan baxay culayska iyo ilaalada ayaa ka yaraan Cambaro. Dhawr cisho markaan sii maqanahay waxa kuu iman ina abtigay Qummane, isaga ayaan la heshiiyey oo xaalkaygana gun iyo baar og.
Isaga ayaa habeen tareenka soo saari, waa nin qawl leh oo aan Cambaro cidla dhigayn, waxaan kula ballamay inuu Degmada Cali Sabiix soo gaadhsiiyo. Cali Sabiix anaa ku sugi doona. Ilaahow sidaa nagu gargaar. Xasna, warkii oo dhan bay Cambaro waraabisay. Cambaro oo jacaylku ka batay isla markaana la cabudhiyey ayaa shaxdii Buux qalbi furan ku soo dhawaysay.
Sidii buu yeelay, maalintuu baxayey ina abtigii Qummane ayuu la sii dardaarmay. Markii la ogaaday inuu magaalada ka luuday ayaa sidii uu malaynayey gaadhkii adkaa laga dulqaaday. Sidii ballanku ahaa Qummane ayaa u tegay Xasna maalin arbaca ah. Xasna iyo Qummane waxay isla go’aamiyeen in habeenka sabtida siddeedda fiidnimo tareenka soo mari doona ee Faalitooga (Xamuulka) uu la raaco Cambaro.
Faalitoogu mid rakaabka qaada maaha ee waa mid ka tirsan kuwa xamuulka iyo shiidaalka qaada. Laba ayaa jirta rakaabka qaadda oo la kala yidhaa Casar-joog oo maalintii socda iyo Bisbisiyaal oo habeenkii guura ah. Dadka raaca waxa u badan dumar sharshaariya (Beec-mushtara). Cambaro waa la qarinayaa oo si aanay cidba u arag ayaa Faalitooga dhibta badan loo raacinayaa.
Bal hadda aan u wada joogno Idam Alle iyo Qaybta xigta.