Akhristayaasha sharfta waacan waxaan manta oo ah isniin oo ah maalintii aan “Dhugasho” bogeeda aan ku soo qadano waxabarashada waxaan doonaynaa inaad sheekadan somaaliga wax ka barataan oo aad fikirkiina ka dhiibatataan. Akhris waacan oo xiisa leh baan idiin rajayneynaa.
Bari ayaa dawaco adhi fara badan ka cuni jirtay reero meel deggan. Adhigaas oo riyo iyo idaba lahaa. Maalin danbe ayaa dadkii meel isugu yimaadeen waxaaney ka wada hadleen sidii ay dawacadaa dhibta badan iskaga dili lahaayeen. Waxay dadkii talo ku gaadheen in dabin loo dhigo dawacada. Dawacadii waxay ku dhacday dabinkii loo dhigay. Dadkii waxay ku xidheen dawacadii geed jiridiis, si looga aarsado oo waxaa talo lagu gaadhey in dab lagu dhex rido.
Dadkii waxay soo gureen qoryo xaabo ah oo aad u badan. Waxay xaabadii ka buuxsheen god aad u weyn oo ay ka qodeen geedkii ay dawacadu ku xidhnayd agtiisa. Markaas ayey xaabadii dab ku huriyeen waxayna yidhaahdeen, “Aan iska tagno, oo marka dabku uu aad u shidmo ku soo noqonno oo dawacada ku dhex ridno.” Waraabe aad u gaajaysan ayaa wuxuu maqlay cidii dawacada. Markaas ayuu soo orday oo is yidhi, aad ka
4
eryatid neefka ay dilootey maanta, waraabihii wuxuu u yimi dawacadii xidhneyd.
Intuu yaabey ayuu ku yidhi, “Naa dawaco yaa geedka kugu xidh-xidhay?” Markaas ayey dawacadii tidhi, “Waxa igu xidhay adeerkay.” Waraabihii (Dhurwaa) ayaa hadana yidhi, “Oo muxuu kuu xidhay?” Dawacadii ayaa tidhi, “Adeerkay aad buu ii jicelyahay.” Wuxuu arkay in aan caato ahay markaa wuxuu ii qalay wan weyn oo aad u buuran. Dabkaasna wankaas ayaa lagu karin doonaa. Aniguna waan diidanahay in aan cuno wankaas buuran, waayo gaajo ima hayso oo maalmahan oo dhan ayaan hilib cunayey, oo waxaan ka cabsanayaa inaan calool xanuun ka qaado. Markii aan damcay in aan ka tagana, intuu i soo qabtay ayuu geedkan igu xidhay. Markaan hilibkii cuni kari waayeyna wuu i diley.
Waraabihii ayaa intuu afka aad u kala qabtay illeen waa wax hilib iyo baruur jecele yidhi, “Ihi! ihi! ihi! aniga ayaa xariga kaa furaya ee aniga geedka igu xidh, si aan anigu u cuno hilibkaas adiguna uga nabad gasho.” Markii dadkii ku soo noqdeen meeshii dawacadu ku xidhnayd, si ay dabka
5
ugu dhex tuuraan, waxay u yimaaddeen waraabe ku xidhan geedkii. Dadkii ayaa intey yaabeen yidhi, “War Waraabe meeday dawacadii?” Markaas ayuu waraabihii yidhi, “aniga ayaa xarigii ka furay oo way tagtay.”
Dadkii ayaa yidhi, “Oo maxaad uga furtay?” Waraabihii wuxuu yidhi, “waxay i tidhi dawacadii aniga gaajo ima hayso, ee hilibka la ii keeni lahaa adigu cun.” Markaas ayey dadkii isagii dabkii ku tuureen. Sidaas ayaa waraabihii isku darsaday hunguri xumada iyo doqonnimada ku dhintay.
!!!!!
Dulucda sheekada:
Waxay Soomaalidu sheekooyin keeda had iyo jeer ku sheegtaa in dawacadu ay tahay midda ugu khayaamo iyo caqli badan habar dugaag oo dhan, waraabuhuna (dhurwaa) uu yahay ka ugu doqonsan.
Xigasho:- Google- Lyndale School S.P.I.R.A.L. Project Mashruuca S.P.I.R.A.L. ee Lyndale. waxaan jecelnahay inaan halkan ku xusnaa Maryan Ali oo boggan sheekooyinkan ku qortay.