Gorayadu ilmaheed
aroori bay dhigtaayoo
aboodigu ku laayaa,
shimbirtuna aroosay
ilaxidhoo ammaana bay
ubadkeeda seexisaa.
Kala awran labaduye
edebtiyo aqoontiyo
asluubtay isku dhaafeen.
Caqligii wanaagsani
itaal in uu ka roon yahay
bal eegoo u fiirsada.
Ilka weynoo maroodigu
araduu mirtaa buu
cadawgu ku ugaadhaa,
aboorkuna duddumadaan
aragnay buu dhistaayoo
naftiisa ku ilaashaa.
Kala awran labaduye
edebtiyo aqoontiyo
asluubtay isk
u dhaafeen.
Caqligii wanaagsani
itaal in uu ka roon yahay
bal eegoo u fiirsada.
Ma ogtahay sagaaradu
awaarahay qoddaayoo
saaladeeda ku aastaa,
libaaxuna ma asturee
hilimaduu ka arooruu
digadiisa ku aslaa.
Kala awran labaduye
edebtiyo aqoontiyo
asluubtay isku dhaafeen.
Caqligii wanaagsani
itaal in uu ka roon yahay
bal eegoo u fiirsada
Xasan Sheekh Muumin
from: Caqligii Wanaagsan
Soof: Wargeys-biloodlaha Suugaanta iyo Dhaqanka Soomaalida, January 1997.