Soomaalidii hore waxaa caado iyo dhaqan u ahaan jirtay inay u diin iyo cilmi doontaan dhul fog oo aysan aqoon, ehel iyo aqrabo u joogin. Culimo badan oo Soomaaliyeed ayaa sidaa wax ku soo baratay oo kolkii ay kaaga qiseeyaan rafaadka iyo dhalandhoolka ay kala soo kulmeen xerayntaa aad yaabaysid.
Dadka xereeya ee cilmiga raad qaada waxaa inta badan hormuud ka ahaan jiray dhalinyaro hanuunsan oo jahliga ka cararaya. Waxaa dhici jirtay in wiil yar oo sin-dheer ah oo reerkoodu adduun, mood iyo noolba buuxo intuu subax ubbo dhaansado uu u jihaysto meel loogu sheegay sheekh diinta laga barto. Waxaa marka goor walba joogta ahayd gaajo, rafaad, arrad iyo basanbaas oo dhan oo ay dhalinyaradaasi la kulmi jireen.
Markii sahaydii ay ku soo talagaleen dhammaato, waxay ku noolaan jireen oo ay intifaacan jireen kolba wixii Alle u irsaaqo ee uu ugu soo dhiibo dadkaa kale ee ay hadba ku dhex nool yihiin. Qeyradii niman culima ah oo socdaal ahi ay soo dul degto waxay markiiba ugu guduudin jireen una loogi jireen culimada hadba neefka ugu shilish ee ay gacantoodu gaadho. La iskuma hiifi jirin, mana la isku haaraami jirin ee waxay wax garadka iyo hormuudka qeyradaasi u arki jireen looggaa baxay ajir iyo xasanaad ay hor Alle iyo habayn aakhiro gaysteen iyo waajib saarraa oo ay kasoo baxeen kadib markay quudiyeen culimadaa aan Rabbi mooyee ruux kale ku hoyan.
Mar la hel mar la waa, habayn qad habayn quudo ayuu xaalku ku sifaysnaa. Haddaba, waxaa dhici jirtay in dhalinyaro badani u adkaysan weydo rafaadka oo ay ku soo noqdaan reerkoodii. Markii ay raaskoodii yimaadaan waa la garanwaayi jiray gashin xumo iyo guul-daro weyn oo ay gaajo sababtay oo gogooda ka muuqata awgeed. Waalidkood iyo kolba intii ka naxaysa ayaa ilmada ku badhxi jiray oo markaaba si degdeg ah ula tacaali jiray si aragoodii ilwaadka samaa uu u soo noqdo dadkana ay mar labaad ugu ekaadaan.
In badan oo kale ayaanse dhibkaa dheg u dhigi jirin oo mar walba hiigsan jiray hadafka weyn ee ay leeyihiin oo ah in mar uun ay ummada wax u soo bartaan jahliga shiddadiisana ka waraabiyaan cilmiga ay soo xambaarteen. Hadii ay sidaasi dhacdo waxay xaq u yeelan jireen culimadaasi kalana kulmi jireen dhamaan ummadda tixgalin iyo mudnaan dheeri ah oo ay ku mutaysteen cilmigaa ay barteen iyo dhaga adaygaa ay muujiyeen ee ay ku samreen barashada diinta Islaamka.
Waxaan halkan ku qaadaa dhigaynaa qiso gaaban oo la xidhiidha Raage Ugaas oo cilmi u xeraystay oo xeraysigaa gaajo iyo golongol badan kala kulmay. Gaydhkaa iyo gashin xumadaa Raage la kulmay waxay horseeday oo ay sabab u noqotay qiso hufan oo Soomaalida badankeedu taqaano oo ah sarbeeb iyo hadalka oo aan la saafin markii ay wada hadlayaan laba qof oo is uur garanaya.
Waxba yaanan hadal kugu daalininee, Raage Ugaas ayaa isagoo dhalinyar ka socdaalay qoyskoodii una dhiila-dhaansaday inuu cilmiga diinta Islaamka bal mar uun inta uu baaqiga yahay Wax ka barto. Wuxuu aaday Magaalada Harar oo markaa Soomaalida u ahayd caasimad iyo xarun weyn oo cilmiga diiniga ah laga barto. Aftahanimo, aragti, deeqsinimo iyo dadnimo badni kale oo uu Raage caan ku ahaa waa halkeedee, wuxuu moogan door biday inuu Qur’aan akhris iyo cilmi barasho ka meelkeeno keeno. Muddo kolkii uu sii maqnaa ayaa wuxuu la kulmay rafaad iyo baahi. Busaarad ayaa naftii la qeybsatay. Wuxuu haddaba hamiyey inuu aabihii si uun warkiisa ku gaadhsiiyo ugana waramo xaalkiisa.
Maalin dambe ayuu wuxuu arkay niman safar ah oo ujeeda deegaankii aabbihii Ugaas Warfaa ku dhaqnaa hogaankana u hayey. Nimankii ayuu haddaba fariin u dhiibay oo wuxuu yidhi: “haddii Eebe idinku simo oo aad aabahay iyo degaankiisii nabad qab ku tagtaan, waxaad u sheegtaan aabahay inaan shanta salaadood isku weyso ku tukado.” Raage dacdaro iyo rafaad ayuu fariinta ku xusay nimankii fariinta qaadayse waxay u fahmeen in wiilku wadaadnimo iyo walinimo awgeed aysan waysadabu ka jabin.
Nimankii safraha ahaa fariintii siday doonaanba ha u fahmeene qaade Ugaas Warfaana ku sime oo siddii ay ahayd ugu sheege. Ugaasku isagaa wiilka dhalay, qof uun haddii ay tahay inuu uur ogaadana isagaa ugu dhow. Ujeedadii Raage ayuu Ugaasku markiiba si fudud u fahmay hoostana ka xariiqay inuu wax ka qabto dhibaatadaa wiilku soo sheegtay. Haddaba nimankii ayuu toyday. “Maandhooyinoow goormaad dib u noqonaysaan?” ayuu weydiiyey. Xilligaa iyo xilligaa, haddii Eebe idmo, ayey ugu jawaabeen. Wuxuu ka codsaday kuna adkeeyay nimankii inay soo maraan markii ay dib u gadoon noqdaan. Haye iyo hawraarsan mooyee wax kale uma haboonayn nimankaa sidaa unbayna yeeleen.
Safarkii markii uu danahiisii dhamaystay soo noqodna u diyaar garoobay ayey Ugaaskii war galiyeen in haatan ay dhaqaaq yihiin. Ugaas Warfaa oo mar hore diyaarsaday jiscinkii uu u diri lahaa Raage ayaa haddaba gacanta ka saaray nimankii. Wuxuu faray, “wiilkii Raage ahaa gaajo ayuu kasoo calaacalay ee u geeya tabaddan subaga ah iyo hilibkan. Markii aad u dhiibtaana waxaad ku tidhaahdaan aabahaa wuxuu ku soo yidhi: bishu waa soddon balliguna waa buuxaa.”
Nikankii fariintii iyo agabkii kale ee loo sii dhiibay ayey sii qaadeen. hase yeeshee intay dhexda ku sii jireen ayey subagii iyo hilibkiiba wax ka isticmaaleen oo jidka ku sii mareen.Iyaga oo aan dareensanayn in Raage ogaan doono inay wax ka soo isticmaaleen alaabtii loo soo dhiibay ayay farta ka saareen tabbadii iyo qunbihiiba. Waxayna u sheegeen Farriintii uu aabbihiis soo faray ee ahayd “Bishu waa soddon balliguna waa buuxaa”. Raage Markiiba wuxuu eegay hilibkii wuxuuna arkay in uun soddon xabbo dhannayn, waa kii lagu soo yidhi bishu waa soddone. Haddana wuxuu eegay qunbihii subagga ahaa oon buuxin illeen waa kii lagu soo yidhi balligu waa buuxaaye. Wuu yaabay, nimankiina way dareemeen Sarbeebta meeshi laga waday, Raage wuu iskaga aammusay nimankii wax dayn iyo daalac ahna uma qabsan. maxaa yeelay ceeb ayey arintaasi u soo jiidi lahayd hadduu ka dan dhawdo, nimanka xertaana sidaa ma jecla.
“Shanta salaadood isku weyso ayaan ku tukadaa” iyo “Bishu waa soddan baliguna wuu buuxaa.” Waa xidhiidh sogordohan oo aad u kooban. Waxay qisadani calaamad u tahay Raage, xataa yaraantiisii, inuu caado u lahaa ra’yi iyo aragti soofaysan oo heer sare ah.
Xigasho mudnaan badan doollo.com
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
Hoyga Suugaanta ee Doollo
The largest online collection of Somali Poetry.