Barmaamijka Suugaanta eed Jamca Kasta kala socotaan bogga Dhugasho, Waxaan maanta ku soo qaadanaynaa Gabayo kala duwan Tudacyadood oo ka hadlaya Qabwaynida Laandheeraha iyo Quudhsiga Laangaabka.
Waxay Soomaalidu isku qabwaynaysaa Laandheerenimo. Marka gabayo goosgoos ah oo in laandheerenimadu waxba taraynin si cad u sheegaya ayaan soo bandhigayaa.
Allaha u raxmee nin la odhan jiray Nuur Jiir, oo reer laandheere sheeganaya si xun u galeen, ayaa tuducyadan ku sheegaya in boqollaal kun oo dhurwaa hadday isku qaylyadaan ayn hal Libaax waxba ka qaadaynin. Wuxuu yidhi;
-Libaaxuba dhurwaa toban kunuu tulud ka qaadaaye
-Ma rag baa la tiriyaa hadduu toban kol waydaarto…
Nin Allaha u raxmee Daahir Cali Nuur la odhan jiray, ayaa isna u caddayna in uu wacdaro ku dhigi niman Kooxyar oo laangaab ah ummalaynayay. Markaasuu wuxuu leeyahay:
-Haddaanan koorawayntiyo nirgaha meel isugu keenin
-Oon Koobba waynow Ritigu toobta laba kaabyin
-Koox baad na mooddaye haddayn kuman ku soo aadin
-Kabaabada kobtaan dhigo haddaan layga kicin waayin
-Uustar lagu kadeedmiyo hadduun kaabcadduhu reemin
-Sidi Kaalin Aar galay haddaan layga kala luudin
-Kolbaan nabad hayn iyo haddayn kogaydu kaayeedhin
-Ku rogay dagaalkii haddaan laysku kari waayin
-Kufri loo dacwoodiyo haddaan Karanle loo yaacin
-Oon kibirka reer Faarax iyo keeda la illaabin
-Kaad immoodday baan ahay haddaan laysku kululaanin…
Nin Allaha u raxmee Maxamed Cabdullaahi Jibriil la odhan jiray oo ku magac dheeraa (Af-durdur) oo isna laandheerenimada iyo laangaabnimada inay tahay waxa la isku maagayo, ayaa wuxuu yidhi:
-Anna waxa rag ii shabinayaa waa shaqiiqnimo’e
-Ammaan waaq haddii uu shin yahay la ima sheemeene
-Shirwac iyo Sharmaakiyo maxaan Higis u sheegsheegi
-Maxaa Cali-wanaag iigu jira maan iskaga shiixo
Cismaan keenadiid Allaha u raxmee, waxa uu leeyahay reer Laandheere ahaan jiray oo wali sidi u qabwayn iyo reer laangaab ahaan jiray balse hadda dib ka laandheeroobay yaa u kala garnaqi doona, hadday is qabsadaan. wuxuu yidhi:
-Laandheere gob ahaan jiroo gocashadii hayso
-Iyo kii ka gabnaan jiroo haatan garab taagan
-Gedda kaasi yahay baa kan kale gaadh is leeyahaye
-Labadaa garaad oo gudboon yaw garniqi doona???
Abwaanka wuxuu leeyahay laandheere umbaa la tixgaliyaa. wuxuu yidhi:
-Nin shisheeye raacoo dhan baa qaba rafaad kaase
-Waxa aniga lay reebayaa reer kalaa tahaye
-Meel aan lagaa rabin indhaha lalama sii raaco…
W/Q; Maxamed Sheekh Shaafici .